Inta “Simi” hambaysaa hal ma yeelan doontaa (WQ: Cabdisabur Abuubakar)

 

Hordhac Kooban

Illaahay naxariistiisa janno haka waraabiyee, Xaaji Adem – Afqalooc, wuxu gabay qiimo leh oo uu tiriyey ku daray “Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane”. Labada kalmadood ee “Lib” iyo “Iiman” waa sharafta nolosha aduunka oo dhan. Qofkii isku helaana, wuu guulaystay aduun iyo aakhiro labadaba. Nabi Muxamed – Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee – wuxu yidhi “Illaahow waxaan ku waydiisanaynaa “Amni” iyo “Iiman”. Innagoo ka duulayna ducadan, waxaan cidina beenin karin in aan “amni” la helayn illaa la helo “lib”. Sida darteedna “libtu” ay keento “amni”, amniguna horseedo iimaan qurxoon. Tusaale ahaan, dadaal dheer dabadii waxaa xiga “lib”, “lib” dabadeedna waxa xiga “amni”, “amni” dabadiina waxa xiga iimaan iyo cibaado suuban. Sidaa darteedna qofka caqliga lihi wuxu si dhibyar u fahmi karaa, inaan lib la heli karin illaa loo midoobo waxa la rabo in libta laga helo, col ama faqri kuu doono ha ahaadee. Waxaa kale oo si dhib yar aan u fahmi karnaa in iimaan iyo cibaado xumo ay horseedayso nolol (aduunyo) xun iyo abadiya (aakhiro) xun. Kolkaa hadaba, sida quraanku cadeeyey, Nabi Muxamed-na fasiray, X. Adem -Afqalooc-na tusaaleeyey, “Midnimadu” waxay horseedasaa “Lib”, waxaanad ka libsanasaa, cadaw iyo faqri oo dhan, labadaaba hadaad ka guulaysatna iimaankaaga iyo cibaadadaadu waxay qurxinayaan noloshaada iyo abadiyadaada.

Ujeeddada qoraalkan koobani waa labo: (1) Inaan ku baraarugsanaano dhibta jirta ee abarata (faqriga), oo aan abaabulno gacan qudha oo midaysan, si aan uga libsanno, uguna gargaarno dadkeenna innaga sii socda ee abaartu innaga kaxaynayso ee ay adagtahayba inaan oolinno sida xun ee ba’an ee gurmadka loo wado aawadeed. (2) Inaan is barbar-dhigno “Dabadheer” iyo “Sima”, si aan u fahanno “halka qudha” ee ay ku kala duwanyihiin iyo sirta guushu (libtu) halka ha ya ku jirto. Sido kale aan iftiiminno jawaabta: Maxaa looga libsaday Dabadheer ee looga tabsan laayay abarata maanta taagan? Kadib inta abaratan ka hadhaa ay uga fikiraan ugu yaraan wax uun qorshe ah ee lagaga badbaadi karo dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo darxumooyin kaleba. Waayo waxaa la sheegay oo la caddeeyey in shanti sano ee kasta laba sano oo ka mida, abaari ay dhici karto ama dhacdaba,  geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

“Dabadheer” iyo “Sima”

Si aan u wada fahamno “Midnimadu” qiimaha ay u leedadahay hanashada libta, waxaan is barbar dhigaynaa xaaladihii kala duwanaa ee umadda Soomaaliyeed ay ku kala sugnaayeen xilliyadii abaarahani ay kala dhacayeen. Waxaan sheegi doonnaa khayraadkii iyo tabicii xilli walba lahaystay iyo sida ay ugu kala tayo roonaayeen wax ka qabashada iyo ka hortagga dhimashada iyo wax yeellada abaaraha iyo waliba ka guulaysiga musiibooyinka dabiiciga ah.

Abaartii lamagac baxday Dabadheer waxay dhacday 1974-75 kii, waxaanay saamaysay guud ahaan Soomaaliya oo dhan. Itoobiya lafteeda way ku dhacday laakiin waxaa la sheegay inay Itoobiya qarsatay oo aan la ogaan khasaareheega gurmadna aan loo samayn. Inay qarsato ujeedadeeda ma karan karno sheegideedana wax dan ahi kuma jirto. Waxaanse qiyaasi karnaa in xilligaa xukuumad dulli ahi ka jirtay oo aad uga fog ta maanta jirta oo iyadu ah mid illa xad furfuran – marka la barbar dhigo kuwii hore – oo la jaanqaadda runta kolba gayigeeda ka jirta isuna dayda inay u maareyso kolba sida ugu haboon ee suuro gal ah.

Abaartaa Dabadheer waxay ku soo beegantay xilli dawlad macquul ahi ka jirtay dalka. Abood waxay u lahayd dawladdu ugu yaraan inay kaalmo caalamiya hesho qaylo dhaan la aqbali karo na dirsato. Waxa kale oo ay abood u lahayd inay ugu yaraan ku dhiirato inay furto “xeryo” si ay u maarayso dhibta iyada oo adeegsanaysa dad iyo duunyo wixii ay haysay markaas oo ay hawl galin kartay sida Dhakhaatiir, Macalimiin, Arday iyo Ciidan intaba. Waxaa kale oo ay ahayd dawlad dareemaysa in uu xil ka saaranyahay wax ka qabashada iyo la tacaalidda dhibta soo food saartay dadkeeda. Sidaas darteed cidkasta oo ka qayb qaadatay gurmadkaasi waxay ku hawl galaysay niyad sami iyo daacad intay doontaba ha leegaatee. Waxayna u arkayeen gurmadkooda, inay gudanayaa waajib, dadka ay caawinayaanina ay yihiin dadkoodii oo tabaalaysan. Waxaa kale oo ay aaminsanaayeen inay yihiin shaqaale gurmad ah, laakiin maamulka guud iyo go’aamada lagu hawl-galayaa ay yihiin kuwo dawladdu gaar u leedahay. Waxaana taas sobobayey in qoqobnaan qabiil, qaybsanaan Joqoraafi iyo qallafsanaan fikradeed midna aanu jirin. Sidaa darteedna qulqulka gargaarku intuu doonaba ha qaatee ugu danbeynta uu gaadhayey meeshii loogu talo galay ee loo qorsheeyey inuu gaadho sidii loo qorsheeyeyna wuu u hawl galayey.

Hase ahaatee dhanka kale, dalka iyo dadkuba khayraad buuran may haysan. Dawlad Afrikan ah oo xornimo iyo dawladnimo ay ugu horeysay lixdankii, 14 sano kadib, kama fili karno dhaqaale xooggan oo ay ku maamusho musiibooyinka dabiiciga ah, sida abaartii Dabadheer oo kale. Ee taa badalkeeda waxay la tiicaysay culays dhaqaale iyo inay ku dadaasho ka shaqaysiinta adeegyada aasaasiga ah xaaladda oo dagan! Waxaanay ka mid ahayd uun dawladaha dhaqaalohoogu soo korayo ee markasta u baahan daganaansho dabiiciya iyo kuwo siyaasadeedba si ay u maareeyaan koritaankooda dhaqaale. Dadkuna baayac-mushtari hana-qaaday oo hirgaly muu lahayn. Shirkado gaar loo leeyeahay oo taabbo galay ma aas aasnayn. Muwaadiniin lacag-lay ah oo loo hunguroodo inay taakulo ku darsadaan dawladda si loogu miciino dadka abaartu saamaysay lama sheegi karayn. Dadka wax yaqaanna ee adeeg caafimaad bixin karaa way koobnaayeen.

Dadka wax qori kara ee xog lagu hawl-galo soo sheegi karaa aad bay u koobnaayeen, oo afka Soomaaligaba waxaa la qoray, wax yar uun ka hor isla sanadkaa abaartu dhacday. Isgaadhsiin casri ahi ma jirin oo waxaa lagu wada xidhiidhi jiray Raadiyow yaalla xeryaha waaweyn ee ciidamada iyo caasimadaha gobollada oo kaliya. Tuulooyin badan oo la yaqaan oo can ah – tilmaan ahaan – may jirin, tiro-koob sax ah iyo sida dhulka loogu kala badanyahay cidi xageedaba wali uma kicin. Tirikoobkii ugu horeeyey, een laakiin la daabicin, waxaa la sameeyey 1975 oo ah dhamaadkii abaarta, sida ay sheeegayso warbixinta haayadda UNFPA ee qiyaasta tirakoobka Soomaaliya ee ugu danbeeysay. Wadooyin jabsan oo toobiyeyaal ahi ma jirin. Ee dhulku qorfe iyo kaymo lama mareen ah buu u badnaa. Haayaddaha – ha ahaadaan caalami ama maxalli e – ka shaqeeya bina’aadantinimadu tiro ahaan way ka yaraayeen kuwa maanta ka hawlgala Soomaaliya. Lacagaha ay ku bixiyaan gargaarka dagdagga ahina wuu ka yaraa xaddiga maanta loo qorsheeyo hawlahaas.

Dhibaatooyinkaas oo dhan tiiyoo ay jiraan, haddana wax la yaab leh ayaa dhacay markii loo guntaday ee ilaahayna loo talo saartay xakamaynta abaartii Dabadheer. Sida uu sheegayo Dr. Ahmed Dalmar oo qoraal ku soo saaray Wardheernews 2012 kii, waxaa laga faa’iideeyey sedex kayd oo la haystay xilligaa: (1) Ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed; (2) Dhakhaatiirtii xooga dalka Soomaaliyeed (3) iyo Macallimiintii (oo kolkaa ahaa arday) kuna hawllanaa ololihii horumarinta reer miyiga. Taasi waa gudaha. Xagga dibadda waxaa laga faa’iidaystay xidhidh fiican oo waagaa u dhexeeyey Soomaaliya iyo Ruushka. Walow dhibtu ay badnayd oo baaxadna ay lahayd, haddana sidii ay u soo weerartay abaartu Soomaaliya umay halkaynin umana dishoon. Waayo waxaa lagu waajahay oo lagu qaabilay midnimo iyo niyad sami. Waxaan ognahay dagaalkuna inuu yahay cilmi-nafsi (psychology). Kasokow dadka la sabata bixiyey ee iskood ugu noqday deegaanadoodii – waa kuwii wax uuni ay u hadheen cuudkoodiiye – waxaa kale oo la sheegay in todoba iyo labaatan kun (27,000) dib udajin looga sameeyey wabiyada Soomaaliya hareerohooga iyo xeebaha. Abaartiina si fiican loosoo afjaray oo libteedii la haleelay Ogoosto 1975kii. Waxaa kale oo xusid mudan in abaal marino la gudoonsiiyey qaar ka mida dhakhaatiirtii, ciidamadii iyo macalimiintii ka hawl galay gurmadka abaarta.

Dhanka kale bal aan eegno abaartii dhacday – aan idhaahdo soo bilaabantay, waata illayn illaa hadda socotee – 2011kii. Abaartaa dhacday 2011kii anigu magaceega ma hayo mana maqal laakiin tii 2015kii, illaa hadana socota, waxaa la yidhi waxa loo baxshay “Sima”. Oo waxay sintay dad iyo duunyaba ugu yaraan gobol kasta. Si kastaba ha noqotee kolkay abaartaa 2011kii dhacday, bal aan barbardhigno hantidii taallay Soomaaliya 2011kii iyo taa aan kor ku soo xusnay ee taallay Soomaaliya 1974kii. 2011kii, tirada dadka wax qora waxna akhriyaa ee loo adeegsan karo xog ururin iyo tirakoob ugu yaraan hor dhac ah, aad iyo aad bay uga badnaayeen 1974kii.

2011kii, dawladdu way ka lacag (miisaaniyad) badnayd dawladdii afar iyo todobaatankii. Dadku way ka qanisanaayeen dadkii noolaa waqitigii abaartii Dabadheer. 2011kii, ganacsigu wuu ka casrisanaa kana baaxad waynaa xilligii ay dhacday abaartaa Dabadheer. Wadooyinka iyo isgaadhsiintu intay doonaan bay ka horeeyeen wadooyinkii la mari karay xilligii Dabadheer, telefoonno casri ahina ma jirin xilligii Dabadheer. Adeegyo casri ah oo sahay la isugu diro looguna qaybiyo lacag wax lagu iibsado ayaa hirgashanaa 2011kii. Tuulooyinka gobolladu, 2011kii waxaan filayaa inay ka caansanaayeen kolkii Dabadheer soo weerartantay, sida darteedna si dhibyar loo garan karay meesha dhibta laga soo sheegayo iyo baaxadda ay dhibtu haysato. Haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahi way ka tiro iyo tayoba badnaayeen kuwii hawl-galay afar iyo todobaatankii. Waxaa la sheegay inay gaadhayaan maanta 300 iyo jarjar. Dadku guud ahaan way ka tiro badnaayeen xilligii dabadheer. Si dhibyar waxaa loo ogaan karayey 2011kii abaarta soo socotaa baaxadda ay leedahay iyo meelaha ay ku badnaan doonto tiiyoo la heli jiray warbixinno iyo saadaalo ay soo daayaan BBC-da iyo FSNAU-du. Sidaas darteedna la samyn karay ka hortag iyo u diyaar galow intii la qaban karo ku siman. Hadaba inkastoo ay dadku dadkii ka badanyihiin, khayraadkuna khayraadkii ka roonyahay, haddana maanta kolna laguma dhiirran karo in la furo xeryo dadka lagu baanto oo lagaga daaweeyo diifta abaarata, laguna nasinayo dadka inta raxmaadka illaahay imanayaan. Lagamana fikiri karo maanta iyo 2011kii toona in loo sameeyo dib u dajin iyo xoolayn ku aadan dadka ka kaca abaarta, laakiin xoolihii ka baxeen.

Cajabta ugu wayni hadaba waxay tahay, tiiyoo ay jiraan kala duwanaanshahaas intaa leegi, haddana nasiib darro, abaartii Dabadheer waxay galaafatay nolosha labaatan kun (20,000) halka tii 2011kii – sida ay daabacday IRIN – ay gumaaday laba boqol iyo lixdan kun (260,000) oo ruux! Adigu wixii xisaaba, ka shaqee!! Kaaga darane cudurku wali ma bixin. Halka la cidhib tiray cudurkii afar iyo todobaatankii, ee raggi iyo hablihii ka kacay, lasoo wariyey inay gaadheen guulo waawayn iyo horumarro shaqsiya, gujadii iyo tumaatidii abaartu ku dhufatay dadka Soomaaliyeed 2011kii, wali way gilgilaysaa, li’ashaduna way socotaa! Waxaana hoyan doona dad badan oo Soomaaliyeed oo aan jecelnahay iyaguna inna jecel laakiin annaan aboodin inaan oolinno! Ka sii darane waliba, waxay u dhimanayaan tiiyoo aan loo dareemayn sidii loo dareemayay labaatankii kun ee galbaday todobatanaadkii! Ax! Waayo, “Midnimo” iyo cid lagu ogyahay inay masuul ka yihiin dadka majirto, sidaa darteed cidkastaa waxay wax u qabanaysaa si dheel-dheel ah oo ay ogtahay hadii boqolaal baad ka hadlaysaaye malaayiini ay dhimato, inaan la waydiinayn oo aan lagala xisaabtamayn aduunka korkiisa ta abadiya haba danbeysee!

Gunaanad

Sobobtu wax kale maaha! Inaad ogaato sobobtu aad bay u fududahay! Se waa hadaad rabto inaad si bilaa eexa wax u qiimayso. Abaartii 1974-75tii waa loo midaysnaa, maamulka iyo isu dubbaridkuna meel qudha ayuu ka socday, innamada iyo hablaha gurmadka ku jirayna waxay ku niyad samaayeen maamulka dawladda sidaa darteedna waxay u dhaga nuglaayeen hab-maamulka iyo fariimaha lagu socodsiinayo dardar galinta gurmadka iyo sabata bixinta. Halka dadka tabaalaysanina ay niyad samaayeen ee ay ku xisaabtamayeen in cid uuni ugu yaraan u maqantahay, kuna hawllantahay u gurmashadooda. Hase ahaatee maanta, maamul qudha oo ay masuuliyaddu saarantahay lama sheegi karo. Dad iyo dawlad, culimo iyo cantar, yar iyo wayn, qurbe iyo qolqol, qani iyo faqiir, waa la wada diran-yahay, laakiin midnimo la’aan iyo la xisaabtan la’aan! Maamul iyo maareeynba iyagaa isu ah. Wadhi se, waa bar kuma taal! “Mallooli mana nasto maqashana wax kuma leh”. Haan daba la’ ayay dhaaminayaan dadku. Cid ku dhacda in ay furaan hal xero oo dadka lagu qaabilo, ma jirto. Car! Carkee! Ama idaacad ka qayli ama TV, guddida aad rabtana samee! Libi, innaga dheer midnimo la’aan!

Sobobta kaliya ee abaartii dabadheer ku horjoogsatay inay ku ekaato galaafashada 20,000 oo ruux, oo waliba ay gaadday oo ay laysay gufaacadii hore, 2011kiina ay abaartu kaga dharagto oo iskeed ugaga nasato sahayashada 260,000 , haddana ay soo laba kaclayso, oo soo sedex kaclayso, waa in 1974kii dadku ku midaysnaayeen siday “Libta” uga heli lahaayaan hororka soo weerartamay iyaga oo ku midaysan hal maamul oo ahaa ka dawladda oo qudha. Taas oo u kala qaybinaysay waajibaaka iyo masuuliyadaha kala duwan ee saamaynaya tayada gurmadka!

Ugu danbeyn, aan ku soo afjaro laba nin oo sifaynaya libta in lagu helo “Midnimo” iyo “Tolnimo” oo labaduba sheegaya micno isu mid ah.

Indheer-garad: Xaaji Adem (Afqalooc), nin wayni wadkii wuu yaqaane mar uu is yidhi daraaran dhaxal gal ah uga tag dadkaaga waadigan kolka sii jeestaye, wuxu tiriyey gabaygan soo socda. Kolkaa aniga aragtidayda gabaygu waxa uu u baahanyahay in ugu yaraan hal teeram (one semester) lagu dhigo jaamacad, si casharrada ku jira loo fahmo, laakiin laba goosan oo ay ku jiraan meerisyo (gaar ahaan kuwa aan madoobeeyey) oo aad ula xidhiidha maqaalkan, ayaan ka soo ergistay:

  • Markan eegga, odayoobay oo waan itaal gabaye
  • Waa arami feedhaha waxaan aahda la hayaaye
  • Ifka talo ma kala qaadano oo waa isku ogayne
  • Aakhiro hadii aan tago oo iilka la i geeyo
  • Ittixaada waa taad sidii adhi ahaydeene
  • Indhahaysku aragtaan cadawga waar iskaga eega
  • Is aamina dannigu waa waxaad ku ibtilowdeene
  • Is aqbla qabiilnimada waad ku ambanaysaane
  • Is adeeca uurxumidu waa aayatiin li,iye

Meelkale oo isla gabayga ah waxa uu ku yidhi indheer-garadku:

  • Ilkuhu wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane
  • Haday iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene
  • Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane
  • Abtirsiimo reer hebel ah iyo oday ku faan tuura

Abwaan Baarleex-na wuxu yidhi in ninba meel cadawga iyo abaartu ka heshaa, waa tol-la’aan:

  • In abaari inna Tiifto;
  • oo Dadku Taah ladi waayo,
  • oo Tobaneeye la aaso,
  • oo Tiro kii bari haystay,
  • Tahar ayna u joogin,
  • oo Tahriib ka darraato;
  • oo Todobaatan rag gaadha;
  • Badda uu ku Tagaayoo,
  • ku Tallaalmo Yaxaas,
  • Oo libaaxii timohooga iyo
  • Turuqyadooda cunaayo,
  • Taasi waa tol- la’aan.

Waxa Qoray: Cabdisabur Abuubakar

nuuryey1@gmail.com

 

Dhamaad.