Saxaafaddu waa tiirka afraad ee qaranimada somaliland sida uu qeexayo dastuurka dalku taasi waxay ku tuseysaa muhiimada iyo baaxada mihnada saxafinimadu kaga jirto dhismaha haykalka qaranimo ee somaliland iyo sida ay saxaafaddu u tahay mudanta bulshada kaalin weyna ay ugu lee dahay horumarka ama dibu dhaca bulshada hadba tey tahay marka laga cabir qaadanayo umadda isbadel la timi waxaa marag u ah sida ay tahay saxaafadeedu.
Somaliland laga soo bilaabo markii ay dib ula soo noqotey madax banaanideeda wakhtiba xiliga xiga saxaafadda waxay qaadeysay talaabo horumarineed oo xoogan marka loo eego dalalka qaaradan afrika ku yaala isbadelada dhinaca warnaahinta ee dhacayay waxaa ku lamaanaa caqabada adag oo ka hortaagnaa in saxaafadda iyo suxufiyiintu kaalintooda ka qaataan hayaanka horumarka qaranka somaliland hadey tahay aqoon,dhaaaale ama taageere niyadeed.
Saxaafadda somaliland intooda ugu badan ee dhaqaajisa hawlaha warbaahineed ee xarumaha saxaafadda hadey tahay ka ta dawlada ama ta gaarka loo lee yahay waxaa gacanta ku haya oo hawsha wadda dhalinyaro aqoon iyo tacab xoogan galiyay in ay bulshada ka haqab tiraan baahiyay warbaahineed ee ay qabaan taas oo aaney ku helin waxay xaq iyagu u lahaayeen oo ahayd dhiirigalin iyo garab istaag.
suxufiyiinta reer somaliland waxay ku shaqeeyaan duruufo noleed oo aad u qalafsan cidi kama war hayso daryeelkooda noloshooda,kobcinta aqoontooda iyo korinta maankooda si ay ugu sii badiyaan halganka ay ugu jiraan in ay xirfadooda uga faa’ideyaan bulshadooda isla markaana ay qarankooda ugu jiheeyaan horumarka dalka iyo dadka.
Waxaynu odhankarnaa bulshada reer somaliland waxay dayaceen xirfadyahandoodii kaalinta weyn noloshooda ku lahaa sababtoo ah suxufiyiintu had iyo joor waxay ku mashquulsan yihiin sidii xogaha iyo macluumaadka u gaadhsiin lahaayeen bulshada iyagoo isku xidhaya xukuumadda iyo shacabka si loo helo qaran ka fiyoow dhibaato iyo kala qayb sanaan
Sidoo kale suxufiyiintu waxay door weyn ku lee yihiin hirgalinta dawladnimada xasilinta deegaanadda colaadu ka dhacdo isku soo dhaweynta bulshada kala qaybsan isku tolka bulshada si ay isku caawiyaan waxaaney isku xidhaan horumarka iyo nabad.
Suxufiyiinta waxay bulshada ka iibiyaan qadiyada uu wato ninka siyaasiga ah ganacsadaha,sheekha,madax dhaqameedka, masuulka xil xukuumadeed hayaa iyoj inta muta caaliga ah ee bulshada taas oo marag u ah in saxaafaddu ay tahay awood xoogan oo cidna aaney hor istaagi karin damacooda iyadoo suxufiyiinta kaalintaas ay bulshada kaga jiraan hadana ma helaan abaal marin lagu dhiirigalinayo balse intaas badalkeeda waxay helaan aflagaado iyo maag wax lagaga sheegayo shaqadooda iyo waxqabadkooda.
Saxaafadda somaliland waxa ugu badan waa dhalinyaro waxaaney wakhtigooda ugu badan ku bixiyay u shaqeynta qarankooda iyo bulshadooda iyagoon ka helay dhaqaale ama dhiirigalin xirfada wariyenimo lagama faa’ido dhaqaale ama hanti waayo mihnadani lacag ma leh waxaan markhaati kaaga ah intii xirfadan kaaga horeysa magac mooyee manfac kale kama hayaan balse sharaf iyo karaamo ay ay ku dhex lee yihiin bulshadooda balse maanta taasi ma jirto wey yar tahay cidda garowsan kaalinta warbaahintu guud ahaan ay kaga jirto qaranka somaliland saxaafadda lafteedu waxay gabtey doorkeedii ahaa in ay muujisey kaalinta ay qaranka kaga jirto iyo halka ay horumarka bulshada kaga beegan tahay hadii aanad adigu is aqoonsan cidi kuma aqoonsanayso.
Saxaafadda somaliland waxaan lee yahay bal aynu dib iskugu noqono oo aynu raadino kaalintaynu xaqa u lahayn.
Qalinkii Ridwaan Caydiid Ismaaciil (AkiiD)