Is-casilaad guur: Maxaa doobku u guursan laayahay? (WQ: Cabdilaahi Raage “Sayidka”)

 

“Xaasku ma halkanuu deggan yahay?” saxiib aan hadda uun isbaranay ayaa i waydiiyay. Mareeyaha hay’addayada, dhallinta kaftan-wadaagta aan nahay, ilaa mudalabka cunada ii soo dhiga iyo qaar kale oo badan midba si ayuu ii waydiiyaa, hablahana indhahooga ayaan ka milicsadaa rumaysi la’aanta, markaan ugu jawaabo “Maya! Wali walaal ma aanan guursan.”

Intaas waxa ii dheer ehel iyo qaraabo, midka ay dani isku kaayo keento iyo ka kadisku na kulmiyaba si joogto ah ayuu ii yidhaa “Cabdullaahi waa goorma?!”, haddii aanay i odhanba “ma gabadhbaan kuu doonaa?”

Warkaasi waxa uu cirka isku sii shareeraa ayaanta rafiiqyaday mid liiska guurdoonka ka baxo, ka qalinjabiyo akadmiyadda haasaawaha oo qalinka ku duugo aadame ay isdoorteen.

-Adaa hadhay Cabdillaahi?!
-Maxaad qabanysaa?!
-Miyaanad ku xigin?!

Iyo waydiimo la mid ah ayaa iyagna igu suga meherrada, aroosyada oo aanan kuba badnayn iyo reeraha yagleelkoodu cusub yahay. Xataa tagsiile maalin dhawayd aan baabuurka ka kiraystay “Iska guurso” ayuu igula taliyay!!!

Qiyaastii anuunbaa hadhay, waxa dhiman uun in aan iswaydiiyo Maxaa aan u guursan la’ahay?!

“Mar qudha ayuunbaan hinaasaa” ayaan galab gaaban oo aan wada joognay ku idhi ayaan-badantii aan waagaa is calamanayn, “Marka aan arko rafiiq hore, oo ilmihii curdeed gacanta haysta” in aan hinaaso ayaan u sheegay alla barakeedaas, oo iyada lafteedu hada dhawr daadihisa.

Haasaawaha ma kala caaganin oo simikaadhyadii sharkidaha kharaskhka yar ay bixin jireen ayaan marag u haystaa, hadalkana waaba xirfaddayda, “inanka makarafoonka” naanaysihii isoo maray ayay ka mid ahayd oo hadalka ma kala gabano, haddaba maxaan safka uga baxay, oo aan xilkii guurdoon-ka iskaga casilay?!

Habeenka cawayska iyo cayaarka, marka damaashaadka lagu kala dareero ka dib, reerkaagu siduu u ekaan? Muxuu noqon maalinlaha joogtada ah ee aad ku noolaan doonto? Ayaa marwalba iswaydiiyaa.

Madax-banaanida ayaan qadisaa, ma lihi jadwal, haddii aan yeeshana ma fulin aqaan, waxaan ku tallamaa halka ay ku danbayn doonto madaxbanaanidaasi, aadbaanan uga walwalaa masiirkeeda, ugama baqo lammaanahaygu in ay ku xadgudubto ee waxaan uga baqaa in aan anigu iyada darteed ugu xadgudbo, ileen nin lamaane lihi jar uu jecelyahay kama boodi karee.!!

Madaxbanaanida uun maaha waxa aan wadnaha farta ugu hayaa, waxa kale oo aan u baqaa guurka laftiisa, waxaan ku talamaa sidee loo gacan qabtaa guur dhulgariir ku dhacay? Waxa aan iswaydiiyaa in aan karti u leeyahay kabidda qarqaraxyada ka dilaaca dhulka jacaylka iyo deegaanka wada-noolaanshaha, wayna i walwal galisaa kartida lammaantaydu u yeelan karto arrinkaas.

Haddiiba aan isku qalbi qaboojiyo guur kastaba waa lagala kulmaa qarxyo baabuur ismiidaamiyeyaal hadal macaan wadaan fuliyaan, oo ku sii niyad dajisto waddanka intaa baaxad le’eg aqal kasta, habeen kasta ugu yaraan qol qudha ayay laba qof go’ kaliya wada hoos galaan, waxa igu soo booda “diyaar ma u tahay in guurkaagu la mid noqdo kuwaas qaar abdan aan la kala saarin xariiqinta u dhaxaysa wada jooga iyo kala tagida?!” Anigoon wali taasba ka warcelin ayay iskay horkeentaa:

“Hadiiba aad ku raaxaysan waydo guurkaas, ood lamaantaada isku faraxsanaan waydaan ka warami?!”

Dhammayso habeenka koobaad iyo cabsidiisa, ku soo celcesho qosolkii koobaad iwm.. toddoba bax markaagii koowaad, bisha malabkaana soo afmeer, iska laab xaashidaas, sarreeye ayaa jira’ oo faxan, ayaan ku guuxaa. Waxbase kama dheefsado oo waxa isoo ag kambadhuudhsata waydiin kale oo hawaawiga igaga kicisa “kuwa aad dhashana?!”… “Yaaa. Maxay qabaan kuwaan dhalaa?!” Haddii aan ku aamusii is idhaahdana, waxa ay igu daldashaa dabxidh waydiimo ah, oo dhan looga gabadaa jirin, waxa ay iiga bilowdaa:

“Sidee ayaad u korin?, Maxaad bari ama wax ubari?, dhaqankeed ku barbaarin?”

La yaab badanaa nolosheenu, waxa aad moodaaba in aan sidii Aadam iyo Xaawa hadda cariga soo dagnay, wax qeexan oo meel loogu hagaago lihi maba jiro bulshdeena.
“Waxabarshadooda maxaad u qorshaysay?” ayay igaga soo qabataa safarkaa tallan ee ila dheeraaday. Waxay ii raacisaa “Ma malcaamad ayad gayn?”

… “Dabcan maya, waa ciqaab iyo wakhti-lumis, ii sheeg ilmo ku aflaxay wax uu ka soo bartay macalinkii usha dheraa ee la isku khuukhin jiray?!” ayaan afka ku qabtaa, markaasaan idhaa dugsina ma jiro oo kuwa xukuumadana waa warshadda shaxaad qaateyaasha, kuwa gaarka ahina waa tukaamo aan shaqaysan garanayn kuwaa horena waxba kuma dhaammaan aan ahayn qiimaha fiida ee car igoo’da ah iyo baabuurta magacda laga buuxshay mooyaane!!!
Tolla’ay, sidee samanka wax loo dhalaa. Maya, sideebaa loo guursan karaa, iga walee kii u badheedhaa iga indho adag, oo iga qalbi adag!!! Waaba cidii safka kusii jirta, anuu waan iscasilaye’ yaa i raacaaya?!