Is-dhul-dhigidda: Tawaaduca (WQ: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Diinta Islaamku waxyaabaha ay ku dedaashay waxa ka mid in loo sinnaado axkaamta diinta, rag iyo dumar, dhalin yaro iyo waayeel, gob iyo gun; wadaad iyo wabiin. ( Cidda aan ka hadlayno waa xil-qaadka ama mukallaf; oo aan uga jeedno laba sifo ciddii laga helo marka laga yimaaddo Islaamnimada 1. Qaan-gaadh 2. Garaad ama caqli)
Yagoo ka duulaya aqoonyahannada diintu tilmaamahaas, ayay sammeeyeen qaacido odhan jirtay: Al Mussaawaah. Oo sheegta in loo sinnaado axkaamta lagu adoonsaday xil-qaadayaasha. Haddaba, Alle sifooyin ayuu leeyahay; ciddii uu abuurayna sifooyin ayay leeyihiin. Kibirka iyo isqaad qaadku wuxuu u bannaanyahay Alle. Taa badalkeeda waxa dadka u bannaan waa inay is-dhul dhigaan.

Shaki kuma jiro in galdaloolooyinka dadka Alle dhammaan wada ogyahay sida ay qabaan Ehlu Sunna. Wuxuu isha ku hayaa waxyaabaha aynu maagannahay; wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u ogsoonyahay falalka ay ku kacayaan Bani Aadamku, wuxuuna maqal ku hayaa goorta iyo goobta uu Aadamuhu ku hantaaqayo fal. Wuxuu si qummaati ah ula socdaa waxaynu jecelnahay iyo waxaynu jikraynayno. Sidaas awgeed, Alle wuxuu Suuratu Al Israa kula hadlay Nebigiisa SCW isagoo ku yidhi, “ Ha marin dhulka adigoo is-qaadqaadaya, ma dillaacin kartid dhulka; dhererna kuma gaadhi kartid buuraha.” Sidoo kale aayad taas oo kale ah ayuu Alle ku tibaaxay Suuratu Luqmaan.
Dulucda iyo Hillinka aayadda:

  1. Aayaddu waxay ka hortagaysaa kibirka iyo isla weynida.
  2. Waxay sidoo kale sheegaysaa in aan si kasta oo loo kibro aynaan gaadhi karin buuraha ( Lan oo ku jirta aayadda,waa abadiya, waxay faaideysaa in aan weligeed aynaan dhaafi karin xadka Alle inoogu talo galay)

Kibirku waa ereyga ku lidka ah qodobka aynu hadlayno. Dhibaatooyinkiisa waxa ka mid ah in uu qofka ka fogeeyo gelidda Jannada. Suubanaha SCW waxa ka sugan inuu yidhi, “ Jannada geli maayo qofka qurub ka ugu yar ee kibiri ku jiro qalbigiisa.”

Maadaama Soomaalidii hore lagu tuhmi jiray indheer garadnimo, fiiro dheer, aragti suubani, waxay ka gabyeen halka uu ku danbeeyo kibirku:

“Ragoow kibirka waa lagu kufaaye, kaa ha la ogaado”

Ismaaciil Mire

Meeriskaasi wuxuu tibaaxayaa cidhib xumada uu ku danbeeyo kibirka iyo ila weynidu, wuxuu sidoo kale waano siinayaa guhaad oogayaasha u jalbeeban in ay ku kibraan ummadda.

Suubanihii, oo runtii ku sifoobay, dhaqan wanaagsan idilkiis iyo dhugasho dheer, wuxuu ummadda ku caraabiyay tubta toosan ee lagu gaadhi karo janno, wuxuu ka leexiyay wax kasta oo u horseedi kara gelida Naar hamuummaysa. Wuxuu tibaaxay in qofka Alle daraaddii dhulka is dhiga, uu Alle kor u qaadayo. ( Xadiisku wuu sugan yahay)
Dad badan waxay u boholyoobeen, baadhitaan dheer u galeen, balad fog u tageen, baanista u jeclaadeen, baadi goob u galeen, sidii ay u noqon lahaayeen caan ama ummad badani u baran lahayd, muuqooda iyo maqalkoodana loo raad-raaci lahaa. Nasiib darro, meel aan loo marin ayay u mareen. Oo waxay illaaween in Alle yahay ka bixiya magaca iyo maamuuska; maalka iyo madaxtinimada; manfaca iyo malafka madhan.

  1. Abuu Saciid Al Khudrii mar uu ka hadlayay is dhul-dhigiddii Nebi Muxammed SCW wuxuu yidhi, “ Awrkiisa isagaa dabran jiray, laxdiisa maalan jiray, kabtiisa tolan jiray, dharkiisa kar-karan jiray, shaqaalihiisa wax la cuni jiray. Wuxuu gacan qaadi jiray faqiir iyo taajir; yar iyo weyn; casaan iyo madaw, addoon iyo xor. ( Tixraac : Axyaa u Culuum Addiin; 304/3)
  2. Waxa dhacday in maalin Saxaabadii Nebigu SCW ay qasheen lax. Kolkaas ayuu midi hariigii ka bixiyay; midi hilbihii jar-jaray midina sheegay inuu isna karinayo. Nebigu SCW wuxuu si hal-haleel ah u yidhi, “ Anigana xaabada igu daaya.” “Anagaa kaaga filan Rasuulkii Illaahayaw shaqada”, ayay ded-deg u yidhaahdeen. Waan ogahay inaad igaga filan tihiin, laakiin waxaan necebahay inaan iska kiin sooco, Allena wuu necebyahay haddii uu arko qof iska soocaya Asxaabtiisa.” Ayuu ugu jawaabay. (Tixraac: Sharxu Azzarqani; 265/4).
  3. Wuxuu Suubanuhu diiday in aad loo ammaano. “ Ha ugu xeel dheeraanina ammaantayda sida ay Kiristaanku ugu xeel-dheeraadeen Nebi Ciise CS. Anigu waxaan ahay uun ee idhaahda adoonkii Illaahay iyo rasuulkiisii.” ( Siiratu Ibnu Hishaam)

Isku soo wada duuboo, isku geynta saddexdaa xadiis ee ka sugan Nebiga SCW, waxay bulshada ku caraabinayaan in ay Alle ka cabsadaan oo ay iska daayaan isla weynaanta, kala faquuqnaanta, kibirka iyo faanka. Waxay sidoo kale ku boorinayaan bulshada in ay u midoobaan wanaagga, wadajirka iyo waxwada qabsiga – waddada ama wadiiqada loo mari karaana ay tahay is-dhul dhigid ama tawaaduc.

Guuleed Maxamed Yaasiin ( Dalxa)
DALXAAUTHOR@GMAIL.COM
063-4839797