Is garab dhigga awoodaha militry ee Ruushka iyo Yukrayn (Wq: Rashiid Odowaa)

Labadan waddan ee hore uga wada tirsanaa midowgii Sofiyeeti ayaa haatan dagaal faraha lagaga gubtay ka dhex socdaa kaas oo khasaarihiisu marba marka ka danbaysa sii kordhayo marka la eego labada dhinacba sidoo kale saamaynta uu ku yeelanayo Adduunka ayaa sii kordhaysa

In kastoo haddaba ay yihiin laba dal oo aad u kala awood badan  haddana waxaynu is garab dhigi doonaa Guud ahaan awoodaha  military ee ay kala leeyihiin labadan dal ee haatan dagaalku ka dhex socdo.

Waxa kale oo aynu eegi doonnaa waddamada dabada ka riixaya taageerada iyo saamaynta ay ku leeyihiin dagaalkan shaxankan hoose ka eeg;-

 

Nooca Hubka       Ruushka       Yukrayn
 Bedka dhulka   17,098,242 Sq km    603,548
Tirada dadka      144.1 Million    44.13 Million
 
Miisaaniyadda Ciidanka ku baxda     61,7 billion      5,9 billion
Dadka Howl geli kara        900,000      209,000
Ciidanka kaydka ah       2,000,000      900,000
Gawaadhida gaashaaman            30,122        12,303
Madaafiicda Goobta              7,571          2,040
Taangiyada dagaalka           12,420         2,596
Helikopters                544              34
D/  Dagaalka                     1,511              98
Maraakiibta  diyaaradaha xanbaara                     1                _
Marakiibta wax Bur burisa                289                 2
Madaxyada Hubka Nuclear              6000                  _

 

DALALKA REER GALBEEDKA

 OO TAAGEERAYA YUKRAYN

Estonia,lavtia iyo lithuania waxay u direen dalka Yukrayn gantaalaha taangiyada lagula dagaalamo.waddamadan oo ahaa kuwii hore uga go’ay ruushka xilligii dagaalkii kowaad ee dunida.

Ingriisku waxay u direen 30 ciidamo tababarayaal  ah iyo 2000 oo ka kooban  gantaalaha garabka laga rido ee javeline  halka ay dowladda Maraykankuna u dirtay 3000 oo Ciidan ah bariga Yurub si ay u caawiyaan yukrayn waxay kaloo u dirtay gantaalaha anti Tank ee Javelin gantaalkan waxa ka horeeyay  (M47 dragon) kuwaas oo ah kuwii wax ka beddelay dagaalkii Afghanistan 1980 ay ruushka la gashay sidoo kale dowladda Dutch ku waxay u dirtay Ukraine 200 gantaalaha Stinger loo yaqaan difaaca circa dowladda jarmalka ayaa iyaduna waxay saxeexday 500  gantaalaha stinger ka ah iyo 1000 gantaalaha tangiga lagula dagaalamo ah.intaas oo dhan waxa dheer Cuna qabataynta dhaqaale ee lagu soo rogay ruushka.

Dhinaca kale waxay noqonaysaa caawimada reer galbeedku siiyeen Yukrayn  caawimadii ugu badnayd abid ee waddan dagaal ku jira lagu caawiyo.Intaas oo dhan waxa dheer Cunaqabataynta ay saareen reer galbeedku oo runtii dhibaato wayn u gaysatay durba dhaqaalihii dalka Ruushka.

Qaramada midoobay ayaa canbaaraysay weerarka uu dalka Ruushku ku qaaday Ukraine.Fadhiga Golaha guud ee Qaramada midoobay 2/03/2022 ayaa waxa ka soo qayb galay 193 waddan waxay Cod gacan taag ah ku canbaareeyay 141 dal waxa ka aamusay 35 waddan waxa diiday 5 waddan halkaas waxad ka arki kartaa sida ay adduunyadu uga hortimi duulaanka ruushku ku qaaday yukrayn in kastoo dad badan ay qabaan in qaramada Midoobay ay tahay meel reer Galbeedku leeyihiin.

Guud ahaan labada dhinac khasaare aan la mahadin ayaa soo gaadhay Ruushku guushii uu filayay kama gaadhin waxa batay gaadiidka guabanaya dhinaca yukrayn duqayn ba’an ayaa ku socotta.dadka qaarkood waxay leeyihiin dagaal wayne sadexaad ayuu Noqon karaa dhibta ugu horraysaa Yurubta galbeed  ayay soo gaadhaysaa maadaama ruushku haysto Nuclearka ugu tirada badan. Dadka qaarkood waxay ku doodayaan in Ruushku Fashilmi doono oo Bur burkii ku dhacay 1991kii mid ka darani ku dhici doono ama sidii Afghanistan kaga dhacday iyo si ka daran 1980kii la arki doono balse aynu eegno maalmaha soo socda.

Rashiid Odowaa

Rashidsalan1982@gmail.com

0634101213