Garan maayo waxaan doonayo, waase la ii garanayaa. Dantayda garan maayo, waase la ii garanayaa. Halkaan ka imi iyo halkaan ku socdo midna garan maayo, waase la ii garanayaa. Maanta waxaan haysto garan maayo, waase la ii garanayaa.
Gu’gayga garan maayo, waase la ii garanayaa. Isma arko, waase la i arkaa. Sidaan u ekahay garan maayo, waase la ii garanayaa. Kii ii garan lahaa fasax dheer buu ku maqan yahay. Goor uu iman doonno mooyi. Halkiisii Lugooyaa ii galay. Isagaa wax walba ii garanaya. Dhibta i haystaa tan weeye.
Hadduu wax i dheer yahay, dhib may ahaateen oo in uun buu tayda dareemi lahaa, waxse ima dheera indha adayguun mooyee. Waxaanu u dhiibano wixiisuu u yaqaan, siduu doonnuu ka yeellaa, Anna kama diido oo wax kallaa dabar igu haya. Isaguun baa xuquuq leh, taydana tiisuu u yaqaan, in aan garto oo tayda u dhaqaaqanna iima ogola. Khalad kasta oo uu sameeyaba sax baan u arkaa, waan ugu hiilliyaa, misana waan cabanayaa. Ficilkaygaan eersanayaa. Kolba Lugooyaan Lugooyo kale ka door bidayaa. Isna wuu i bartoo, in aan is garto ma ogolla.
Madax iyo mijo Allaa umadda qaybshay oo qofba door siiyay. Kaan is idhaa doorkuu leeyahayba kii hore ma dooriyo. Qorrigu waa Lugooyo, mase sii raagto tiisu. Qof iyo qofaf buu dillaa haddii khalad loo riddo. Laakiin Qalinka qaloocan tiisu waa Lugooyo aan cimrigaa kaa hadhayn. Hadduu khalad u shaqeeyo saxeex keliya ayaa qaran dhan khariiradda ka saara.
Runta isuma sheego ee waqtigaa ii sheega. Damqashaa wax i tusta ee garaad ima tuso. Qalinkaan is lahaa Lugooyuu kaa xorraynayaa, baa Isagii Lugooyo korriya, buunbuuniya, isla markaanna billa oo ii sii qurxiya. Inuu ii shaqeeyo ayaan u dirtay, Isna iima shaqeeyo ee wuu iga shaqeeyaa. Qaybi oo xukun baa i dishootay. Anna waan arkaa oo kama ilbaxo. Waxaan is idhaa goobtan ha sii fadhiyin, haddana kama kaco. Anigaa u sabab ah ee cid kale eersan maayo.
Waxaan ahaa hayalsame dawlad jecel, haybinteedda iyo hanashadeeda jid dheer u soo maray. Waxaan is lahaa jaamacaddeedii waad gashay, shaw Anigaa ismoodsiiyay ee casharada tii hore ii soo daaashatay uun baa la ii soo qurxiyay, oo Lugooyo iigu sheegay waxaan doonayay. Wuxuu i nacsiiyay waxaan jeclaa, ee wax kale kama korodhsan. Magacaan maqalkiisa jeclaa baa nala colaysiiyay, Anigoon weli jaamacaddiisii gelin. Wuxuu igu celcelinayaa in aan sidaa ku naco oo tiisa rumaysto, Anse eegga waxaan arkaa waxaan rabay in aanay ahayn waxan uu ii sheegayo.
Sh. Mustafe waxaan ka hayaa, “Haddaad rabto in dadka caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horreeya qalbigooda inaad furtid. Qofkaad qalbigiisa furi kari waydid, caqligiisa ma furi kartid! Qalbinna waxa lagu furaa jacayl iyo qofka oo aad si wanaagsan ula hadashid!” Halkaasaan ka taagnahay, misana hogaan buu igu hayaa, igu jiidayaa, nacayb buu caqligayga ku jabsadaa, oo jacaylka waa col. Anse quusan maayo, waxaan u jeellanahay baadi doonkeeduna ma hawl yara.
Tirtiridda jaamacadda Lugooyo casharaddeeda oo keliya ayaaba waqti dheer qaadanaysa. Iskama xoori karro, Anigoon hayn waxaan ku bedesho. Dhaqankeedu sahal igaga hadhi maayo, waxse ma hurto ah in aan taa ku beegsado ta runta ah. Jidka keliya ee imika ii furranina waa in aan Lugooyo, Lugooyo ku bedelo, aakhirka mar uun baa kii booskan lahaa fasaxa ka soo noqon oo dawladnimo toosan aan heliye.
Shalay, Maanta Iyo Berri;
Dareenka hordhaca ah ee dulmanaha fahamkiisa aan dhan kale iska tusno. Shalay, Maanta iyo Berri waa maalmo, misana waa sadexda xilli oo waqtiga noloshu ka kooban yahay. Waa sadex ka xidhiidhiyaa hore u talaabsan karo, ka tahli waaya ee kala hilmaamanna dabra, sooyaalkiisa iyo taariikhdiisanna maydhaama ama lumiya. Haddaad ilowdo shalay oo kuu darayd, garan maysid maanta oo kuu roon. Haddaad maanta qiimayn kari waydanna, berri sii hilaadinteedu kaa dhimatay.
Balse markay sahaydaadu tahay shalay, maanta taladdeedu kaa mudhuxsan mayso, berrina himilo iyo higsi baad u yeelan oo waad sii odorosi kartaa garashadaada. laakiin haddii da’iba ka go’doonto ta kale imtixaanka noloshu qoomkaa wuu ku adkaadaa, haday nimco haystaanna ma qiimayn karraan oo lagaba yaabaa inay si fudud u daadiyaan. Sidaa yeeluhu ma garto markuu hayo, balse wuxuu gartaa markuu waayo ee ay farihiisa ka baxdo. Markaasaa wuxuu shalay lumiyay qiimahoodu la waynaanayaa, garashana waxay tahay waxaad hayso qiimahooda inaad ogaato markaad hayso.
Haatan, uma hormaysnin qaabkaa, bedelkiisanna udubka ururkeenu waa qabiil, si khaldan looga shaqaysiinayo. Dhib maaha oo waa wax jirra, balse siduu hadda u jirro ayaa khaldan oo ka duwan siduu Alle koreeye inoo sheegay inuu u jirro. Markii sidaa khaldan looga shaqaysiiyayna wuxuu dhalay qabyaalad, dhib sidaha halista ahina waa qabyaaladda.
Naaxiyaha dhibsidahanna waxa loo aanaynayaa inta millaygani aqoon yahanka ugu yeedho ee buunbuuninta iyo xayaysiiska ku nool, bulshadanna hor boodaysa. Markaa waa daw in dhibsidahani kufsi la daba joogo nidaamkan dhismihiisu ka soo jeeddo dimoqraadiyadda qabaliga ah, isla markaanna waa marinkiisa inuu sooyaalkeena iyo taariikhdeenna ka dhigo mid hadal ahaan u jirta, balse aan qoraal ahaan u sugnayn oo dhigaal u ahayn, si jiilba kii ka horeeyay runtiisa u helo.
Dhacdana goorteed haddaan qalinku suurayn, aakhirka muran bay gashaa, waa la maydhaamaa, qofba in uu leeyahay buu ku darsadaa, xaqiiqdii maalintaasina sidaasay ku luntaa. Markay taariikhdaadu sidaa ku basaasto ee u dhimatanna, faan hadal ah oo la qaybsaday oo jeesba in sheeganayaa been iyo runba jiritaanka guud abtirsiin uma noqdo. Qaabka dhaqan/ dhaqaale ee aynu maanta u noollahay iyo sida aynu u jillayno taladda aduunyo waxaan is leeyahay kama duwana taa. Inta dhaqankani sidaa u xoog badan yahayna umaddu isgaran mayso, waxay doonaysana garan mayso, dareenka dhibtiisa kama ilbaxayso, dawladnimaddana siday u arkaan isma bedelayso, sooyaal badhax la’oo qoranna ma xaqiijin karto.
Laakiin, waynu haybinaynaa higsigaa mar uun inaynu gaadhno. Inta ka horaysa se, waxa haboon in lagu fara adaygo waxaynu hadda haysano ee aynu danta moodnay in aynu ku gaadhno taa, oo ah sadex xisbi iyo waraaq in lagu wadaago danta guud.
Qalinka Muuse Faarax Jaambiir
Xigasho Wargreyska Ogaal
Hargeysa/Somaliland.