Is yeelyeelka aqoonyahanka reer Somaliya (WQ: Mustafe Kaydsane)

Aqoonyahanka reer Somalia marmar badan waxan la yaabaa is yeelyeelkooda.
“Somali waa dadkii Land na waa dhulkii” ayuu yidhi Dr. Xasan Imaam, waxanu sii raaciyey “mushkiladu waa walaalaha reer Woqooyi-galbeed oo waxka tirsanaya walaalahooda reer Koonfureed”.

Caqliga ma gasho, aqoonyahankani in aanu garanaynin ama maqal ama akhriyin wixii ku qornaa “Article 4, act of union, 1961”. Oo ahaa waxa midoobay “Somalia iyo Somaliland”.
Magacyada dawladnimo ee aynu ku xorrownay inagu ma aynaan samaynin ee isticmaar baa inoo sameeyay, maaha! Tii isticmaarka ayuun baynu sideedii u qaadanay, xitaa “Ogadenia” waa magac ay dhulka Somali-galbeed ula baxeen isticmaarku. Nasiib wanaag reer Somali-galbeed way badaleen magacaa isticmaarka. Lkn walaalaha reer Somalia/Koonfureed wixi lagu midoobay waxay u yaqaanaan wali “Somalia”, isla markaana reer Somaliland uma ogola in ay isu yaqanaan “Somaliland”, cajiib!

Xitaa go’aankii midowga laguma Laguma magacyada ee waxa la yidhi waxa lagu midoobay “Somali Republic”.
U fiirso halkan waa ka leh aqoonyahankani “Woqooyi Galbeed”, sow ma ogid wuu ka doodi lahaa haddii su’aal la galiyo caasimadnimadda “Muqdisho”, wuxu ku doodi lahaa waa caasimaddii labadii xorrowday ay ku midoobeen 1/July/1960.

Waxa aynu isku haynaa waxa ugu muhiimsan waa “act of union”; sidii ay midnimadu u dhacday; sidii wax loo qaybsaday; sidii wax loo xukumay; iwm.

Magac Ku Meeraysiga Joojiya

Caddaalad & Dawladnimo