Isbadalada dalka Itoobiya (WQ: Khadar Cabdilaahi Qabile)

waxa dhawaan laga guurey xisbigii weynaa ee mudada dheer ka talinayay dalka itoobiya ee EPRDF.

Xisbigan oo ay ku midaysnaayeen afarta xisbi ee ka taliya afarta deegaan ee Oromada, Amxaarada, Tigreeyga iyo shucuubta konfureed ama dabuubka, oo sidoo kale bahwadaag la lahaa shanta xisbi ee ka taliya shanta deegaan ee kale ee itoobiya sida Somalida, Canfarta, Hereriyiinta, Gambeelada iyo Benishangul- Gumuz.

afartan xisbi ee ku midaysnaa xisbiga yaahaadhiga ee EPRDF iyo shanta ay iskaashiga lahaayeen oo kala ahaa:-

1. Xisbiga Dimuqraadiga Oromada (ODP) horayna loo odhan jiray Ururka dimoqraadiyadda dadka Oromada (OPDO)

2. Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) horana loo odhan jiray Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyada Qoomiyada Axmaarada (ANDM).

3. Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadeed ee Shucuubta Koonfurta Itoobiya SEPDM.

4. Jabhada Xoreynta Qoomiyadda Tigreega (TPLF).

Shanta kale ee isbahaysiga :-

1. ANDP xisbiga ka taliya deegaanka canfarta

2. HNL xisbiga ka taliya deegaanka Hareriyinta

3. GPDM xisbiga ka taliya deegaanka Gambela   4. ESPDP xisbiga ka taliya deegaanka somalida

5.BGPDUF Xisbiga ka taliya deegaanka  Benishangul- Gumuz.

Hadaba aan u jeedada u dhaadhacee Dhawaan ayay Guddiga Fulinta Ururka bahwadaagta ahaa ee Yahaadhigu ee (EPRDF) ay ansixiyeen midowga  Ururada kawada tirsan Yahaadhig iyo in la balaadhiyo Xisbiga, Waxa sidoo kale ay ansixiyeen in magaca Xisbi weynaha cusub loo bixiyo Xisbiga Barwaaqada Itoobiya EPP (Ethiopian Prosperity Party).

Guddiga fulinta Yahaadhig oo ka kooban 36 xubnood oo ay kala leeyihiin Afarta Xisbi ee hadda Yahaadhig ku wada jira (ODP, ADP, TPLF iyo SEPDM) oo ku leh min 9 xubnood, waxa intooda badan u codeeyeen isbadalka xisbiga iyadoo codayntii ay diideen in xeerkan ay ansixiyaan 6 xubnood oo TPLF xisbiga Tigreeygu ka socday, halka 2 xubnood oo Isla TPLF ahi ay kalfadhigan ka maqnaayeen.

Xeerka lagu midaynayeey EPRDF ayay gudidii fulintu markay ansixiyeen usoo gudbiyeen golaha dhexe ee Xisbiga oo ka koobnaa 180 xubnood si ay iyaguna cod ugu qaadaan, Golaha  dhexe ee xisbigii hore loo odhan jiray EPRDF  ee hada lagu badaley Xisbiga Barwaaqada Itoobiya EPP (Ethiopia Prosperity Party) ayaa iyana cod  ku ansixiyey midayntii Xisbiga ee dhawaan ay usoo gudbiyeen Gudiga Fulinta  Xisbigu, Xisbiga  TPLF oo ka mid ahaa afarta xisbi ee isbahaysiga ku ahaa EPRDF mudada dheerna hogaaminayay ayaan ka qayb qaadan codaynta.

waxa la ansixiyay in xisbigii EPRDF ee ay ku midaysnaayeen Afartii Xisbi ee Yahaadhig ku wada jira ee ODP, ADP, TPLF iyo SEPDM iyo shantii ay iskaashan jireen ee Kala ahaa

ANDP  Canfarta, HNL Hareriyiinta, GPDM Gambelada, ESPDP Somalida iyo BGPDUF Xisbiga ka taliya deegaanka  Benishangul- Gumuz.

maanta laga bilaabo lagu badaley magaca Xisbi weynaha cusub ee Xisbiga Barwaaqada Itoobiya ee EPP (Ethiopian Prosperity Party).

maanta laga bilaabana noqonayaan

ODP=OPP

ADP=APP

SEPDM=SPP

ANDP=APP

HNL =HPP

GPDM=GPP

ESPDP=SPP

BGPDUF=BPP

waxaa ilaa hada diidan xisbiga TPLF oo ahaa xisbi mudo dheer ka dhex muuqday xisbigii bahwaagta ahaa ee EPRDF.

Waxa iyana la filayaa in ay dhawaantan ku soo biiri doona dawlad deegaanka cusub ee ay yeelanayaan qoomiyada Sidama oo iyana 20 Bishan November 2019 laga qaaday afti si ay uga hoos baxaan dawlad deegaankii shucuubta konfureed oo ay ku midaysnaayeen 56 qoomiyadood.

xisbigan cusub ee Xisbiga Barwaaqada Itoobiya EPP wuxuu noqonayaa hal xisbi oo aan ahayn xisbiyo midoobay waxaana loo qaybsan doonaa sida qoomiyaduhu u kala badan yihiin waana xisbi awood ay kuyeelan doonaan labada qoomiyadood ee Oromada iyo Amxaarada.