Todobaadkii ugu danbeeyey arrimaha Soomaaliya waxaa ku soo kordhayey isbadelo bulshada Soomaaliyeed dareemeen in ay si xawliya ku soconayaan. Waxaana ugu weynaa kulankii ay magaalada Adis Ababa ku yeesheen madaxweynaha dawladda Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxweynaha”Somaliland” Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo uu ka soo shaqeeyey Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed, sida la sheegayna qaatay 45 daqiiqo, iyada oo aan ilaa hadda si rasmiya loo shaacin wixii laga wadahadalay, hadana waxaa kulankaas fasiraad kooban ka bixiyey hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka yidhi magaalada Muqdisho kaas oo uu raaligelin iyo cudurdaar kaga bixiyey dhibaatadii ka dhacday magaalooyinka Hargeysa iyo Burco 1988kii ayna geystay xukuumaddii kacaanku.
Talaabadaas uu qaaday madaxweyne Farmaajo waxay fasiraad ka bixisay natiijada ka dhalatay kulankii Adis Ababa ee aan hore loosii shaacin ee dhexmaray Farmaajo iyo Biixi, xukuunadda “Somaliland” ayaan iyadu ilaa hadda si rasmiya wax jawaab ah uga bixin hadalka Farmaajo taas oo dad badani u fasirteen in uu jiro is-afgarad ka weyn hadal afka laga yidhaahdo ee ay jiraan talaabooyin waaweyn oo labada dhinac ay qaadayaan, waxaana arrintaasi xoojiyey warar aan wali saldhigin oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Abey Axmed todobaadka soo socda safar ku tagayaan magaalada Hargeysa. Waana talaabo taariikhiya oo aan la saadaalin karin wax ka danbayn doona kulankaasi hadduu dhaco.
Miyey jireen kulmo Adis Ababa hore uga dhacay?
Hadaynu dib u jaleecno dhacdooyinkii laga soo gudbay sanadkii 2005 muddo kooban markii laga soo wareegay doorashadii Cabdilaahi Yuusuf IHN ayaa maamulkii Milas Zinawi wuxuu bilaabay in uu dhexdhexaadiyo xukuumaddii ku meel gaadhka ahayd iyo “Somaliland” arrimaha markaas laga wadahadlayey waxay ahaayeen sidii wada xaajood loo furilahaa, waxaase markaa caqabad ahaa loolankii ka dhaxeeyey “Somalialnd” iyo Puntland.
Xukuumadda Itoobiya waxay u yeedhay xubno ka kala socda Puntland iyo “Somaliland” waxaana ka mid ahaa Xasan Daahir Afqudhac IHN oo ahaa xilligaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdilaahi Dhoolayare oo ahaa wasiirka arrimaha dibada ee “Somalialnd” iyo Axmed Maxamuud”Siilaanyo” oo ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Kulmiye, kulanku wuxuu daaranaa in marka hore laga wada hadalo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, “Somaliland” xilligaas waxay ku doodaysay in aanay wadahadal gelayn ilaa ay Puntland iyo Federaalku ka hadhayaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, dawladda Federaalkuna waxay taagnayd in aanay arrintaas waxba ka odhan karin ee Puntland marka hore lagala tashado, maadaama Xasan Daahir Afqudhac deegaankaas ka soo jeedo waxaa lagama maarmaan noqotay in uu wadahadalkaas hoggaamiyo.
Kulankii Adis Ababa ee xilligaas ee Itoobiya u kala dabqaaday labada dhinac waxa uu ku soo dhammaaday in lagu heshiin waayey cidda ku hormaridoonta tanaasulka, “Somaliland” waxay ku adkaystay in marka hore laga hadho goboladaas, Puntland iyo Federaalkuna waxay ku adkaysteen in marka hore “Somaliland” ka tanaasusho gooni isu taaga si wadahadal Koonfur iyo waqooyi loo galo.
Xaaladda maanta.
“Somaliland” inta badan goboladii Sool, Sanaag iyo Cayn iyagaa ka taliya wadahadalkii labada dhinacna waxay bilaabmeen 2010kii iyada oo aanu dhinacna mawqifkiisii ka tanaasulin laakiin “Somaliland” deegaano badan ku fiday, waxa kale oo isbadel ku yimi Itoobiya oo caqligii hore aanu ka talin, waxa kale oo ku soo kordhay saaxada siyaasada Soomaaliya iyo Geeska Afrika dalal kale oo dano kale Soomaaliya, waana sababta xilligan ay u soo cusboonaatay in talaabooyin kale oo mugweyn la qaado.
Saamaynta Ganacsiga Adduunka iyo dalalka Gacanka Carbeed iyo loolankoodu wuxuu mar kale Soomaalida dhex dhigay mawjado loolankaas oo uu Shiinaha iyo dagaalka dekadaha ee Imaaraadka kala dhaxeeyaa markaliya Soomaalidii Geeska Afrika saaray afka xabbada madfacu ka baxayso, waxa kale oo saamayntan qayb Libaax ka qaatay isbadelkii Itoobiya ka dhacay iyo imaatinkii Abey Axmed oo aan Soomaalida siin wax ay kala doortaan iyo in ay godod ku sii kala jiraan, aadna moodo in uu qaatay Abed Axmed siyaasad ka duwan tii markii hore Itoobiya Soomaalida kula dhaqmi jirtay, xidhiidh xooganna la sameeyey xukuumadda Federaalka Soomaaliya, yareeyeyna la tacaamulkii maamul goboleedada.
Todobaadkii hore waxaa dalka Imaaraadka booqasho gaaban ku tagay Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed waxuu ahaa kulan saamayn weyn lahaa, Imaaraadka iyo Itoobiya wuxuu xidhiidhkoodu xoogaystay intii uu yimi Abey Axmed , waxaanu Imaaraadku Amaahiyey Itoobiya sadex Bilyan oo dollar oo waxweyn ka taray dhaqaalaha Itoobiya iyo kobaciisa, lacag adag oo kaash ahna Bangiga dhexe ee Itoobiya la dhigay.
Imaaraadka qorshihiisu wuxuu yahay in shirkadiisa DP Wold in ay gacanta ku dhigto dekadaha geeska Afrika, si ganacsiga kobcaya ee Itoobiya oo ay ku nool yihiin 100 milyan dad ka badan iyo dalalka hareeraha ka xiga ee aan dekadaha lahayn oo iyagu marka Itoobiya lagu daro gaadhaya 300 oo milyan dakadahan laga quudiyo, dhaqaalena laga sameeyo, shiinaha oo Bakistaan dekad weyn ka furtayna(Jawaadir) laga gaadho in aanu Geeska afrikana qabsan, khatarta ay ka cararayaana Imaaraadku ay tahay dekadooda Jabal Cali in aanay noqon goob laga guuro.
Waxaase caqabad ku noqotay Imaaraadka iyo Itoobiya kala qaybsanaanta Soomaalida oo shaanbaddii iyo sharcigii iyo dawladnimadii taalo Muqdisho , dekadihiina ay gacanta ku hayaan maamulo aan wax aqoonsi ahi gacanta ugu jirin, heshiisyadii ay la galeen maamulada aan la aqoonsanayn, shirkadda DP Woldna ay xukuumadda Muqdisho laashay oo aanay sharci ahayn , taasina ay ka dhigtay hawlaha Imaaraadku ka wado geeska Afrika mid aan sharci ahayn, arrintaasna Abey Axmed ay ku noqotay caqabad sidaas oo ay tahay wali madaxweyne Farmaajo ma saxeexin go’aankii labada gole ka soo saareen DP Wold oo qalinka kor ayuu uga hayaa, taas laftarkeedu waa arrin madaxweyne Farmaajo dhinaciisa dani ugu jirto.
Xilligan waxaa xoogaystay danaha dhaqaale ee dalalka waaweyn ee dhaqaalaha iyo dadka haysta waxaan ay Soomaalida geesku u eegyihiin kuwo uu wakhtigii ay fursadaha iyagu haysteen weydaartay ee ay danahooda ku xalisan lahaayeen ,waxaana la ogaaday in goobtan istiraatiijiga ah ee ay ku sugan yihiin in aanay iyaga u dabranaan, waxaana arrintan hore u yidhi Abey Axmed “Soomaalidu xeebo ayey haystaa annaguna dadkii ,maynu ka wada faa’iideysano, wiilka Adis Ababa joogaa Muqdisho haka soo shaqeeyo ,Sabtida iyo Axadana Adis Ababa ha ku soo noqdo”.
Imaaraadka iyo Itoobiya waxay culayska saari doonaan sidii ay danahooda dhaqaale uga dhex u gaadhsan lahaayeen Soomaalida Xeebta ugu dheer Afrika degan ,uguna dhaw Itoobiya iyo dadka tirada badan.
Hargeysa iyo raaligelinta Farmaajo.
Xilligan bulshada ku dhaqan gobolada waqooyi sidii hore maaha, maanta Hargeysa iyo Burco waxaa laga helayaa dhalinyaro badan oo dhashay 1991 wixii ka danbeeyey oo 30 jiro ah oo aanay dagaaladii 1988kii wax saamayn ah ku lahayn, jiilkii xilligaas joogay waa gabaabsi, waxaa laga helayaa Hargeysa iyo Burco dhalinyaro badan oo hadalka Boobe iyo kan Faysal Cali Waraabe ka maadsanaya, saamayna ay ku yeelatay dhalinyaradaas isbadelada ka socda dalka Soomaaliya, Muqdishana ay hadda aad ugu safraan, waxaase xaqiiqo ah in la joogo xilligii niyad wanaag lagu qaabili lahaa hadalkasta oo wanaagsan oo ka soo yeedha madaxda Federalka, maadaama uu wanaag u jeedo, Buurmadow oo ka mid ah madaxdhaqameedka “Somaliland” uu soo dhaweeyey hadalkaasi loona baahan yahay in sida Buurmadow la helo madaxdhaqameed dhiirada iyo dhalinyarababa.
Sidii Ruwanda iyo Koonfun Afrika kama dhici karto Soomaaliya ee ahayd run isu sheegid iyo isa saamixid, sababtoo ah dalka Nabad galyadiisu ma sugna oo waxaa dhici karta khatar kale in ay ka dhalato, waxaa iyana jirta arrimo kale maxaa lagu macnayn karaa Riyaale Kaahin oo ka mid ahaa saraakiishii dawladdii kacaanku waa u xalaal in uu madaxweyne u noqdo dadkii dhibta ka sheeganayey Kacaanka hadalka Farmaajana ka dhigaya mid aan dhamaystirnayn, waa u muhiim bulshada Soomaaliyeed in la soo xidho faylka dhibaatooyinkii dalka Soomaaliya ka dhacay xilligii Kacaanka iyo ka dib-ba.
Waa hubaal dhacdooyinkani sida ay u socdaan in ay isugu soo biyo shubanayaan in marka ugu danbaysa ee meeraysigu dhammaado in wadaxaajoodku ku soo biyo shubanayaan in loo wadahadalo Waqooyi iyo Koonfur,laguna doodo in la saxo wixii khaldamay ,saami qaybsi lagu wada joogana miiska la soo saaro, waana arrinta ay tahay in ay isu diyaariyaan bulshooyinka mandaqadu sababtoo ah dhawr qodoba ma sii socon karaan, gooni isu taag aanay bulshada Waqooyi ka mideysnayn iyo sadbursi Koonfor ku qaadato Madaxweyne, Raysal Wasaare, Raysal Baarlamaan iyo Caasimaddii dalka iyaga oo ku xalaalaysanaya hananka 4.5 iyo Federaalka, waana arrinta la rabo maanta in doodu ku qotonto.
W/Q Asad Adaani Ibraahim