Balaayo aan dhalinta ku soo gaban umadaha ma ha’laagaan, shaydaan kuna marmar gantaalihiisa ku dhex rakibtaa. Balaayadii reer bani israaiilna dumarbay ka kacday, somaliduna dumarka ayuu dabkoodu u badnaa hadda a deeg kasta sawir gabadh baa sudhan si daymada loo badsho.
Waa tusaale qoysas badan ka muuqda. Halka aabaha manta soo socdaa aanu ku mashquulin dhafoor la xiiro iyo xaflad loo dharka la badasho iyo gaadhi lee’warka aad loo qabto. Balse sida baabuurta loo sameyo ka fikiraan.
Dalka Jarmalka wiilka ama gabadhu markay gaadho 18 waxay asxaabooda u sheegaan. oo lagu ababiyay in xiligii loofarka iyo ciyaartu dhamaatay, manta wixii ka dambeeyana dalka iyo dadka u shaqaynayo.
Maanta heerkii masuuliyada ayaan gaadhay saaxiib ee nabaday ciyaar iyo loofarba. Inaga marka jaamcahada lagu jiro, ayaaba loofarka iyo baadhiyadu cirkaa marayaan. Dalka Jarmalka Dharka loogu jecel yahay ee hudheelada qaaliga ah lagu tagaa waa obordhoodhka ama dharka shaqada in qofku xidhnaado.
Jamalka dhaqankaasi waxa uu geeyay dalka 3aad ee dunida ugu dhaqaalaha wayn, waxaa dalkaasi ku dayda dalka Sweden oo isna dhaafaya dadalkii jaarkiisa. Halka inaga in ciyaartoy iyo fanaan la isku ee kaysiiyaa tahay sharaf balse dadka ilbaxa ahi waxaasi waxay u yaqaaniin doqoniimo iyo badawnimo heerkeeda u hooyeeya,
In shaadh iyo diric ama kabo lagu mashquulo. Balse maskaxda iyo maanka aqoon lagu hilaa horumar iyo karaamo iyo sharafa qofka iyo qarankuba ku gaadhaa dhalintana waa in la hagaa, sababtuna xaalado ayaa la maraa.
Hoo’yooyinka iyo Aabayaashu Imisay geesi dhalaan, imisay halyay barbaariyeen, wakhti kasta dad suntay bay soo saaraan. Haddaba hooyada iyo aabaha maantu yaanay inaga noqon dad dhar iyo dhafoor la xiiro ka shaqeeya, balse dad dadnimo iyo qof ahaan jira oo tilmaan laguna tashan karo, waa in aan bislaynaa maanta oo kali ayaynu jaaniskaa haysanaa. Suuqyada haddaad marto waad damqanaysaa waayo waa dadkeenii oo xarago madhan lagu mashquuliyay.
Heesaha barigii hore dadkeenu iyagoo heesaha dhagaysta haddana dad dhawrson bay haayeen, oo dhar ahaan iyo hadal ahaaba hadda dad qaawan oo wax laga yakhyakhsooda ku hadlaya shaahadaha haysta. Dhalintuna noloshaba sidaasay moodayaan.
Hadda waxaa soo baxay in qofku dambi galo waa waxa la inoo abuuray in Rabbi swt. Inoo dambi dhaafo. Balse in dambiga xalaal ahaantiisa iyo xaaraan ahaantiisa dood la galiyaa waa dib ka dhalaw cusub. Wax yaabo badan baa la yidhaa ma xalaal baa mise waa xaaraan. Iyadoo u jeedadu kaliya tahay ku dhiirinta dadka doodaha arkaanta islaamka ee la inagu adoonsaday adeecid kaliyana la inafaray.
Waxaan ugu jeedaa haddii shay xaaraana aad ku dhacdo. Waan dambaabay balse in aad in uu dambi yayay dafirtaa ama dood ka keentaa way ka baxasyaa xayndaabkii dooda waana sheeko inagu soo badanaysa in dhamaan waxyaabo ummadu xattaa xumaan u taqaanay loo fududeeyo.
Ugu yaraan wax aanad raali ehelkaaga kala ahayn ummada ha ugu baaqin ileen waa laba codlayne. Qaabka heesuhu u socdaan dood waynbaa laga qabaa. Waayo in qaabka reer galbeedka, ee xayaha iyo xishoodka la gawracay kee nuna u dhaco waa mid damiirka taabanaya.
Wasaarada Diinta iyo awqaafta waxaa u taala hawsha ugu wayn ee ah ilaalinta Caqiidada iyo adaabta bulshada waana Masuuliyad madaxwaynaha saraaran waa laga soo kaban karaa wax kasta balse in ummadeenu dhaqan doorsoontaa maaha wax laga soo kaban karo.
Sida uu ku tiraabay Mahtir Maxamed waxan dhisay dhoobo balse ummad in aan dhiso ayay hayd buu yidhi hadal u ee kaa. Ciid iyo sibidh meel lagu gaadhi maayo balse dad baa loo aayaa. horena dadkan iyo dalkani ugu soo doogeen dadnimadooda ay u hureen. Hadraawi baana hadal iyo tilmaan dhameeyay. Allaah ha dhawree iyo inta dhigiisa ah. Xalkuna waa in Kitaabka iyo sunaha gaws dambeedka dhignaa. Haddii Rabbi swt, idmo waxa xiga qaybta 3aad.
Qalinkii Axmed Cali Kaahin.