Isbedelka Cusub Ee Siyaasadda Bariga Dhexe Iyo Caadiyaynta Xidhiidhka Israa’iil (WQ: Rashiid Odowaa)

Muddo aad u dheer waxa bariga dhexe ka jirtay Colaad taas oo u dhaxaysay dhinacyada Israel iyo carabta.1892kii waxa joogay dhulka Falastiin 15000 yuhuud ah, dhaq dhaqaaqii (Sahyuuniyadda) ayaa soo baxay wixi ka danbeeyay heshiiskii (Palfour) 1917kii waxanu daaranaa sidii Yuhuddu ay heli lahyeen dhul mar uun salka ay dhigaan,waxana la bilaabay in la soo dejiyo Yuhuudda.

Isla markaa waa abuurmay kacdoon carabta ah oo lagaga hortgayo (Sahyuuniyadda) ka dib heshiskii palfour 1917kii tan iyo xiiligaa carabtu way kacsanayd waxana u dhexeeyay rabshado iyaga oo dhinac ah iyo Yuhuudda iyo Ciidanka Ingriiska, waxana uu ku simayay Ciidanka ingriisku ilaa ay xoogaysanayso yuhuuddu 1948 ayaa wax la wadaba Israel ku dhawaaqday Xorriyad taam ah dhulka falastiin.waxan tan ku abuurtay cadho xoog leh waddamada carabta.

Qaraar UN 181 1948kii soo saartay ayaa soo jeedisay in laba loo qaybiyo dhulka falastin qayb falastiin ah qayb yuhuuddu ay ledahay hase yeshee waxa ku gacan Saydhay Carabta Dagaalkii u horeeyay carabtu kusoo qaadday Israel 1948kii waxay ahaayeen Dowladaha Masar,Syria,iyo jordan waxany ku danbysay inuu dhul badan oo carabtu lahayd gacanta u galo sida Sinai badh ka mid ah iyo koonfurta lubnaan.

Mar kale 1967kii ayay haddana foodda is dareen dagaalkii lixda cisho yoo yaqaannay.mar kale carabtu way ku khasaartay waxanay ku wayday Gobolka Sinai,buuraleyda Golen height,gaza iyo Daanta galbeed ee wabiga Urdun iyo bariga Qudus.waxa ku soo hadhay dhulkii Falastiin laba gobol  oo kala fog oo kala ah Marinka Gaza iyo Magaalooyinka daanta galbeb ee wabiga Urdun.

Magalada Khartoum ee dalka Sudan ayay ku shireen carabtu isla Sanadkaa 1967kii sawaxana la soo saray Saddexda (No) eek ala ah Israel lama aqoonsan karo,heshiis nabaded lalama saxixan karo,wada hadal lalama geli karo “ No peace with whit Israel,No recognition with Israel and No negotiaton whit it.”inta ay Israel dhulka carabta haysato.

Qarnigaas halkaas ayuu ku dhamaaday,waxa qarnigan Cusub bilaabmay siyaasadii bariga dhexe oo dhianac kale isu rogtay,Dowladihii heshiiska ku ahaa inay Qadiyadda falastiin taageraan waxa soo baxday in waddan kastaba yidhaa danahayga ayaan ku jeedsanaya,waxana soo baxday kalmad la yidhaa Caadiyayn (Normalization)

Israel iyo Imaaratka carabta ayaa kala saxexday heshiskii Abrahm Accord 13 augost 2020ka,waxana dhexdhexaadiye ka ahaa Madaxweyne Donald trump,hore waxa uga soo horreyay Masar iyo Jordan oo iyagu aqoonsady Israel,halka israel ay hakinayso qabsashada Dooxada Jordan.waana markii ugu horrey say ee hawada Dalka Sucuudiga ay Diyaarad duulimaad ahi marto oo ku socota Imaraatka carabta,Dalka baxrayn ayaa iyaduna xidhiidhka Israel habeenkan caawa xafladdiisii ka socotaa maraykanka,sidoo kale Kosovo,sebia iyo malawi ayaa qarka u saaran inay safaarado ka furtaan.

Waxad moodda inay Dalalka Saudi arabia iyo Imaraatku u jeedieen colaaddii dhinac iran oo ka haysata gasiirado uu imaratku leeyahay.

Wadanka turkiga oo isaguna baryan danbe arrimaha waddanka liibiya faraha la soo galay ayaa waxa fiintu dhex miranaysaa waddanka Masar,waxyaabahan oo dhan waxad mooddaa inay bedelaeen arrintii bariga dhexe oo Colaadii Israel loo hayay ay meesha ka baxday,isla markaan cadow cusub ay yeesheen dalalka carabtu,dhinaca kalena waxay u egtahay inay inay Falastiin la illaaway qaddiyadeedii.

 

https://www.aa.com.tr/en/middle-east/trump-believes-saudi-arabia-will-normalize-israeli-ties/1974715

 

Rashiid   Odowaa

Rashidsalan@gmail.com

063-4101213