Beryahan waxa soo batay wararka aan lahayn meel laga soo xigtay ee sida dabka u dhex qaada baraha bulshada. Ugu yaraan midkood waxa uu keenay in masuul sare si cadho leh uga falcelliyo.
Wararkaas lama socoto muuqaal laga xigtay ama meel uu ku qoray qofka la xigtay ama meel uu ka yidhi. Basle qofba qof ayuu ka sii xigtaa ilaa uu iskaga dhex baxo bulshada.
Dalal badan ayuu wararka caynkaas ahi hallis geliyay. Meelaha qaar nafo ayaa ku baxay ama hanti badan ayaa ku baaba’day.
Qof walba waxa waajib ka saaran yahay inuu hubiyo warka la sheegay in qof laga soo xigtay ka hor intii aannu faafin. Tusaale ahaan Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay inuu mudaharaad ku baaqay iyada oo aan laga hayn muuqaal ama cod ama aannu ku qorin meel uu isagu maamulo. Cali Warancadde ayaa isna laga xigtay hadal uu markii denbe sheegay inaanu odhan. Maalmahan maayar ku xigeenka Berbera ayaa iska fogeeyey hadal lagu eedeyey inuu isagu yidhi.
Kuwaas oo dhami waa tusaaleyaal kooban oo ina tusaya sida beentu ayaar u fidi karto iyo doorka qof waliba fidinteeda ka qaadan karo isaga oo aan qofkaasi uga jeedin been sheegis.
Adiga oo eegaya fallcelinta Wasiirka Arimaha Guduhu ka bixiyay wararka mudaharaadka ku saabsan ee la sheegay waxyar ka hor fadhigii Koowaad ee Golaha Wakiiladda, waxa aad ku qiyaas qaadan kartaa in arin kaas ka cullus uu ku dhex fidi karo bulshada oo dabadeed uu col u qaato run oo uu ku hawlgallo.
Saw Aayad Quraan ahi hore uma sheegin iska hubinta wararka. Casrigan baraha bulshadu ay aadka u baaheen, fiditaanka been abuurka iyo beentu waa wax sahlan.
Xigasho: Barta Guuleed Dafac