Iskaa wax u qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo markaa isu diyaarinaysay Maamulaha Dugsiga u sheegay saddex arrimood.
1. In Parkingka Dugsiga aanu isticmaalin Dahabshiil Gargaar bilaa lacag. Laakiin Dugsigu lacag ka qaado.
2. In ardayda iskaa wax u qabso la baro oo lagu dhiso Library xoogga iyo lacagtaba ardayda laga qaado.
3. In Masaajid Dugsiga laga dhiso ay ardaydu dhisto.
Wey ila yaabeen Cawail wuxuu igu yidhi ” Bal weynu eegi adeer” Khadrina waxay igu tidhi Dahabshiil Gargaar lacag ma weydiin karno waayo Iskuulka dawladdaa leh, markaa waxaan u sheegaynaa Axmed Cali Toor ilaahay ha u naxariisto oo markaa ahaa Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex.
Muddo bila markay ka soo wareegtay ayaa Axmed Cali Toor oo kormeera Dugsiga yimi Khadra ayaa Galaaska iiga yeedhay waxay igu tidhi Guddoomiyihii xafiiska maamulka ayuu fadhiyaa “Arrinkii maad u sheegi” haa baan idhi.
Waxay igu tidhi waayahay ee qof ama laba arday soo kaxayso Maxamed Ibraahin Salaad ( Diin) oo kursiga ila fadhiyey iyo Maxamed Xasan Siciid ( Ciyaartoy Goljanno ah) ayaan u yeedhay waxa i raacay Maxamed ibraahin Salaad halka Maxamed Xasan iga cudurdaartay.
Guddoomiyaha markaan u tagnay saddexdii qodob ee aan kor ku soo sheegay ayaanu u sheegnay Axmed Cali Toor wuxuu igu yidhi ” Magacaa” magacayga ayaan u sheegay wuxuu igu yidhi ” Libraryga anigaa dhisaya, oo wasaaradda ayaan ka doonayaa, Dahabshiil Gargaarna masuuliyiinta ay khusayso ayaan kala hadlayaa, adigu waa kugu masaajidka”
Sidii baanu isla qaadannay Galaaskii baannan ku noqonnay.
Fasaxii Iskuulka ayaan Cabdinaasir Cismaan Nuux oo ahaa nin khayrka aad u jecel iyo rag badan isku lug darsannay markaasaan arrinkii uga warramay oo aan idhi ” Sabtida laga bilaabo masaajid baynu dhisaynaa” qof aan filayo inuu ahaa Ismaaciil Cabdillaahi Jawaan ayaa igu yidhi waxa wasdaadnnimada yaqaan Mustafe Cabdi Warsame ( Boodh) illaahay ha u naxariisto dhawaan buu Hargeysa ku geeriyoodaye. Waxaan ku idhi innana Kuuli baynu u noqon inshaa Allaah.
Subixii Sabtida ayaan Daabuulka Iskuulka soo istaagay waxaan ardaydii oo Kun qof ku dhaw u sheegay inaynu masaajid u baahannahay dhisina rabno fasaxa Iskuulka oo hal wiig ka dhimanyahay. Kii Jiingad keeni kara, kii ciid keeni kara, kii xooggiisa haya, intaba waa loo baahan yahay.
Fasaxii Iskuulka markii la galay xilligii ballantu ahayd ayaannu salaad hore is helnay, Ismaaciil Cabdillaahi Jawaan, Amiin Cali Nuur, Maxamuud Cabdiraxmaan ( Kuto) Mustafe Cabdi Warsame, iyo Yuusuf Maxamed Salaad. Afar kooryoonle ayaannu Ciid kaga soo gurnay Dooxa Hargeysa oo aad halkaas uga dhaw.
Shaqadii markaannu bilownay waxa ii yimi Samatar Cabdillaahi Suldaan oo arrinka la socday si gaarana aanu iskugu xidhnayn. Samatar wuxuu igu yidhi ” Niman odayaala oo ina yaqaanna khayrkana jecel ma u tagnaa” waa kuwee baan u celiyey ” wuxuu igu yidhi Siciid Daa’uud oo Dukaan qalabka dhismaha ku haysta Khayriyada, iyo Cabdillaahi Xaaji oo ( ABCO Company  loo yaqaan) nimankan waa niman Tabliiqa annaguna Jimcaha ayaanu tagnaa Markaska si fiican baan isu naqaan.
Waxa israacay aniga, Ismaaciil Cabdillaahi Jawaan, iyo Samatar Cabdillaahi Suldaan waxaannu ku horaynay Siciid Daa’uud waannu u warrannay wuxuu na siiyey 10- Jiingadood. Siciid Daa’uud waqti danbe wuxuu noqday Maayarka degmada Berbera. Shil gaadhi ayuu ku geeriyoodaay ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo.
 Cabdillaahi ( ABCO) ayaannu u tagnay wuxuu na siiyey 10-Sibidh ah, Ibraahin Qurbaawi oo Iskuulka la jaara ilaahay ha u naxariistee ayaannu isna gurigiisa ugu tagnay wuxuu na siiyey Siligga, iyo Istanbarka, Rinjiga, wixii ku baxayey ayuu yidhi soo qiimeeya oo igu soo qora.
Hinda Cabdi Muuse oo ZuZuki Cas wadata ayaan ku hor istaajiyey Iskuulka hortiisa bariido iyo salaan kaddib waxaan uga warramay hawsha aannu wadno iyo halkay marayso Hindi waxay igu tidhi ” Maxaan ku siiyaa ee aad u baahan tahay” waxaan ku idhi Roogga dhig masaajidku markuu dhammaado waxay tidhi ” Midabkee baan idiin keenaa” waxaan ku idhi mid Gaadhigaaga a u eeg ( Casaan ah).
Hinda iyo Ibraahin Qurbaawina wixii ay ballan qaadeen sidii ugu fiicnayd ayey u bixiyeen.
Waxaannu haysannaa dhul bilaasha, iyo xoog bilaasha, hal wastaad oo Dheeg la odhan jiray ayaannu u yeedhnay intayada kale wax lacag ah kumaanaan shaqaynayn. Samatar Cabdillaahi Suldaan ayaa isna wasdaadnnimada yaqaannay oo dar ilaahay xooggiisa iyo caqligiisaba ku deeqay. Anigu Kuulli baan ahay, Cabdiraxmaan Xafaarna cuntada iyo shaaha ayuu noo karin jiray.
Saacaddiin wuxuu noo dhisay Barkaddii Biyaha, Mubarak Pharmacy wuxuu ku deeqay Daaradda danbe oo ay ku tukan jireen in ka badan 100 qof. Masaajidku guud ahaan wuxuu qaadi karayey 240- qof halkii mar.
40- Maalmood ayaannu ku dhammaystirnay oo kaga faraxalannay. Waxaanan marnaba illaaweyn xooggii ardayda ee lacagta iska guray, iyo tacabkii ay la yimaaddeen iyagoo xataa habluhu kuulliga nagula jiray. Hankii ardayda Sheekh Bashiir wuxuu ahaa wax weynu qabsan karnaa. Meel ay joogaanba ilaahay ha karaameeyo.
Maxaan ula jeeddaa? Anigu waxaan aaminsanahay inaynu wax qabsan karno, waligayna waan aaminsanaa fikraddaas.
Maxamed Aadan Tarabbi