Islaan caqli badan (W.Q. Xasan Ciise Raage)

Waxaa la sheegey in nin oday ah oo beeraleyda dhulka banka Jig-jiga loo yaqaano ka tirsan marka uu ka soo rawaxo shaqada uu beerta ka hayo oo uu inta badan laba dibi, nugi, harqood, irfi iyo qalab kaleba u adeegsado falidda beertiisa uu qalabka ku soo hooyo xaafaddiisa ama reerkiisa.

Marka uu galabtii ka soo laabto hawsha waxa badanaa la siin jirey qaxwe ama xanshar kaasi oo haddii uu arko isaga oo dabka saaran uu dulaha la dhici jirey dumarka xaafadda jooga waana shardi in qaxwahaasi  sii bisil yahay.

Maalin ayaa waxa dhacday in qaxwihii habsaamay. Markii uu xaafadda iridda ka soo galayey ayaa islaantii uu qabey gabdhihii ku tidhi iska aamusa aniga ayaa maanta siinaya’e. Markii uu yidhi naa ii dhiib qaxwaha ayay biyihii karaayey ee kildhiga saarnaa inta ay caanaysay geebkii ugu shubtay oo u dhiibtay intii uu biyihii caanaha lahaa fiidayey ayay kii caadiga ahaa karisay una dhiibtay kii labaad oo caadi ah.

Kadibna odaygii baa yidhi: “horta kii hore mabuu dhandhameyne siduu ahaa? Kan aad  hadda ii dhiibtay baa ka fiicane waa sidee?  Islaantii baa ku tidhi “aad baad u xaraareyseysan tahay oo malaha kii hore kuguma deginba qaxwuhuse waa isku mid. Odaygii isaga oo koobkii labaad sii fiidaya ayuu ku yidhi “waa runtaa. Waan xaraaraysnaa!”