Isu bogidu waxay leedahay dhaawac iyo dhiig-baxa ugu danbeyna sababa dhimasho (WQ: Abokor Ismaaciil Maxamuud)

 

Haddii aynu nahay JSL iyo ummadeed  yaanay ismacaashin farro-badan iyo wanaag sheegid badan afka  ah  inala talax-tegin  xaqiiqdu waxay tahay  wax badan oo  khaladan ayaan  la nool  nahay  si toos ah iyo si dadban ba  oo gef iyo gunnimo ku ah  Heykalka dawladnimada iyo ka Ummadnimo ba. Waxanna kow ka ah inaynaan  dal ahaan isku filayan marka ay noqoto Nolash aas assiga, wax kasto nolosha aas aasig suuro-gal ka dhigi karra qaybyo weyn iyo  baahi baaxad leh  kagga sugan nahay .Ta u bahan  su,aal iska weydiinta iyo dhab ugga  xogo-gaal noqashadu waa tan inoo gaar ah.   Waxba yeynaan  deriska iyo ummadahood iyo dhibaatooyinkood kor ka tilmaamin innago teenna indhaha ka la lineyna.
 Isu bogidu waxay leedahay dhawac iyo dhiig-baxa ugu danbeyn sababa dhimasho  , sidda awgeed   JSL iyo ummadeed  ahaan waxa innala guboon mucaarad iyo muxaafidaba   qolqol-joog iyo qurbe-joogba  in aan ka run sheegno   kanna daacad noqon  xalada  dhabta ah ee  dal ahaan aan ku suganahaya .  Haddii  kale waa dhadhamin doona  dhawaca iyo dhiig-baxa  isu-bogidu leedahay wakhti ay noqotoba !

WQ: Abokor Ismaaciil Maxamuud