Itoobiya weligeedba webiga Niilka si lagu kalsoonaan karo oo amaano leh, ayaa ay ula wadaagaysay dalalka uu maro. W/Q:(kamaal Marjaan)

โ€œItoobiya weligeedba webiga Niilka si lagu kalsoonaan karo oo amaano leh, ayaa ay ula wadaagaysay dalalka uu maro. Mar kalana waxa aannu walaalahayo u caddaynaynaa in ballankaasi uu maantana ka sii xoog badanyahay intii hore, iyo in hibadaas uu Allaah inna siiyey (Niilka) aanay noqonayn macno darro, balse aannu xukuumad iyo shacabba gudanayno masuuliyaddaas lanoo igmaday.

Hibadaas rabbaaniga ah (Niilka) waxa ay noqon doontaa mid cid kastaa ka faaโ€™idaysato, sida ay na farayaan qiyamka masuuliyadeed, iyo cadaaladda oo ah waxa ay Itoobiya ku caan baxday, sida uu qiray, kuna qaddariyeyba sayidkeennii Muxamed (SCW), markii uu asxaabtiisa ku lahaa, โ€œTaga dhulka Xabashida, waxaa ka taliya boqor aan agtiisa waxba lagu dulmiyin โ€ฆ waana taas ta maanta aannu xaqiijinayno oo ah in Itoobiya dawlad iyo dadba aanay wax dhibaato ah gaadhsiin doonin walaalaheedโ€

Hadalkaas ay ka buuxaan ereyada diineed iyo xujaysiga nebi Muxamed (SCW) waxa ay ka mid ahaayeen warmurtiyeed af Carabi ku qoran oo uu raysalwasaaraha Itoobiya kaga hadlayey, in biyo xidheenka uu dalkiisu ka duway webiga niilku aanu wax dhibaato ah gaadhsiinayn dalalka webigu maro, iyo in Itoobiya aanay doonayn in deriskeeda ay dhib u geysato.

Hore waxaa hoggaamiyeyaasha Muslimiinta loogu yaqaannay in ay diinta qiil uga raadiyaan falalkooda, ma kula tahay in dhaqankaasi uu hadda u gudbay hoggaamiyeyaasha aan muslimka ahayna.