Jabanaha arrooryaad naftuu Jeermis geliyaa! (WQ: Dr-Abdikarim D Hassan)

Qaadku waa masiib umadeena ku habsatay. Waa gardaadiyaha falkasta oo qaldan, talo kasta oo qaloocda, go’aan kasta oo guracan. Qoys kasta oo dumay ama kala laalaada waxa qilaaf kooda qayb is ah Qaad.

Waxaynu wada dareensanahay si Qaadku u nabaad guuriyo anshaxa suuban una xaalufiyo dadnimada iyo sharafta qofka. Imisaa lixdan jir tin u madoobayn oo ay suuro gal tahay in uu sodog iyo awow yahay gidaar la fadhiya caqaar barqo hore oo la kala foof tegay. Imisaa nin dhalin yaro ah oo xiskiisa iyo xoogiisuba fayowyihiin isagoo safradaysan Laan Qaad ah cantuugsan oo qowlalada ka xunbaynaya.
Muuqaaladaas foosha xun ma aha kuwo inagu cusub, waa qaar aynu si joogto ah ugu aragno meelkasta oo magaalooyin keena ka mid ah.

Dhalan rogga uu dadnimada iyo karaamada qofka keeno waxa sii dheer, cabeecadaha qarsoon ee uu ku Abuuro bulshada ee halista ku ah wada-dhaqanka iyo isku tiirsanaanta. Qaadku waxa uu ababiyaa beenta, khiyaamada, musuqa, iyo daacad darada. Hagarďaamooyinkiisa lama koobi karo, waa umul khaais (ام الخبائث) hooyadii xumaanta iyo inta laga yaqyaqsoodo oo dhan.

Dhibaatada dhaqaale ee uu inagu hayo aya iyana ah wax aan la suurayn Karin sida aqoonyahan keena, dowladeena, culimada iyo wax garadkeenu ugu dulqaad leeyihiin ama uga demen yihiin.

Waxay ahayd in Qaadka iyo ladagaalan kiisu ahaado mashruuca ugu wayn ee ina mideeya; Furinta koobaad ee aynu kawada halganno, cadowga koobaad ee aynu la dirirno. Xaqiiqada dhabta ah waxa weeye Qaadku waa halista ugu wayn ee mustaqbalka umaddan haysata.

Waxa la yaab leh in aanay jirin cudud midaysan, haba koobnaatee, oo khatartan u guntata in ay soo afjarto amaba yarayso. Waxa mudanta koobaad inoo noqotay arrimo siyaasadeed oo wax faa’iido ah oo inaga soo gelayaa aanay jirin. Waxa aynu isku qancinaa in ay yihiin Arimo aynu dunida ka iibino si la inoo aqoonsado, waxa iswaydiin leh umadan sida xaalkeedu yahay aynu aragno muxuu aqoonsigu usoo kordhinayaa, een ka ahayn in cirka, dhulka, iyo badaba mijin lasiisto barqo horeba.

Waxa loobaahan yahay in barbaarta dalku, inta wali fayow, ay usoo jeedsato baylahda dhabta ah ee dalkooda oo ay ka howl galaan sidii mar labaad aynu xuriyadeenii ula soo noqon lahayn; markanse halganku boqol goor ayuu ka adag yahay kii hore….. maskaxdaa la xoraynayaa.