Jabka Tigrayga: Gumaysi hor leh mise gobanimo curatay? (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Abiy Axmed waa nin aan warkiisu caddayn. Siyaasigan oromka ah ee Apil-2018 xilka raysalwasaaranimo ee Itoobiya loo magacaabay waxa uu Geeska ka fuliyay isbeddello aan haabka ba lagu hayn, oo ifafaalaha dhicitaankooduna aanu muuqanayn waagaa xafiiska loo igmaday. Laba bilood uun ka dib markii uu xafiiska la wareegay xukuumaddiisu waxay sheegtay inay ka goโ€™an tahay xal u helidda collaada xuduudda ku salaysan ee iyaga iyo Eretiriya 20 ka guโ€™ soo dhextaalay. July-2018 Abiy ayaa ka degay Asmara, halkaas oo isaga Isaias Afwerki ay heshiis ku kala saxiixdeen, colaaddii arwaaxda iyo dhaqaalaha badan labada dhan ba ka galaafatayna waxa uu u beddelay saaxiibtinimo iyo iskaashi.

Arrinka labaad ee yaabka leh ee Abiy ku kacay waxa uu ahaa inuu xisbigii Tigreega (TPLF) oo qayb ka ahaa xisbiga lagu bahoobay ee EPRDF, ahaana garabka ugu awoodda badan ee dalka maamulkiisa isku koobay milateri ahaan iyo dhaqaale ahaan ba,ย  uu hab-maamulkoodii iyo qorshayaashoodiiba qaaddacay. Arrinkaas oo ahaa nafhurnimo iyo khammaar noloshiisa uu ku biime geliyay. Waayo, TPLF doqmo ma aha oo way fahmayeen cawaaqibka ficilladiisa ka dhalanayay, iyo talada oo gacantooda ka baxdaa taariikhda ay reebi karto. Isaguna wuu garanaayay TPLF waxa ka suurta geli kara haddii damacooda la gacan bidixeeyo oo sida ay wax u doonayaan loo wadi waayo. Wuuse u badheedhay mahlakadaa naftiisa uu ku waayi karayay. Doobir wanagiisa wuu badbaaday oo wixii oo sirdoon ahaa, ee faji ahaa, majare-ka-leexin ahaa ee TPLF samaynaysay wuu ka samata baxay. Ugu dambayntiina waa kii dirir ku qaaday ee wax bil ka yar xaalkooda ku soo gebagebeeyay. Kooxdii 27 sano hub urursiga iyo hanti urursiga ku hawlanayd goor aan habeenna ahayn maalinna ahayn buu Abiy hilfha u qaaday, oo wax la xasuuqay, wax la xabbisay iyo wax la qixiyay buu ka dhigay.

Ismaamul goboleedyada iyo muwaadininta Itoobiyaankuba gacanta birtii ahayd ee TPLF ku haysay way ka nasteen intii Abiy xilka hayay, walaw xurgufo iyo qas weli meelo badan ka jiraan. Dawlad degaanka Soomalida ayaa tusaale inoogu filan, oo intii guulwadayaashii TPLF ee Ina Ilay horjoogaha u ahaa laga takhalusay dadku neecaw iyo naxariis bay dareemayaan iyo weliba xorriyad.

Haddaba, haddaynu cinwaanka qormada ku laabanno, waxa is waydiin leh; Abiy goโ€™aamadan qadhaadh ee uu qaatay ma ku-dhac kelinimo ah oo isaga uun ka soo goโ€™day baa gelinsiisay mise jihooyin kale ayaa ku loohan oo wax la qorshaynayay. Haddii aynu ku noqono goโ€™aankiisa kowbaad, ee Eretiryaanka uu kula heshiiyay, waxa aynu arkayna in heshiiskaasi uu hoog ku ahaa Tigreeyga, oo dhul ay xoog ka haysteen uu Eretiryaanka u celinayay. Goโ€™aankiisa labaadna waxa uu ahaa sidii TPLF talada dalka ee ay tuurta ku sitaan uu uga dejin lahaa, taas oo aakhirkii sababtay inuu awood milateri adeegsado oo uu weerar ku dabxidho.

Waxayaabaha kale ee tixgelinta leh waxa ka mid ah hadaladii uu ka jeediyay Baarlamaanka hortiisa markii dagaalka Tigreega uu ka lib keenay 30-nov-2020. Khudbaddaa waxa uu ku sheegay in TPLF ay doontay inay dalaโ€™sato, disho, majare habaabiso, iyo weliba inay qalalaasaha qoomiyadaha u dhexeeya iyagu ay sidaalinayeen, dililka qorshaysan iyagu wadeen. Hadaladaas waxa laga dhadhansan karaa in meesha loollan wayni ka jiray oo Xaajadu ay ka balladhnayd Abiy oo dhan ah iyo TPLF oo dhan ah. Waayo keligiis ma awoodeen inuu iska caabiyo ama u babac dhigo mawjadaha maqsadka leh, ee sidii ilkaha abeesada hoosta ka xidhiidhsan.

Midda kale ee milicsiga lehi waxay tahay, TPLF hubka ay haysatay waxa uu ahaa midka Itoobiya ugu casrisan uguna culus. Sidaas darteedna khubaradu bilawgii hore ee dagaalka waxay saadaalin jireen in TPLF lagu jebin karo โ€œgoโ€™doomin iyo gaajaysiinโ€ oo keliya. Taasina ma dhicine maalmo kooban baa xaalkoodiiba lagu soo afjaray. halkan waxa laga fahmi karaa in hubkii ay hayeen (hubkii dalka ugu casrisanaa ee la ogaa) mid ka sii casrisan lagu la diriray oo lagu jebiyay. Kaas, tolow xaggee laga keenay? Goorma ayaa se laga soo gaadhsiiyay?

Isku soo xooriyoo meesha in qorshe Amxaareed sannaddo badan la tolayay ka hirgalay baa la suurayn karaa. Intaa hore marka lagu daro weliba in Abiy uu yahay Orom Amxaaro abti u tahay af -Tigreega na la baray, sida uu meesha ku yimi iyo goโ€™aamada Tigray-wareenka ah ee uu judhiiba ku dhaqaaqay wax baa laga dhex sawiran karaa.

Haddii malahani uu run noqdo, oo Abiy uu ahaa aalad Amxaarku ku adeegnayay oo xukunkii soddoneeyada sano ka maqnaa ay ku soo xero gelinayeen, xaalku laba qawlaysato oo kala xoog iyo xeelad batay uun buu noqonayaaye waaโ€™ cusub oo Itoobiya u beryay ma jiro.ย  Bal eโ€™ gorayo gabal u dumay baaba xaalkooda noqon karaa oo mooryaan Amxaareed oomani wuu ka daran ahay TPLF kii tegay.