Jabuuti oo bedeshay mawqifkeedii heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa meesha ka saaray in dhexdhexaadintii Turkigu ka dhex waday Itoobiya iyo Soomaaliya, ku xalliyeen xiisadda labada dhinac, ee salka ku haya heshiiskii badda ee ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ku yidhi, “Si daacad ah, mawqifyada labada waddan ee ku aaddan fikradda ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed waa mid aad uga fog midba midka kale,” isaga oo intaa ku daray in “xalku ku jiro mid ka mid ah labada dal oo ka tanaasulay mowqifkiisa arrimahan.”

Bishii January ayay ahayd markii Somaliland ay heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Itoobiya, iyadoo heshiiskaas uu dhigayo in ay Itoobiya isticmaasho xeebta Somaliland oo dhererkeedu dhan yahay 20 KM muddo 50 sannadood ah, iyada oo loo marayo heshiis “kiro ah”.

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti, ayaa daaha ka qaaday in dalkiisu uu “soo jeediyay dhexdhexaadin qarsoodi ah oo xal dhexdhexaad ah lagu dhammeeyo khilaafka,” balse wuxuu diiday inuu shaaciyo tafaasiilkeeda, isagoo yidhi: “Ma daah-furi karo si aan loo soo bandhigin guul-darro.”

Maxamuud Cali Yuusuf, waxa uu ku macneeyay in Jabuuti, dhab ahaan, aanay waligeed u joojin inay dejiso xiisadda u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo tilmaamay “si loo yareeyo xiisadda diblomaasiyadeed, Jabuuti waxay qabatay shir madaxeedkii IGAD bishii hore ee February, iyo Madaxweynaha Jabuuti waxa ay si joogto ah u wada xidhiidhaan labada dal ee jaarka ah”.

Waxa uu intaasi ku daray: “Dhexdhexaadinta Turkiga waxay ku timid codsi ka yimid Itoobiya, ka dib dhex dhexaadinta Kenya oo aan ka soo bixin natiijooyinkii la rabay… Waxa muhiim ah in dhammaan dadaallada diblumaasiyadeed ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xasillooni iyo nabad gelyo gobolka, hadafyadaasna waa maxaa Jabuuti khuseeya ka hor inta aan tixgelin kale la siin.”

Hadalka Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti, ayaa muujinaya in Dowlada Jabuuti bedeshay mawqifkeeda ku aadan heshiiskaii is-fahan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Talaabada ay qaaday dowladda Jabuuti, ayaa ka dhigan aqoonsiga Somaliland madaama labada go’aan mid ahaan Somaliland u tixgelinayo dal buuxa.Go’aanka ay qaadatay dowladda Jabuuti waxa uu muujinayaa in heshiiska MOU ay ka fuqday isla-markaana ay ku qasbanaatay in ayna noqonin dowladda koobaad ee caqabad ku noqota hishiiska Somaliland iyo Itoobiya.

https://aawsat.com/العالم-العربي/5050313-جيبوتي-تستبعد-نجاح-تركيا-في-حل-أزمة-المنفذ-الإثيوبي-بالبحر-الأحمر

Xigasho:Hargeisa Press

Bandhige@gmail.com