Jabuuti waa beed aan jabnin xamili karin (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sanadkii 1977 markii Djabouti xornimadeedu soo dhawatay , Itoobiya waxay ku dhawaaqday in ay dhulkaa leedahay , waxaanay sheegtay in ay gebi ahaanba Djabouti qabsanayso , waxaanay ciidamadeeda kusoo daad gureysay xuduudka jabuuti , Soomaaliya oo arrinta ka hortagaysaana waxay ciidamadeedii gaysay xaliimale ilaa Lowyacaddo , iyadoo halistaasi jirto ayaa jabuuti xorowaday , waxaana badbaadiyey dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya .

 

Maanta , Ereteriya waxay haysataa  dhulkii jabuuti ee ay qabsatay , itoobiyana waa joogtaa , juqrafiga wadankuna waa saxraa iyo buuro qaraxa iyo xeebo aan biyo lahayn , intaa waxaa dheer qaybsanaanta dadka reer djabouti oo aan wadaagin isir aan ahayn jabuuti , dhan kastaba markaad eegtana jabuuti waa xabad beeda oo aan jebis xamili karin .