Jabuuti, waxa ay goob muhiima u tahay, soo caga dhigashada Shiinaha ee qarada madow (WQ: Caynaan Farax Caynaan)

Shinaha ayaa u dabaaldagay, bishii sideedaad ee sannadkii 2017, ka qaybgalka xaflada saldhigiisii milatari u horeeyay, ee ku yaala meel ka baxsan dalkooda, wana saldhiga ciidamada bada ee ay ku leeyihiin dalka Jabuuti oo ah dal ku yaala bariga qarada madow.

 

Jabuuti, waa dal yar, balse ku yaala goob muhiim u ah dunida inteeda kale, waxanay heshiis la galeen dalal shisheeye oo dhowr ah, kuwaasuna ka mid yahay dalka Shiinuhu.

Shiinuhu waxa uu maalgalin baladhan ku sameeyay dalka Jabuuti.

 

waxa uu u dhisay dakada ugu wayn dakadaha ku yaala qarada madow, jidka tareen ee isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya, waxa uu bada hoosteeda ka dhisay khadka Internetka oo ay wadagaan wadamada gobolku, wana adeeg intiisa badan ay maamulaan shirkado Shinaha laga leeyahay.

 

Isbalaadhinta maalgashiga Bijiin ee dalka Jabuuti, waa mid kor u qaad u samaynaya muhiimada ay qaaradu u leedahay dalalka shisheeye, balse reer Galbeedka oo ay ku jiraan dalalkii hore u gumaystay qarada madow, ayaa tobbonaano sanno la lahaa xidhiidh ganacsi iyo mid dhanka nabbad galyada ah, Shiinuhu se waxa uu la yimid maalgashi balaadhan oo horumar ku samaynaya kaabayasha dhaqalaha oo anfici doona faca soo socda ee qaarada madow.

 

Bangiga dhexe ee dalka Shiinaha ayaa daymo siiya, guud ahaan dalalka qarada madow, si loo horumariyo wadooyinka, madaarada, biyo xidheeno iyo horumarinta tamarta, Shiinuhu waxa uu laba laabay maalgashiga qarada madow sannadihii 2014 ilaa 2018. Jabuuti, Shiinaha waxa ay ugu jirtaa qorshihiisa fog, sababtoo ah Jabuuti waxa ay ku taala goob u habboon dunida inteeda kale, wana albaabka laga soo galo bada cas, waxana mara saliida la dhoofiyo ee dunida 10%, halka badeecadaha u kala gooshaya duniduna ee mara xeebta biya mareenkaa dhuuban, ee ka imanaya gacanka Suwayska ayaa qiyaas ahaan gadha 20%.

Meesha ay ku taalo oo ah xudun muhiim ah, ayaa keentay in ay noqoto xarunta internetka ee loga qaybiyo Gobolka, maalgashiga Shiinaha ee qarada Afrika ayaa ah mid walaac badan ku haya reer Galbeedka oo u Maraykanku hor ka cayo, waxa ay se u muuqataa in Shiinuhu kaga dhereeyay reer Galbeedka dhanka qarada madow.

 

Waxa uu Shiinuhu daymo badan ku leeyahay inta badan dalalka qarada Afrika, dhawaan shir ay ugu magacdareen iskaashiga Shiinaha iyo qarada madow ayaa waxa ka soo qayb galay ku dhawaad 154 dal oo Afrikaan ah, halka uu Maraykanku ku qabtay shir uu ugu macdaray barwaqada Afrika dalka Musaanbiik.

 

Arinta se, muhiimka ah ayaa waxa ay tahay in dalalka Afrika ee qadanaya daymaha dalalka shisheeye, ay tahay arinta walaaceedu tagan yahay inta badan dayntu waxa ay naafaynaysaa dhaqalaha dalalkaa oo aan yeelanayn madaxbanaani dhanka dhaqaalaha ah.

 

Qore: Caynaan Farax Caynaan.

Hargaysa, Somaliland.