Mudadii u dhexeysey 1991 – 2001 waxan la shaqeeyey 6 wasiir oo wasiro ka soo ahaa wasaaradda waxbarashada. 3 wasiir ee an rumeysanahay iney ahaayeen kuwa uugu wax qabadka wanaagsan ee dalku ka faa’iidey waxa ay saddexduba ahaayeen askar. Waxay kala ahaayeen Abdirahman Aw Ali Farah oo markii danbe madaxweyne ku xigeen noqdey, Jaamac Kheyre Wacays (AHUN) iyo Ali Waran Cadde. 2da wasiir ee uugu waxtarka yaraana waxa ay ahaayeen kuwa aqoontooda iyo waaya aragnimadooduba aheyd tacliinta.
Markii Madaxweyne Cigaal (AHUN) wasiirka waxbarashada ka Dhigey Korbeyl Jamaca Kheyre Wacays (AHUN), dad badan ayaa yaabey oo lahaa madaxweynihii sowkan askari bileys ah wasaaraddii dhameyd ee aqoonta u dhiibey. Jamaca Kheyere waxa wasaaradda uuga horeeyey rag aqoonta tacliinta heersare ka gaadhey oo qaarkood ay Soomaaliya wasiiro waxbarasho ka soo ahaayeen.
Alla ha un naxariistee Jamac Kheyre, labadii asbuuc ee u horeeyey wuxu wasaaradii ka saarey habayacsanaan badan oo meesha ku jirtay. Albaabka wasaaradda ayuu asbuucii hore taagnaa subixii. Mise shaqaale habqan ah ayaa soo gala. Qaar iyaga oo 9 kii subaxnimo soo galay ayay ku leexdaan makhaayad yar oo meesha ku taaley, mise shaqadaba waxa ay bilaabaan 10 ka. Shaqaalaha soo gelaya ayuu weydiiyaa oo yidhaa shaqada imisada ayaa la gala. Mise qofba waxa uu doono ayuu sheega, ileyn ma jiro wax qoran oo qofka marka la shaqaaleeyo loo dhiibo oo nidaam ihiye.
Wuxu soo rogey sharci ah, shaqadu 8 da ayay bilaabantaa, qofkii soo habsaamaa ha soo qoro sababta uu la soo habsaamey. Xafiisyada ayuu maraa oo uu eega shaqada socota. Maalin ayuu weydiiyey oo uu yidhi, mee agaasimihii maaliyaddu, markaasaa la yidhi wuxu tegey xafiiskii xisaabiyaha guud oo foojaro ayuu qaadey. Markuu yimaado iigu yeedha ayuu yidhi. Markuu u yimid ayuu ku yidhi, oo maan ogeyn inad badhiwale isu bedeshey. Waa maxay foojaro ayuu qaadey. Sowkuwan badhiwalayaashu jooga u dhiib iyagaa qaadiye. Agaasimihii ayaa yidhi, badhiwale laguma aamini karo. Wuxu uugu jawaabey ma waraaqahaa sii xammaal ayaan lagu aamineyn nin adiga ku leeg. Waxa kale oo u raaciyey, haddii kale maad u dhiibtid waxan oo shaqaale ah ee kaa hooseeya ee meesha tuman, maxaa adoo agaasime ah shaqadii shaqaalaha kuu direy. Xilligaa la joogey dhaqanka shaqada wasaaradaheena ayaa ahaa oo iminkadanba qaar yihiin, in qof walbaa inta yare ee uu mas’uulka ka yahay kilinkilada ku sito oonu cid kale u dhiibin ama aanu rabin iney cidi ogaato. Halkan kale ayuu eegey, mise rasiidhka baatroolka wasiir kuxigeen ayaa haya oo kolba qofka u soo gala boono u goynaya. Mid kalaa shaanbad shandada ku sita oo la sugaa inta uu maqanyahay.
Markuu laba bilood xilkaa hayey, waxa uu keenay dhaqan ah in shaqada la soo galo 8 aroornimo, laga baxo 2 duhurnimo, qofkuna xafiiska fadhiyo. Intaasi waa dhisibiliinkii askarinimo oo uu ku soo rogey goobtii shaqada. Balse waxa uu keeney, dhaqan wanaagsan oo wada tashi ah. Sida caadiga ah, wasaarad kasta arimaheeda dhowr qof uunbaa u dhuun daloola oo ka taliya oo fursad u leh wasiirka. Wuxu soo dejiyey Jamac Kheyre, in marka arin laga wada tashanayo, in miiska la soo wada fadhiisto oo qof walba ra’yigiisa la weydiiyo. Dadkii layaab ayay ku noqotey ileyn dadka in yar uunbaa wax la weydiin jiree. Marka arin aqoon u baahan yimaaddo, wuxu hadalka ka bilaabaa, anigu garan mayo arinkan, inteenan kale se, yaa arinkan inoogu aqoon badan ama war badan. Waxa kale uu weydiiyaa, wasaaraddu afarteenan maahee ordoo dadka kalena inoogu yeedha an wax weydiinee.
Marka la isu yimaaddo ee la arinsado, ayuu yidhaa afartiinaasi is raaca oo ama qayila ama si kale u ballama oo, berri qoraal tafatiran oo arintaa ku saabsan ii keena. Waa dad aan waxba la weydiin 20 sanadood, mise waxa ay so diyaariyaan talo iyo mashruuc wanaagsan. Subaxa danbe ayuu dadka u wada qeybiyaa oo yidhaa nin walowba soo akhri oo wixii ad ka diido ama ad ku kordhineyso beri isku keen keena. Waxa meesha ka soo baxa talo tafatiran, qurux badan oo loo dhan yahay oo aan laba qof oo wasiirka ka ag dhowi soo malmaluuqin.
Maalinta la yidhaa wafdi hey’ad ka socda ayaa imanaya dalka oo kula kulmaya, ayuu ii yeedhi jirey, markaasuu agaasimayaashana u yeedha. Wuxu I weydiin jirey wafdigani maxay yihiin muxuuse yahay qasdiga safarkoodani. Halkan madaxda kale naqaska isku dhejiyaan iyaga oo laga yaabo inaaney war badan heynin, isagu wuxu odhanayaa talo keena. Markad uuga warranto eed tidhaa wafdigu sidaasey u socdaan iyo arimahaa, ayuu odnayaa, maxay soo kordhinayaan ama ay maalgelinayaan ee an weydiisanaa. Markad u sheegto ee ad tidhaa arimahaa ayay daneynayaan, ayuu odhan jirey inteenani waa inoo galabta iyo gurigeyga si an uug tashano oo an wax u diyaarsanno. Galabtii ayaa la soo qorayaa qorshe hawleed iyo mashruuc ku salaxan waxa wafdigu u socdo. Isagoo og inaan anigu ka soo jeedo dhinaca wafdiga ayuu igu odhan jirey. Waxa kale ayuu inta badan igu odhan jirey hey’addan waxa ad madax ka tahay gelinka hore ilaa 4ta galabnimo, wixii intaa ka danbeeya inankayagii ayaad tahay iyo muwaadin dalkan ka tirsan ee kaaley wadanka waad nala leedahay ee wax nala toostoosi oo afkii nimankan wax laga helayey ku qor barnaamijka, meelaha ay ka godladaanna ka taabo.
Mise subaxii marka wafdigii lala fadhiisto, wasiirkii wuxu soo bandhigayaa barnaamij ay u khushuucaan oo aan hadal laga soo celineyn. Waxaasoo dhan wuxu ku keeney, nidaamka maamul ee uu adeegsadey oo ah inu adeegsadu aqoonta dadka kale ku jirta ee anu shaqada isagu isku koobin iyo fursadda uu siiyo dadka badan ee aqoonta leh balse aan ku jirin xeydaanka birlabta (magnetic field) wasiirka iyo madaxda kale. Wuxu rumeysnaa inaan shaqaalaha wax u kala qarsoonaan iyo in qof walbaa waxa uu aqoon u leeyahay wax laga weydiiyo.
Waxa an ka faa’iidey Alla ha Naxariistee Jamac Kheyre, Wasaaradda ama hey’adda loo dhiibo qof farsamada iyo shaqada wasaaradda ku lug lahaa dhibaato iyo muran kama baxdo. Wasiirkii ileyn waxan ayuu hoos u ogyahay oo uu ku soo dhex jirey arrimaha hoose ee wasaaradaas. Shaqaalaha wasaaradda isku shaqo ayay ahaan jireen oo qaar ayay is hayeen. Markaa Wasiirku wuxuu ku mashquulayaa shaqo farsama yaqaan ee isu dhigi maayo hogaamiye. Takale waxa uu heystaa fikrado “bias” oo dadka qaar ayuu u arkaa iney xun yihiin, qaar ayuu la colyahay oo ay shaqada hore iskugu soo jiidheen illeyn waa meel uu ka tirsanaan jiraye. Waxa kaloo uu leeyahay isku kalsoonaan siyaado ah oo uu rumeysan yahay inu inta kale ka aqoon badan yahay. Qofkase aan wasaaradda hore uuga tirsaneyn ama aan farasamada wasaaradda wax hore ka aqoon, dadka ayuu wax weydiinayaa, waxa keliya ee loo bahanyahay inu lahaado kartida uu wax ku maamulo iyo ta uu go’aanka ku qaato.
Waxa kale oo an ka faa’iidey, iyada oo aqoonta iyo waaya aragnimaduba muhiim yihiin, haddana shaqo waxa ad u dhiibataa qof xiiso badan u haya oo raba inu is muujiyo. Aqoon kasta iyo waaya aragnimo kasta oo uu leeyahay, haddii aanu qofku xiiso badan u heyn shaqada waxba ma soo kordhinayo, waxaana dhaama qofka woxoogaa aqoon ah leh, balse xiiso badan u haya. Kaasi ismuuji ayuu isleeyahay, dadka aqoonta dhaamana wax buu weydiinayaa. Jaamac Kheyre xantiisa ayuu ogaa in la odhanayo askari ayaa tacliintii loo dhiibey, sidaa darteed xiiso badan ayuu u hayey inu shaqo fiican qabto. 7 aroornimo ayuu shaqada soo galaa, ilaa galabtii ayuu shaqeeyaa, gelinka danbena gurigiisa oo badda cas ku yaalay ayaa la isku iman jirey lagu shaqeyn jirey illa cishaa’ga dabadii.
Meel waxa ad madax uuga dhigtaa qof waaya-aragnimadiisu ka soo jeedo dhinaca adeegista macaamiisha. Masalan, in dhakhtar laga dhigo wasiir caafimaad waxa kaga fiicanaan kara iyada oo qof kale oo dabcan aqoon leh balse aan dhakhtar aheyn oo laga dhigo. Qofkaa kale ayaa fahmi kara baahida adeegyada caafimaadka ee bulshadu qabto. Dhakhtarku dhinaca dhakhtarnimada ayuunbuu wax ka arkayaa, ileyn isaga dhibaatadan caafimaad ee dadka heystaa mey saameyne. Waxa u sii dheer murankii shaqaalaha ileyn waa meel uu ka mid ahaaye. Wey dhici kartaa inu dhakhtarka laftiisu wasiir wanaagsan noqdo, waa haddii uu kor uuga kaco heerka dhakhtarnimo oo uu isu dhigo hogaamiye
Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com