Waxa ku dhintay Maraykanka janaraal caan ka ahaa geyiga Soomaalida. Maxamed Cali Samatar wuxuu xilalkii u sareeyey dalka iyo ciidamada ka soo qabtay dawladii keligii taliska ahayd ee uu hogaaminayay askarigii macangaga ahaa ee qoriga caaradiisa ku af duubay taladii Jamhuuiryadda Soomaalida sanadkii 1969.
Samatar wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen, taliyaha ciidamada, wasiirka gaashaandhiga iyo raysal wasaare. Marka laga yimaado Siyaad Barre, Samatar wuxuu ahaa ninka ugu cudada wayn dawladii keligii taliska ahayd ee ka gaystay dhulkii ay xukumaysay xasuuqa, dembiyada dagaal iyo dembiyo ka dhan ah banii adantinimada.
Xilka uu hayo darteed iyo shaqsiyadiisa oo ahayd mid ay naxariistu ku yar tahay, Samatar wuxuu ahaa ninka bixiya amarada ciidanka Soomaaliya ee uu u talin jiray.
Sanadkii 1988kii wuxuu sanadkii ugu dhiiga badnaa islamarkaana ay sida baaxadda leh u furatay layn iyo xasuuq aan loo kala aabo yeelin oo laga gaystay dhulka Somaliland. Samatar wuxuu ahaa hogaamiyihii ciidamada waqtigaas. Wuxuuna ku qirtay waraysi uu bixiyay inuu amarkeeda lahaa duqayntii Hargeysa lagu burburiyay 1988.
Dagaalka aynu ka hadlayno ee uu hor boodayay ee taliyaha ka ahaa Samatar muu ahayn mid ay iska hor imanayeen ciidamo hubaysan, balse wuxuu ahaa layn si toos ah loo bartilmaameedsaday dadka shacabka ah, kufsi, jidh dil iyo dembi kasta oo ay geli karayeen. Waxa lagu laayay dhulka Somaliland tobonaan kun oo qof oo shacab ah.
Waxa laga gaystay duqayn waqtigaas aan hore loo arag baaxadeeda iyo dabeecadeeda toona.
Dibin daabyada iyo tiritirka uu qaybta ka ahaa Samatar ee ay samaysay dawladii uu ka mid ahaa waa mid ay ka marag kaceen waqtigaas hayโadaha caalamiga ah ee xuquuqal insaanka kuwooda ugu caansan.
Balse maragga u wayni wuxuu jooga guri kasta oo Somaliland ah. Ma jiro guri aan dhibane u ahayn layntii dawladdii Siyaad Barre. Maraggu wuxuu ka soo ifo baxaa marka roobku daโo dhulka iyada oo lafihii dadkii isku xidh xidhnaa ee shacabka ahaa ee xabaalo wadareedka lagu riday ay ku yaalliin magaalooyinka Somaliland.
Samatar wuxuu dhintay si la mid ah Gaani, Gabyow iyo kuwa kale iyada oo aan maxkamad loo soo taagin wuxuu gaystay. Waxa se jira kuwo nool oo iyana weli ku raaxaysanaya dunida iyaga oo aan la horgeyn maxkamad. Waa in laga shaqeeyo sidii cadaaladda loo soo hortaagi lahaa dhamaan kuwii geystay dembiyada.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa, Somaliland
ย