Jawaabihii ILA TALI (WQ: Ina Siciid)

Intiinii la socotay, toddobaadkan waxa talooyin soo dalbatay gabadh magaceeda ku soo gaabisay Nimco oo  doonaysay in ay go’aan ka qaadato aqbalaadda codsi guur oo uga yimid nin qaba gabadh ay iyada saaxiibo yihiin.

Nimco oo haysataa laba carruur ah oo lagu furay, waxay raadinaysay qof guursada oo ay nolosha wadaagaan isla markaana qaadi kara masuuliyadda qoyskeeda. Iyadoo marxaladdaa ku jirta ayay heshay codsigan uga yimid Axmed, taas oo ay u aragtay fursad aan mar labaad soo marayn. Waxayse ka maagaysaa in ay saaxiibadeed oo ay nafta isku bixiyaan kala baxdo ninka.

Haddaba dad tiro badan ayaa ka soo falceliyey codsigaas oo talooyin soo diray. Waxanu halkan idiinku soo gudbinaynaa dhawr ka mid ah:

Nuur Xaaji Xiiray: Asalaamu Calaykum. Waxaan gabadhaa kula talin lahaa ninkaa ha guursan, ha khiyaamayn saaxiibadaa, shaydaana ha ku noqon, oo gurigaa dhisan ha dumin. Waayo shaydaanku shaqada ugu wayn ee uu qabtaa waa guri uu dumiyo. Midda kale waxaad tidhi carruur inaad dhasho ayaad doonaysaa. Gabadhaa saaxiibka aad tihiina muddo ayay ninkan isqabeen oo aanay waxba isku dhalin. In uu ma-dhalays yahay ma laga yaabaa. Xalaal maalin cad baa la cunaa waa maxay aan qarsoodi kugu qabo? Waxan kuu sheegayaa, saaxiibada shaydaan ha ku noqon. Waad qaldantahay gabadh yahay in lagu qabto ayaanad u baahantahay. Waxan uu ninku kuu muujinayaana waa been. Soomaalida ayaa tidhaa been ku soo xero gali runna ku dhaq.

Cabdirisaq Xasan Gabadha waxan kula talin lahaa inay is dajiso marka hore. Marka xiga inay aqbasho guurka balse shuruudihiisa qaar aysan macquul ahayn taas oo qofnimadeeda dhaawacaya. Shuruudahaa waxa ka mid ah in ay saaxibadeed xidhiidhka u jarto iyo in ay telefoonka iska badasho. Labadaasiba aniga siday ila tahay macquul maaha. Sidoo kale waxan iyada kula talin lahaa inay dalbato hal shuruud ah oo ah in saaxibadeed uu isagu ka fogeeeyo oo uu guri kale u kireeyo ilayn iyadaa fudud oo aan carruur wadanine. Wa billaahi tawfiiq.
 Colhaye Maxamed Osmaan Abaayo degdeg iska ilaali. Adaa og meesha kuu roon. Xogta dhabtaa adaaa naga haya laakiin waxaaa sameesaa ha fududaaan. Tijaabin iyo baaritaan dheer iyo tashiyo badan la samee sida ehelka asxaabta. Adoon iswaalin marka aad fakarto ilaahayna talo saarato waaa hubaal inaa go’aaan fiican gaarayso. Ilaahay ha kugu hago meesha kuu roon.

Princess Nashaad Cadaawe Abaayo iskaga tanaasul ninka saaxibaddaa. Nin aad doonto oo kale guurso Ilaahaybaa arsaaqda qoree.   

Rooxani Caqlaani Reach ila tali ku lahaa! Waa tallaabadii koowaad ee aad xagga jacylkaga u qaadi lahyd.  Si aad guushiina u gaadhan waa kelmedii kowaad ee uu ku dhaho. Adigu tasho wali maad gaadhin in lagula taliyee.

Sowdo Salaad Cismaan Walal ma fududa taladu. Waxan ani ahaan qabaa in ay iska dhaafto arrinka ninka qaba gabadha saaxiibadeed ah waayo qiyaano ma fiicno.

Nashaad Abdirisaq Hadaad cid talo waydiinayso ayada waydii, waayo waa saaxiibaddaa. Waxaa laga yaabaa in ay kaa oggolaato oo istiraahdo ninkaan tijaabi bal in uu wax dhalo iyo in aad adigu tahay qofka xaggiisa wax ka jiraan oo markaas iyana ay is dhahdo adna istijaabi oo halkaas faraj uu uga furmo. Waxay is dhihi kartaa nin naag maddaayo waxaase kuu fiican in uu guursado mid aad taqaan.

Saleban Hassan Hadii gurigaa laga saarayo iyo carruurta uu ninkaasi qaadayo masuliyaddoda una aragto nin aan hadhaw isbadalayn isla markaa aan kugu nacayn carruurta aanu dhalin waayo imika waa xiise laakiin hawdhaw wuu hiifayaa carruurta kuna darsoo carruurta biilkiina waa laga jaray gurigiina waa laga saaray marka arrin fudud maaha ka fiirso siiba ninka hubso. Gabadha macno weyn malaha waayo dee rarga 4 ayaa loo baneeyey walow ay dhib tahay saaxiibnimadu haddana waxa ka xun inaad kali ku noolaato,  guur iyo sxbnimana guurka ayaa la horumarinayaa. Aniga waxay ila tahay hadday ninkaa hubto ha iska guursato.

Zahuura Saafi Abaayo aniga waxan ku dhahi laha kaas meel ka roon Alle haku sahlo, waayo saxibta ayaa kalsonida ka dhimaneysa guriga waxu noqon naya mid laga naxo oo la dhaho maan filayn taan marka iska dhaaf saxiibta odaygeeda wallaahi waa iga talo Nimco.

Haddii ay jirto dhibaato ku haysata oo aad taladeeda u baahan tahay Bandhige la soo wadaag si dadweynaha loo dhex dhigo xalna ku habboona laguugula taliyo. 
Waxa barnaamijkan diyaarisa Ina Siciid.
Hoos ka akhriso farriimihii ila talida ee ka yimid Nimco.

http://bandhige.com/ila-tali-q-2aad-wq-ina-siciid/

http://bandhige.com/ila-tali-wq-ina-siciid/