Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sida oo kale hab-maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, waxsoosaarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoodu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay.
Hab-maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheera ah uun baa magaalada sidu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey, ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.
Markii Islaamku soo baxay ayaa dadkii diinta u sinnaadeen, Rasuulka CSW waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan, sida oo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal. Rasuulku CSW isku si uun ayuu ula dhaqmi jiray, midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeyey. Dad-la-dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabbood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka heleen sinnaan
Boqor ka mid ah boqorradii ka talinjiray jasiiradda Carabta ayaa soo dirsaday ergay xog ka soo siiya nabigan soo baxay, ninkii kolkii uu boqorkiisi ku noqday xogtiisi waxa ay noqotay, “Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan se ninkaa ‘Nabiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin, iska daa wax kale candhuuftiisu inay dhulka ku dhacdo uma ogola.”
Dad-la-dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah in aanad shaqaalahaaga addoonsan oo aanad dadnimadooda xaqirin hadallo qallafsanna aanay kaa arkin, se dareensiiso in aad ixtraam u hayso una muujiso.
Anas bin Maalik waxa uu sheegay in uu toban sannadood u shaqaynayey nabiga, maalinna aanu ka arag wax u kohdo, wax uu sameeyey maxaad u samaysay kumu odhan, wax uu samayn waayeyna maxaad u samayn waydkay kuma odhan. Rasuulku waxa uu ina barayaa qaddarinta shaqaalaha. Ujeedku maaha yaan wax-la-iswaydiin se si degen oo xushmadi ku dheehan tahay waa in aad u muujisa oo aanad tusin in aad ka hayn badan tahay sidaana aad ugu baanayso.
Dadku waa sida geedka, geedka inta aad beerato uun ayaad manfacsataa, dadkana inta aad gashato ayaad ka heshaa, hayntaada haku qooqin dadkuna yaanay kula hoosayn, awooddaada maamul yaanay ku gaadhsiin heer aad yasto oo aanay agtaada dadku qiimo ka lahaan. Aqoontaadu yaanay ku dhaxalsiin in dadka aad wada liiddo, se ogsoonow aqoonta iyo garashadu in ay tahay is-dhul-dhigid iyo habdhaqan wanaagsan. xeeldheerida hadal ee suubbanaha, “Dadka kula dhaqan habdhaqan wanaagsan.” Mid kasta oo wax is bidaya weedh si mug leh ula hadlaya weeji.
Siyaallaha aad dadka kula dhaqmayso waxa ka mid ah in wajigaagu furnaado oo aanad noqon mid kolka laga soo horbaxo laga dido, balse aad noqoto mid wajigiisu dadka soo jiito oo in lagu soo hirto sababa. Rasuulku waxa uu sheegay in uu sadaqo yahay wajiga furani.
Dad-la-dhaqanka wanaagsan waa in aad noqoto mid dadka waxtar u leh, qof kasta oo baahanna waxtara, midka jilicsanna u gargaara, aqoontiisana aan la bakhaylin, waxyeelladiisana dadka kala fogaada.
Habdhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah in aad dadka u tunjilicsanaato oo aanad ku adkaan, Ilaahay markii uu Rasuulka u mannasheeganayey soo kuma uu odhan, “Naxariista lagugu galladay ayaa laguugu soo istaagay e, haddii aad ahaan lahayd mid kakan oo qalbi adag, hareerahaaga waa laga dareeri lahaa.” Sababta loogu soo wada joogsanayey Rasuulku waa dabacsanaantiisii uu dadka u muujiyey.
Dad-la-dhaqanka wanaagsan waxa lagu gartaa in aad tahay qof; xishood badan, ceebaha dadka ku mashquulin, caydu aanay shaqo u ahayn, isku dirka lagu aqoon, beenta sheegiddeedan ku caanbixin. Intaa ka soo horjeedkeeda haddii aad leedahay dhaqan wanaag ma lihid ee dhaqan xun oo u baahan in aad iska beddesho ayaad leedahay.