Jeego xiir (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Anigoo masaajidka ka soo baxaya ayaan arkay warqad ku dhagsan, waan akhriyay waa wasaarada diinta iyo awqaafta oo ka hadlaysa jeega xiirka, way sii yara horaysay.

Arinkii ayaan la yaabay somalidu waxay tidhaa oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo guraa eh.  Waxan is waydiiyay nimanka jeega xiirka ka hadlayaa ma is waydiiyeen dadkan inta tukata iyo inta aan tukan, ma salaada ayaa muhim ah mise in jeego xiir laga hadlo.  Marka aad xabaalaha tagto  had iyo goor dadku waxay iswaydiiyaan in qofka geeriyooday tukan jiray iyo inkale, hadii la yidhaa wuu tukan jiray way farxaan hadii kale way ka murugoodaan, isma waydiiyaan miyuu jeega xiirnaa iyo inkale.

Horta waxaan idiin sheegayaa culumadu waa laba, qaar dadka masaajidad soo gala la hadla  oo aan la socon xaalka umadoodu ku sugantahay, sheekh ka mid ah kuwaas ayaa mar masaajidkiisa laga shaqaynayay masaajikiisa, Maqribkii ayay dibada ku tukadeen, markaasuu arkay suuqii oo iska camiran iyo dadku oo iska saqaafinaya oo shidanaaba shidan, wuu u qaadanway maalintii dambe ayuu masaajikii la hadlay markaasuu xaalka ka waramay sida dadku bilaa salaad u yahay, horta waxaan u sheegayaa qolooyinka la hadla kuwa masaajidka soo gala, waar kuwan illaahay ayaa soo hanuuniyay oo masaajidka keenay laba arin uun buu mid kaaga baahanyahay, inaad cilmi diineed barto iyo inaad tidhaa inaga soo kici walaaladeena kale ee shaydaanku ka waageertay aynu u baaqnee.

Qolona waa qoladan wareegta oo waa tabliiqa way og yihiin xaalka dadku ku sugan yahay laakiin hawshaa ayaa ka badatay.

Waxaa ka sii yaab badan police kan carruurta timahooda ku meeraysanaya, hadii aad ka naxayso maad salaadiisa waydiisid, maxaa kuu diray timahiisa, waar carruurta timahooda u daaya, hadii aad wax utaraysaan, diintooda kala hadla, waaba hadii aad dhaantaan eh.

Markaa hadal iyo guntii arinku waxa weeye, ma  waxaynu ka hadalnaa siday dadku u xiiranayaan, mise rukunkaa muhimka ah ee umadii dayacday ayaynu qorshihiisii dajinaa sidii umada masaajidada loogu soo dabaali lahaa.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/