Jigjiga, Hargeysa iyo Djibouti: Saddex walaalo ah, kalase mabda’ ah! (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Aan soo murtiyeeyo saaka; Isniin, 13 Jan, 2020.

Ma Maanta ayaynu Qaryrkeen ka hadhnay!!!

Jigjiga, Hargeysa iyo Djibouti; saddex walaalo ah, kalase mabda’ ah!!

Waddamada aynu canjilno miyaad aragteen meel la jiidjiidayo siyaasi iyo saxafi; sidaa ku garta in aynu qayrkeen ka hadhnay; xataa Kilinkii Shanaad, Jigjiga, miyaad aragteen xukuumadda Mustafe Cagjar oo xidhxidhaysa saxafiyiin iyo siyaasiyiin; halkaas baa walaalaheen Jijiga na innagu baas mareeyeen; Hambayo walaalaheen; waxbaa inooga dan ah in guriga ina  xigaa sidaa noqdo; waxan ogahay in Hargeysi ay fadhiga ka kici marka ay aragto walaalkeeda Jigjiga ee shalay ka soo baxay caloosha kalitaliska oo ku raaxaysanaya neecawda xorriyatal qawlka iyo xorriyada saxaafadda; dhegahayga ayaan ku maqlayay isagoo M/weyne Musatafe Cagjar ku leh saxafiyiinta waxa doontaan qora; ma ku dhacaan kuweenu in ay sidaa yidhaahdaan?. Waxa sidaa odhan kara nimaan waxba isku ogeyn!

Qof kasta danbi waa lagu soo eedayn karaa, waad la socoteen Illaa Trump, madaxweynaha Mareykanka, oo dacwadi ku socoto; laakiin inteed aragteen waddamada aynu canjilno iyadoo la dacwaynayo siyaasi ama saxafi; sababtu wax kale ma aha iyagu xil ma hayaan, maxaa lagu xagxagan ba, Siyaasiga mucaardika ah iyo saxafiga sahaqadoodu waa in ay dabagalaan ninka madaxda ah!! ka warran haddii Trump kuwan daba socda oo dhan halka ay immika isaga ka eryanayaan, haddii uu awoodo in  uu iyaga ku wada celiyo,oo iyaga xidhxidho, oo maxkamado soo wada taago. Ma aha malaa’ig; wuu samayn lahaa, laakiin systemka ayaa ka ilaalinaya in uu awoodda si xun u isticmaalo; bal eega, inta aynu isu jirno!!!! saw cirka iyo dhulka ma aha; hadda Dastuurkeenu waa kooda oo kale xagga xorriyada iyo dimuqraadiyadda!

Waxan uga gol leeyahay, kuwii lahaa 40 sano ayaanu marna u soo jabhadaynay, marna mucaarid u soo ahayn si ay Somaliland ugu noolaato xorriyad iyo nolol sharaf leh, oo ku dhisan sharci iyo dimuqraadiyad, bal eega maanta sida ay waddankooda u feenanayaan, dadkana u bahdilayaan; bal daya adkaysi la’aantooda iyo dulqaad yaraantooda; adduun jacaylkooda iyo sida aanay xalaal iyo xaaraan u kala jeclayn!

Iska ilaw Maraykan iyo waxaas; ma gaadhi karaan Mustafe Cagjar, M/eynaha Somali State, Ethiopia, oo wali ah dimuqraadiyad aan dhalan, sidkeedii se go’ay,  marka aad dhinacaa ka eegto?!!! Mise talaw, waxa aynu u soconaa xagga walaalaheen Djibouti, oo iyagu haysta wali nidaamkii kalitaliska ahaa ee ka dumay Ethiopia iyo kii Siyad Barre ee innagu aynu ridnay?!!

 

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.