Jigjiga iyo Hoggaamiyaha Cusub: Maxay Soomaalidu ka Filayaan? (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

  1. Arar

Marka hore hambalyo ayaan leeyahay madaxwaynaha cusub ee Somali State hore loogu yaqaannay DDSA iyo dadka Somaalida ah ee degan gudaha Itoobiya. Hambalyo kaddib, waxa uu Mustafe Cagjar ku soo beegmay waqti Somaalida Itoobiya ay u baahnayd hoggaamiye la jaanqaadi kara dunida casriga ah, iyo gadgaddoonkeeda kaas oo ku jaan go’an casriga aqoonta, xirfadda iyo fahanka dhigaalka soo jireenka ah. Dhowr khudbadood, qoraallo, iyo qorshayaashiisa ayaan si dhab ah u dheegtay , waxa ay dhammaantood igu kordhiyeen, in uu la jaanqaadi karo dunida. Waxa aan ka helay ama ka duulay in uu yahay hoggaamiyihii ku habboonaa bilowga badhaadhaha dadkaas Soomaaliyeed, taas oo caddayn u noqon karta ama inna tusaysa in uu yahay nin u bisil hoggaaminta maanta dadkaasu u harraaddanaayeen, kartidii dhallinyarannimo iyo aqoon ku dhisan hannaan caqliyaysan oo haddana hufan ayaa iiga baxday. Iyada, ayaa ka felcilanysa ama inna tusaysa in uu ka feejigan yahay taariikhdii hore iyo meelihii la gu halligmay guud ahaan Somaalida gaar ahaan Somaalida Itoobiya, Cagjar waxa u weeleeyay oo dhaxaly khibrad badan oo ku saabsan dhacdooyinkii tabnaa ee Somaalida halaagga dhexdhigay.

Daawasho badan iyo dhegeysi dhuuxmeer ah, durba waxa uu qaaday tallaabooyin farxadgaliyay Somaalida oo dhan oo meeleeyay hammigii laga filayay. Hab-hiraalkii ahaa in Somaalidu noqoto ul iyo diirkeed waxa meesha hore uga saaray hoggaamiyeyaal aargoosta iyo kuwo aan dhaafsiisnayn jabaq-celinta qabiilkiisa ku na dhisnayd sadbursi, boob iyo eex ma dhalays ah ee qaarkood halligtay ama iyaga oo ceeryaamo ku furantahay ka degay kursiga. Waa dood, tani, caan ah in layna ga helo, hoggaamiyeyaal abuura xanaf taariikheed kuna kicisa dareenka shacabkooda marka ay tahli waayaan in ay daboolaan baahida seedaha iyo xididdada innaga raacday ee leh dhankasta (caafimaad baa, waxbarashaa.…) kuwaas oo aan ugu yeedhi lahaa: “caarkood dhabayaal” hoggaamiyayaal ay ku jirto aqoon la’aan ka baxsan xuduudka hoggaaminta oo ku soo baxay nidaam qabali ah.

Eeggan degelkii Jigjiga waxa ka beryay waa cusub iyo mustaqbal ifaya oo kasoo bidhaamay badwayn ay ku xeeranyihiin cawaasiif iyo mawjado sida lakabyada beryo dhismayay. Madaxweyne dhankaasi waxa ay kuu tahay fursad aad uga faa’iidaysankarto in aad raaciso qorshayaashaada inta ay dadku xiisaha qabaan oo ka nasanayaan hagardaamadii hore.

Bogaadin ayaa kaaga sugnaatay dhawaaqa ka soo yeedhay ee ka baxsan in aanay dhacayn Aargoosigii, isdaba yaaacii iyo isku adeegsigii dawladda ee lagu galaaftay kummanaanka dad ah oo aad adigu na kamid ahayd dadkii dhibbanayaasha u ahaa falalkaas foosha xun.
Waxa aan rabaa in aan ku xasuusiyo xulashadaada labada ugu xiisaha badan waxa ay ahaayeen aqoon iyo dhalinyarannimo kana buuxdo khibrad caalami ah iyo mid gudaha ku salaysan oo aan ka filayo madaxwaynaha cusub inuu soo dhisayo dawlad ay ka muuqato labadii lagu doortay bilogwii xulashadiisa. Arartu yaanay ila fogaane, waxa aan mawdduucan ku eegaynaa sida maanta Somaalidu ugu baahi qabto meel ay ka helaan gabbaad nabadeed, mid dhaqaale iyo mid buuxinkarta dib u heshiisiin Somaaliyeed si’ay u helaan nabad waarta iyo Somaalinimo lagu wada naalloodo waddankasta hala kala joogee, waana fursadda u bannaan maanta madaxwayne Mustafe iyo reer Jigjiga ba in ay ku daraan qorshohooda cusub iyo hiraalka dhow ba.

  1. Taariikhda Siyaasadda dib u heshiisiinta Somaalida

Haddaan ku horreyno dhanka dib u heshiisiinta Somaaliya ka hor intaan u galin in ay Jigjiga dhexdhexaadin karto Somaalida aan yara dhugano doorkii Jabbuuti, Kiiniya iyo Itoobiyadii hore ay Somaalida ku soo yeesheen. 2dii, May, 2000 – Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka Jabbuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in ka badan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah, waxaa na madxwayne loo doortay Cabdiqasim Salaad Xasan, halka raiisal-wasaare loo doortay Prof. Galayr, 13kii, Ogos, 2000. Waxaa dhidibbada loo taagey dawladdii kumeelgaarka ahayd, dawladdaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladdaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra’iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.
Oct 15, 2002 – Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kiiniya. Sept 15, 2003 – Waxaa lagu heshiiyey axdiga ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawladda la dhisayo ay codbixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sannadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladdii hore ee ku meel gaarka ahayd. Dawladdan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah). Aug 2004kii – Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kiiniya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.
January 30, 2009kii: Kulan ay xubnaha Baarlamaanka DFKMG ku yeesheen Jabbuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif Sheikh Axmed. Halka dawladdiisii ay soo mareen raiisal wasaarayaal badan.

July 15, 2007dii- shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee muddada labada jeer ahayd dib loo soo dhigay qabashadiisa ayaa ka qabsoomay Muqdisho. Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin tiro badan oo metelayay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa wuxuu ka furmay xaruntii Gaadiidka Booliska (GB) Soomaaliyeed oo in muddo ah uu dayactir ka socday, iyada oo sidoo kale na ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka socday dalalka Kiiniya, Itoobiya iyo Yugaandha iyo weliba Wakiillo ka socday ururrada Midowga Afrika (MA), Jaamacadda Carabta (JC) iyo IGAD.
Haddaba, dhammaan dedaalladaas waxaa hormuud ka ahaa Jabbuuti oo markasta u halgamaysay sidii ay Somaaliya u heli lahayd dawlad adag. Sidoo kalem waxa ay dhawr jeer dhexdhexaadisay Somaalilaan iyo dawaladda Federaalka ah, iyagu na waxaan ka madhnayn Kiiniya, Itoobiya iyo beesha caalamka qaarkood.

  1. Jigjiga waa in ay fidiso gogol nabadeed oo u dhaxaysa qabiillada Somaalida

Haddaba, doorasahda hogaamiyaha Somali State ee ay Jigjiga magaalo madaxda u tahay, waxa ay maammushaa dhul ballaadhan iyo dad badan oo Somaali ah, taasi waxa ay qayb laxaad leh ka qaadan-kartaa in ay dib u heshiisiin dhab ah dhexdhigto Somaalida isku haysa gudaha Somaaliya iyo kuwa isku dilaya meelo ka tirsan Somaaliya. Waa na meel ay dhammaan qabiillada Somaalidu wada degganyihiin, badankoodu na weli ba ku leeyihiin deegaan ballaadhan (Dir, Daarood, Hawiye, Raxanwaayn iyo Beelaha kale ee Soomaliyeed ba). Sidoo kale waxa ay dhammaan ku lee yihiin madax dhaqameedyo tiro badan oo ka duwan kuwa deggan gudaha Somaalida kale marka la ga eego ka fogaanshiyaha kala qaaybsanaanta dhanka qabaliga iyo ku milnaanta siyaasadda. Waxa madaxwaynaha cusub la gudboon in uu hirgaliyo dawlad dhab ah oo ka dhalata Somaaliya meesha na ka saari karta colaadda u dhaxaysa qabiillada Somaaliyeed, taas oo ku imanaysa in kulan ballaadhan marka hore loo qabto golaha dhaqanka oo kali ah, maaddaama colaadda Somaalidu ay kasoo bilaabantay xilligii xoolo dhaqatada iyo degaanshiyaha miyiga taas oo badankeeda ay hoggaamin jireen oday dhaqameedyo, markii dambe na u soo gudubtay dhanka dawaldnimada. 1960kii markii xorriyada la qaatay, aafadii qabiilku waxa ay saameysay hannaankii dawladnimada oo keentay colaado hubaysan oo ballaadhan kana baxsan warankii iyo qaansadii isuna beddelay xabbad iyo gumaad ballaadhan oo baahsan.
Colaaddaas waartay ilaa maanta oo yeelatay noocyo badan, waa mid maanta gogosheeda la dhigi karo magaalada Jigjiga hab nabadeed waara na lagaga gaaadhi karo. Madaxweynaha cusub (Mustafe) waxa u dheer Somaalinimada in uu yahay hoggaamiye aad u kala yaqaanna dhanka Somaalida iyo sida ay u kala yaallaan ama u kala degaan, waa nin muddo ka soo shaqeeyay arrimaha bini-aadannimada oo dhexdhexaad ka ahaa xaalka Somaalida, taasi waaxa ay kalsooni buuxda ku abuuri kartaa dadka Somaalidu in aanay u arkin qabiil gaar ah una arkaan mutaawadac ka shaqeynaya Somaalinimada. Marka hore waa guul, marka xigta na waxa ay bogaadin u tahay i Jigjiga oo isaga hantiday. Isbedelkeeda ay maanta noqonkarto halka si togan loo ga hagi karo siyaasadda Somaalida ee hadba meel isku qaadaysa.

Markaad dhugato habbaka qabaliga ah ee taban kana jira gudaha Somaalida, waxa muhiim u ah in la sameeyo shir dib-u-heshisiin dhab ah oo ka dhaca Jigjiga kaasoo soconaya muddo bil ah looga na baahanyahay dulqaadasho, xag dhaqaale iyo bulsho ba, waa na in cidkasta iyo qofkasta guntaha iyo lugaha la qabsado iyada oo aan dhaliil iyo eedayn laga waayi doonin, balse loo istaago in Somaalidu mar kali ah heshiiso oo dhallinta Somaaliyeed ee maanta nool ay arkaan Somaali walaalo ah, kana duwan Soomaalidii midba midka kale dhiibayay keeda daganna dooxaysay. Fursadda caynkaas ah aniga iyo dadkale oo badan oo iskood kalinnimo guuxaya ayaa ay maanta noo furantahay, in aan ka hadalno, laakiin waa fursadda u bannaan maanta madaxweyne Musatfe, madaama uu hayo kartidii, awooddii, goobtii, dadkii, iyo daawladdii ba.
Madaxwaynaha Mustafe, waa inuu badheedh cad la yimaadaa dusha na uu saartaa sidii uu u dabooli lahaa kharashaadka ku baxaya shirka ugu ballaadhan ee dib u heshiisiinta Somaalida isaga oo kaashanaya beesha caalamka, laakiin waa in aay dadkani noqdaan kuwa dhabta ah ee wax dhexyaallan iyo dadka go’aanku ka go’o, qabiillada na laga wada casumo dadka hoggaanka ku suntan ee maanta ugu ixtiraamka badan, isaga oo Mustafe u sii dhexmari kara dhaqanka metela maanta gudaha Itoobiya dadka ku nool.

Hiraalka shirkan aan aaminsanahay waxa kamid ah in culayska la saaro Somaalida dhanka oday dhaqameedyada, meesha na laga saaro siyaasiyiinta laga na soo buuxiyo aqooyahanka Somaaliyeed iyo waxgradka, si’aanay u dhicin guuldarradii hore ugu dhacay shirarkii dib u heshiisiinta.
Waxa ay tani kuwii hore ka ga duwantahay nidaamka nabadaynta dhaqanka iyo qabiillada Somaalida, in hore loogu qabtay meelo Somaalida ka baxsan, tani maaha siyaasad, maaha faragalin laakiin waa hannaan taabanaya dadka tabaalaysan ee colaaduhu galaafteen, kan meelkale jooga iyo Musatafaha madaxwaynaha ah si isku mid ah oo Somaalinnimo ah ayaa loogu baahi qabaa Somaali walaalo ah.

Dhanka kale waxa uu hoggaamiyaha cusubi muujiyay in ay habboontahay in nolosha aanay jirin kala aargoosasho, taasi waxa ay keeni kartaa in Somaaliya casharkaas is-cafiska loo soo gudbiyo oo la tuso sida ay noloshu isku beddeli karto. Colaadda waa in loo beddeli karo fursad nololeed, caqabadaha waaweyn ee ilaa maanta Somaaliya isku daba socota na waxa ay tahay reer hebel ayaa reer hebel beri hore ku duulay, kana bilaabantay aargoosi, dhulboob, xatooyo dhexmartay xoolo dhaqato iyo habab colaadeed oo af-ku-xoogle abaabulay. Waaagan beryay ee hadda uun cadceedu bidh soo tiri, waa in uu hoggaamiyaha cusub ee reer Jigjiga Mustafe uu yahay hoggaamiye isagu cafiyay dhibaatadii qoyskiisa uu ahaa dhibbane keentay dhacdo caan ah oo Somaalidu wadajir u ogtahay. Arrinka illowga dhibaatada iyo cafiska inta badan ka dhacda gudaha Somaalida iyo qaaradda Afrika ba, waa waxa hoggaamiye dhif ahi ka shaqeeyo intiisa badan iyo dabciga hoggaamiyaha wanaagsan, sidii cafiska loo bari lahaa qabiillada Somaalida iyo dhanka siyaasitiinta iyadu na dugsi cusub ayay u baahantahay in laga furo Jigjiga.

Aniga oo dhalinyaro ah iyo malaayiin dhalinyaro Somaali ah, caaddifadda iyo aargoosigu wa hagardaamo buuxin kara qalbiyadii aannu ku maali lahayn wannaagga nolosha iyo farxadda filashada aannu qabno oo ay ku shubeen siyaasiyiinta Somaalida ee deegaan kasta joogta iyo dalkasta, inkasta oo ay jiraan in ay dadyowga Somaalida qaarkood ku dhaceen dhacdooyin adag oo ka garaabis leh, laakiin in kale oo xanuun ba’an haysato ayaa jira. Waxaan sidoo kale kula talinlahaa madaxwaynaha cusub inta badan in uu noqdo hoggaamiye casuma siyaasiyiinta Somaalida ee ku legdamaya gudaha Somaaliya kuwaas oo runtii u baahan in ay ku daydaan hab maamuuska iyo xikmadda aad qaadatay ee ah isku tanaasulka iyo in nidaamka daawladnimada cusub ee aad shalay iyo maalmahan ba aad kaga dhawaaqday gudadaha waddankaaga! Waa cashar wanaagsan oo maanta ka hirgali kara gudaha Somaalida iyo in la helo dawladnimo isla xisaabtan ku dhisan. Inkasta oo rajadii Somaalida qaar-badan la filayo.

Maqnaaanshiyaha cid isku ururisa Somaalida kala baylahday, kala yaacday midba meel gaar ah bahal ku qaniinay ee gacmaha u gashay wixii laga xishoon jiray waa sababta aan kaaga filayo in aad dareento goldaloolooyinkaas loogu na rogo khibrad iyo fursad muhiim ah. Weedhan ayaa ah tan markii ugu horrayay aan maahmaadan ka maqlo Cabdiqaasim Salaad Xasan, lama dhegaysan malaha, isagu na ma dhugan, laakiin maanta adiga ayay barbarkaaga weheshanaysaa “Cid na uma maqna, ceel na uma qodna”. Hab maamuuska dawladnimo iyo qodobadii sagaalka ahaa ee aad ka horsheegtay gudaha baralmaanka waxa ay ahayd duulimaad cusub iyo dhuldhig lagu abuuri karo barwaaqo dadka Somaalida ah ee aad maamulayso, laakiin dhanka gudaha dalka Somaalida waxa halkaas cashar ugu jiraa in ay wajahaan nidaam dhallinyaranimo iyo nidaam aqoomeed labada ba, adigu na in aad kala shaqayso dhallinta hankaasi ku jiro waa mid aad waxbadan ka qabankarto, waa na dareemayaa in aad fahansantahay haddaanad hagran.

  1. Saldhigga Dhaqaalaha Ummadda Somaalida
    Somaalidu waxa ay dhaqaalahoodi intoodii badnayd ku aamineen Nayroobi iyo Jabbuuti, laakiin waddanaka kali ah ee dhammaan qabiillada Somaalida xuduud la leh waa Itoobiya gaar ahaan Somali State, taasi waxa ay dhammaan Somaalidu dhaqaalahooda ku kaydsan lahaayeen bangiyada JigJiga, dhanka kale waxa ay samayn lahaayeen ganacsi ballaadhan oo leh macaamiil xooggan iyo dhaqdhaqaaq togan oo dhanka raasamaalka waxkatari kara, sidoo kale keeni kara faa’iido ballaadhan, maaddaama waddamada kale ee jaarka ahi ay ka dad badantahay Itoobiya iyo jigjiga, marka la abuuro saldhiggaas dhaqaale waxa ay keenaysaa in ay u guuraan Jigjiga kana samaaystaan ganacsi xor ah oo markii hore aan muuqan ama ka jirin gudaha Jigjiga.
    Waxa dhaqaalaha Somaalidu ay ku soo kordhinkaraan in ay helaan daymo caalami ah oo laga dhex-sameeyo gudaha Itoobiya gaar ahaan gobolada Somaalida ama dhaqaale u soo tallaaba dhanka waddamada jaarka ah. “Dhiisha faqriga waa in la tuuraa”
    Nasiib-darro se, maanta Somaalida badankoodu waa ay ka cabsadaan Jigjiga, ciyaalka na waa lagu seexin jiray intii ka horraysay ee hoggaanka u haysay. Maanta rajo ayaa bidhaantay oo aad sahacisay taas oo ah xorriyad dhaqaale iyo mid hadal ba, labadaasi na waa labada dadka Somaalidu ugu jecelyihiin. Iftiin baa baxay, Somaaliyeey!
  2. Ka qaybqaadashada dhanka Amniga Soomaaliya

Sheekada ku saabsan amnniga waxa ay ahayd shaqo la qabto tii ugu dhibka badnayd ee aan haddana lagu guulaysannin. Dawladda Jigjiga waxa ay si toos ah oo taageero nabadeed, mid qalabayn iyo mid sirdoon ka taageeri kartaa daawladda Somaaliya iyo dadka Somaalida ah in ay ka wada hadlaan hadday jiraan in meelaha qaarkood laysku adeegsado. Lana dhexgalo hadday jiran jabahdo siyaasiyiin in dad colaadi ka dhexeeyso si loo helo nabad waarta, maadaaama hoggaamiyaha cusub xogogaal u yahay waxa uu amni darradu baday Soomaalida. Waxaa iyana maangal ah in la dhiso ciidamo Somaaliyeed oo ku tabobarta dhankaas iyo ismaamulka Somaalida, waxaa na laga ururinkara qabiillada Somaalida si isku mid ah, sidoo kale waxa la soo galinkaraa Somaaliya ciidamo ka socda Somali State, laakiin Somaali ah kuwaas oo aan xasaasiyad badan ka qabin Somaalida kale ee gudaha Somaaliya deggen.
5. Xallinta khilaafka xubnaha sare ee dowladaha Somaalida
Jigjiga waxa ay noqonkartaa meel lagu xalliyo khilaafka madaxda Somaalida ee inta badan caadada ay u tahay in ay isku khilaafaan habka saamiga siyaasadda iyo qaybsiga awoodda siyaasadda, taasoo inta badan Addisababa, Nayroobi iyo Kambaala ay hagarbayda kaga cunaan Qaramada midoobay (QM) maaddaama ay nidaam qabali ah iskaga horyimaaddaan inta badan, hoggaamiyaha cusub iyo Somaalida Jigjiga hadday isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa walaalahood waxa ay keeni kartaa guul waarta iyo cawro qarsoonta.

  1. Kobcinta iyo dhsimaha dib u soo celinta qalinka, qoraalka iyo Suugaanta

Maanta suugaantii Somaalidu waa kala baylahday, waa ay kala luntay oo badanka dadkii hoggaamin jiray hal-abuurka Somaalida waxa ay ku dhaceen god madow, qaar kale na xanuun ayaa ay la jiifaan halka inkale na oo ka niyad jabtay. Dawladdii daryeeli lahayd marka ay bannaan noqotay waxa beddelay madhax xummi ah in ay luntay maanta suugaantii qoraal ahaan iyo ku hadal ahaanba, waxa loo baahanyahay meel dib looga yagleelo afkii hodonka ahaa, lagu na dhiirrigaliyo in la sameeyo bandhigyo, tartan iyo kayd qoraal oo lagu kaydsho madxafyo waaweyn iyada, oo la dhammaystiray qaamuuskii Somaaliyeed. Maanta baahidaas in la daboolo qof kaa ga dhow ma jirto. Waxaan u malaynayaa in Jigjiga noqonkarto hogya fanka Somaaliyeed.

  1. Isbarbardhigga Fidinta shir nabadeed iyo shirarkii hore ee Somaalida
  • Shirkii Carta waxaa loo soo qaban qaabiyay qaab taariikhi ah oo markaas ku cusub taariikhda Soomaalida. Tusaale ahaan, haddii aynu soo qaadanno qaabka wax loogu qaybiyay beelaha Soomaaliyeed, waxaa laga dhigay 4.5 ( afar beelood iyo badh ) iyada oo aynnu oran karno kii ka socday Imbigaati (Mbagathi) isna qaabkii mid la mid ah ayaa la mariyay. Haddii Jigjiga lagu qabto waxa meesha laga saarayaa in ay Somaalidu kala tiro badantahay, kala dil badantahay waxaa na laga dhigaya 5 beelood oo walaalo ah, iyo Jigjiga oo ay dhamaantood ku leeyihiin dhul deegaan ah maddaama dadka Somaalidu ay wada degaan dhulka Itoobiya ee Somaalida.
    • Dadkii ka soo qaybgalay shirkii carta ayaa iyagu waxa ay u badnaayeen dad siyaasiyiin, aqoonyahaniniin ah hoggaamiye dhaqameed (isimmo) waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn fannaaniinta oo iayagu na la oran karo waxa ay ka qaateen qayb libaax. Waxaa dhammaantood ka go’nayd in ay dowladda wax-ku-ool ah waddanka loo helo, marka aad fiiriso dhinaca khilaafka shirkii Carta waa ka khilaaf yaraa kan hadda ka socda Kiiniya, iyada oo markaas wax kasta ku dhamaadeen is fahan. Jigjiga labo shir ayaa loo kala jebinaya maddaama ay Somaaliya maanta leedahay dawlad, qaybta koowaad dadka dhaqanka oo kali ah ayaa la casumayaa si’aay qabiillada Somaalidu u heshiinayaan dan la’aan, kaddib na qaybta labaad waxa lagu xejinayaa siyaasiyiintii oo iskood danahooda uga heshiinaya.
  1. Gebo-gebo.

Waxaan u soo jeedinaya dawladda cusub iyo dhammaan dadwaynaha reer Somali State ee magaalo madaxda u tahay Jigjiga, kuwii ka soo baxa mas’uuliyadda, waxaana Ilaah ka rajaynaynaynaa in hoggaamiyaha cusubi tubta saalixa lugta saaro, si daacad ah iyo walaaltinimo iyo midnimadii Soomaaliya oo soo noqota oo Jigjiga ay hormuud ahaato isbeddelkaas.

Ugu dambayn, Jigjiga waxa ay noqonkartaa meel lagu nasto, Somaalidu ku nabad hesho, ganacsatgo badan iyo siyaasiyiin badan oo Somaaliyeed ay aamminaan iyagu na ixtiraamaan shuruucda iyo qawaaniin lagu abuurayo horuamrka iyo daawladnimada, taasoo ka duwanaan kartaa nidaamkii cabsida ee hore dadkeedu iyo dadka Somaalidu ka qabeen sannadihii ugu dambeeyay. Gaar ahaan waxaan rajaynayaa madaxweyne, haddii aad nidaam ahaan iyo dawlad ahaan ba xoojiso in ay noqonkarto meel lagaga nasto waddamada kale iyo caasimadaha intooda badan ka fog Somaalida badankooda masaafo iyo fikir hahaanba. Waxa aan dareemayaa niyadsan ee maanta kumannaan Somaali ka haystaan kaddib markii xukunka laguu dhiibay, taas bedelkeeda madaxwayne aad noogu rogto mid horumar iyo nabadgelyo ugu beddeli doonta Somaalida kale. Hadhac qabow ayaa kasoo baxay Jigjiga, holac ayaa dhanka kale kaga imanayay oo qaar ka mid ah dhulka Somaalidu degto, laakiin maanta Somaalida meelo badan ayaa soo hagaagaya, waxa bannaan fursaddaha iyo rajooyinka laga qabo inaad xanaf-tiri-kartaan boogahaas haddii aad dhexda u xidhataan.

Talo ahaan waxaan kuu soo jeedinayaa, fursadaasi inaanay maanta ka hallaabin oo aadan beri qoomamayn, waa in aad isu dhigtaa oday Somaaliyeed, siyaasi Somaaliyeed, hoggaamiye iyo nabaddoon dadka ka wada dhexeeeya oo aniga oo ka imi dhanka ugu xigta Somaalida Yemen aan ku soo hirto Jigjiga. Xogta, xeeladda, xikmadda iyo kartida dhallinyarannimo waxa aan filayaa in ay Soomaali oo dhan uga faa’iidaysankarto oo hankaagu uu noqdo Somaalinnimo sidaad ka dhawaajisay maalmo dhowayd.
Guul iyo gobonnimo ayaan Rabbi kuu tuugayaa. Farcad ayaa ii taagan!!!
Wabilaahi towfiiq

WQ: Xasan Cabdi Shire