Jigjiga waxaan ku arkey (WQ: Xasan Ciise Raage)

 

Magaalada Jigjiga oo aan in ku dhaw 11 sano ka maqnaa, taasi oo ay suura gali waydey duruufihii ku xeernaa awgeed in aad tago oo aan soo arko ama soo salaamo qaraabada Asxaabta iyo ehelka kale ee halkaas ku nool, Ilaahay mahadii waxaa maalin dhaweyd ii suura gashay in aan tago aniga oo xor ah oo aan Alle mooye cid kale ka baqeyn.

Mudadaas aan ka maqnaa Jigjiga iyo agagaarkeeda waxaa iska badaley waxa badan oo xaga wanaaga ama horumarka ah iyo kuwo taban oo ah mosiibooyin ku habsadey dadka iyo deegaankaba ah, hadii aan xaga togan ku hor maro waxaa jira inkasta oo waxa badan oo aan wacneyn laga sheegi karo waxaa ugu muhiimsan in la dhisey jidad laami ah, guryo dhaadheer oo badan ha u badnaadaan kuwo ay dawladu leedahay walow ay jiraan kuwo kale oo dad rayid ahi dhisteen, waxaa kale oo muuqdey macaahid, iskuulo iyo jaamacada jigjiga oo ka mid ah xarumaha laga akhrisan karo horumarka ka hanaqaadey deegaanka.

Balse dhinaca kale marka aad u kuur gasho ee aad si dhexdhexaadnimo ah u wareysato dad kala duwan waxaa kuu soo baxa hooga iyo halaaga soo marey Bani’aadamka Soomaaliga ah ee ku dhaqan dhulkaas oo ka saameeyey dhinacyo kala duwan.

Waxaa ka mid ah dhibaatooyinka dhacey  iyada oo aan la soo koobi karin qaar ka mid ah uun hadaan ku koobsado:

  1. Dil loo geystey dad ilaa hada aan tiradooda la xadidin kuwaas oo badankooda lagu laayey si ka baxsan dhamaan xeerarka caalamka iyada oo magacyo kala duwan la adeegsanayo.
  2. Maxbuus kastaa waxaa lagu eedeeyey ma yaqaano laakiin sakaariisha iyo ciidanka haysta waxaa u cad waxa ay ku eedeynayaan qofkan, waxaaney iska abuuranayaan wax aanu haduu doono qofkani garaneyn oo looga dhigaayey danbi.
  3. Kusfi loo gaysto dumarka kuwaas oo badankooda eeda lagu haystaa tahay in ay qaraabo la yihiin qof la tuhmey, waa markii iigu horeysay taariikhda Soomaalida ee aan maqlo dumar xabsi lagu dhax kufsanayo, una maleyn maayo in danbigaasi ka dhacey Itoobiya inteeda kale.
  4. Eedaha ama danbiyada marar aan ku qosley mararna aan ka murugoodey waxa aka mid ahaa kan maxaa lagu soo xidhay tusaale ahaan la waydiiyo dabadeena askarigii ku jawaabo Face book ayuu niyeysnaa in uu wax ku qoro, hada ogow waxba ma qorin ee wuu niyeysnaa, bal adu waligaa ma maqashay qof loo haysto wax aynan sheegi Karin in uu niyadiisa ku hayo iyo in kale.
  5. Waxaa la dumiyey qofka bani Aadamka ah sharaftiisii iyo karaamadiisii, taasi waxa ay keentey in qof walba u ekaado ama iska dhigo waxa aanu noqdeen si uu lafihiisa u badbaadiyo.
  6. Lama odhan kareyn meeshaas waxaa ka jirey sharci ama xeer dad lagu xukumo waxaa ka jirey kii xoog badan uun baa wuxuu doona sameeya ama xeerka kaymaha ayaa ka jiray meesha.
  7. Intii aan Jigjiga joogey waxaan waayey qof yidhaahda waxba ima soo gaadhin cid kasta wax uun baa si u soo gaadhey oo uu tabanaayey.
  8. Sheekooyinka qaar markii aan aad u dhuxey waxaan ka geyn waayey ciqaabta dadka ay ku sameynayeen in ay ka soo dheegteen tii uu Fircoon ku sameyn jirey maxaabiista ee Ilaahay suuratul Fajri ku sheegey ee ahayd (وفرعون ذي الأوتاد) kaas oo dadka qotimo dhulka ugu taagi jirey dabadeena sida haraga ama maqaarka qofka u dhisi jirey..
  9. Way dhici kartaa in waxa la cafiyo ama la saamaxo laakiin marka hore badanaa dadku waxa ay isku waafaqsan yihiin in danbiilayaashii la soo taago sharciga hortiisa halkaasna ay ka qirtaan wixii ay geysteen markaas ka dib ayaa laga fikiri karaa maxaa ku haboon oo lagu xukumaa mise waa la cafiyaa.
  10. Waxaa kale oo iyaduna mudo dheer qaadan doonta hantida iyo dhulka tirade badan ee sida xeerka baal marsan lagu bixiyey ee dad gaar ah loo siiyey kuwana toodii laga dhacey waxaaney qaadan doontaa mudo dheer sidii waxyaabahaas loo soo celin lahaa.
  11. Magaaladaas quruxda badan ee Jigjiga ee si guud markaad u eegto bilicda san waxaan ka waayey guri ay Qasab biyo ah ku jiro, waxaana magaalada u dhaaminaayey dameero, booyado iyo jeeri kaano lagaga dhaansado meelo Kiyoosyo ah.

Xasan Ciise- Suxufi Qoraa- Jigjiga