Joogitaankaygii Jabuuti (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Muddo ku siman 14 cisho ayaan hawlo ii gaar ah u tegay dalka Jabuuti oo ay muddo hore iigu dambaysay. Cabbaaro 4:00 galabnnimo ayey diyaaradda AIR JABOUT caga dhigtay garoonka caalamiga ah ee Jabuuti. Fiisayn baasaaboor oo waxooga safaf gaagaab loo galay ayaanu gudaha madaarka kala kulnay. Madaarka waxa naga qaaday baabuurta tagaasida ka shaqaysa oo lagu garto rinji cagaar ah inay xagga hoose iyo xagga sareba ku leeyihiin. Waar imisaad nagu geyn meel hableeyo, iyo laba kun oo faran (Faran waa lacagta Jabuuti) iyo waayahe ee ina dhaqaaji ayaanu isku afgaranay. Waddooyin aad looga shaqeeyey oo aan ahayn kuwii hore aan ugu ogaa ayuu tagsigu nala maray.

Dirawalku jaad ayuu taqsiisan yahay, waxaana u shidan mid ka mid ah heesan dambe ee muusigu dhawaaqa dheer yahay. Isaga oo afkii reer Jabuuti ku hadlaya ayuu si degan noogu yidhi “ yaakh ma Hargaysa ayaad ka timaadeen” iyo haa ayaanu ugu af-celinay. Wuxuu u muuqday nin dantiisa wata, oo aan cidna dan ka lahayn. Nin ila socday ayaa sidii reer Hargaysa lagu yaqaannay ilaaqay oo ku yidhi “ Jabuuti ka warran”, markaasuu ugu jawaabay, “ koley idinka waanu idin dhaanaa”. Waxaanu ku qosolay siduu ninka isaga waabiyey.  Waxaanu su’aalaynay dhisme qurxoon oo u dhaw madaarka cida leh. Wuxuu  noogu jawaabay” dadka lacaglayda ah ayaa leh”. Haddana wuxuu noo raaciyey, idinka indhihiinu hareeraha ayey eegaan. Annagana hortayada. Sharraxaad ayaanu ka dalbanay.

Wuxuu nagu qanciyey oo uu yidhi” waa xagga tarbiyada iyo deegaanka. Waayo idinka dagaallada tooska ah iyo gacan-hadalka ayaa idinku badan. Sidaasi darteed ayaad hareeraha u eegtaan. Anaga kuwaasi way naga dheer yihiin oo hortyada ayaanu eegnaa”. Hadda ma qanacdeen ayuu noo raaciyey. Markaasuu nidhi maya ee racfaan ayaanu ka qaadanay. Markii hawlihii aan u socday ay ii dhammaadeen ayaan goobo badan booqday si aan u ogaado xaalada dhabta ah ee deegaanka ka jirta. Dhawr arrimood ayaa iiga soo baxay oo aan ka xusi karo:

= Kala duwaanshaha Af-guriga Hargaysa iyo Jabuuti: baska Jabuuti joog lama yidhaa ee OOB, OOB ayaa la yidhaa. Lacagta ugu badan ee la isticmaalaa waa lacagta birta ah ama qadaadiic. Kirishboyga basku wuxuu gacmihiisa kaga shanqadhinayaa qadaadiicdii oo aan moodaysid inuu jiingad garaacayo. Shayga ay la yaabaan waxa ay yidhaahaan HEEY, HEEY. Waaryaa lama yidhaa ee WAARAA ayaa la yidhaahdaa.

= Bulshadu waa ilbax oo malahayga waa dadkan kala duwan ee ama dadka kula dhaqan ama shisheeyahan la jooga. Aad la isumagu fiirsado, hadalka inta nuxurka ah ayaa laga raacaa, buuq badan arkaymaysid, muranku wuu yar yahay. Qofkii hadal bata dantaad ka raac oo wixii kuu darran sheego hadal la micna ah ayaa lagula doodaa.

= Sida Hargaysa oo kale boolisku qoryaha lama dhexmaraan suuqyada iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaado. Waxa goobaha suuqayda lagu arkaa waxoogaa boolis ah iyo ciidanka Jandaramaariga oo la iigu sheegay inay yihiin boolis sida milatariga u tababaran. Labadan ciidan waxa keliya oo ay sitaan waa bastooloda keliya.

= Dadku sharciga ayey u hoggaasamaan oo arkimaysid gaadhi intuu taraafiga iska eego ishaarada waddooyinka iska dhaafaya. Waxa jirta kamarad ku dul rakiban ishaarada oo haddii uu dhaafo sawiraysa, taasina ganaax culus ayaa ka dhalanaya. Sheekooyinka basaska dhexdiisa ka socdaa waa kuwa u badan arrimo bulsho, oo ku salaysan dood wadaaga la is-dhagaysanayo. Sideenna siyaasad iyo cay uma badna.

= Internet-ka shirkad keliya ayaa maamusha (Jabuuti Telecom). Sidaasi daraadeed dadku waxa ay aad ugu xidhan yihiin dhegaysiga idaacadaha VOA iyo BBC laaamaha af-soomaaliga. Habeenkii intii haystaa waxa ay daawataan Tilifiishanka Jabuuti oo ay yidhaahaan TELEE.

= Waxa aan dhawr cisho fadhiistay goobta ay ka soo baxaan gawaadhida Hargaysa timaadaa. Waxa goobtan isugu yimaada reer Soomaalilaan oo dhan oo kaftankooda ayaad marmar moodaysa inaad Soomaalilaan joogtid. Wararka siyaasadda Soomaalilaan ayaa aad loogu faaqidaa oo wararkii ugu dambeeyey lagaga doodaa. Nin kasta oo reer Awadal ah madaxweyne ku xigeen ayey ugu yeedhi jireen. Nin kasta oo beesha madaxweynaha ahna madaxweyne ayey yeedhi jireen, sidoo kalena ninka ka soo jeeda beelaha xisbiyada mucaaradkana, waxa ay yeedhi jireen waar mucaarad.

= Shimiraha waxa aad ugu badan Tukaha oo lagu yaqaanno inuu joogo xeebaha badda cas. Hadh iyo habeen ayuu qaaqdaa kaa kor haynayaa. Waxoogaa aan badnayn oo shimiraha qooleyda ayaa joogay iyana. Tukuhu waa kan ugu foojigan shimiraha. Goob aanu shaah ku cabbaynay ayuu dagaal koobani dhexmaray tuke iyo bisad. Dagaalka ayaa salka ku hayey hilib ay bisadu cunaysay oo tukuhu uu damcay inuu ka qaado. Ka dib intuu soo duulay tukihii ayuu bisadii dabada ka qaniinay. Bisadii ayaa qayliday oo xagga dambe u soo jeesatay. Intuu deg deg u duulay, ayuu mid kale u dhawaa markiiba hilibkii la booday oo uu geed la fuulay. Iska daa inay bisadu cuntee hilibkeeda ayuu si xeeladaysan uga qaadaa.

= Dugsiyada dawladdu maamusho ayaa xooggan oo arkaymaysid dugsi gaar loo leeyahay oo ka sarreeya kuwa dawladda. Wakhtiyada waxbarashadu wuu ka badan yahay kan Soomaalilaan. Ardayda dugsiyada sare labada gelinba wax bay dhigtaan. Tusaale ardaygu aroortii inuu dugsiga tago, ayuu 12:00 duhurnnimo imanayaa. Haddana wuxuu dib u noqonayaa 2:00 gelinka dambe ilaa 6:00 ayuu wax dhiganayaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com