Joojinta bacaha waxa ka muhiimsan in dalka laga joojiyo qaadka iyo sigaarka (W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Waxa aynu wada  ognahay  in dalka laga istimaalo mukhaadaraad fara badan oo uu ka mid yahay qaadka sigaarka iyo qaar kale.

Mukhaadaraadkan ayaanay wali wax ka qaban dawladdihii dalka soo maray ilaa dawladdii Siyaad Barre ka dib.  Waxaynu ognahay dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshadeena iyo sigaarkuba, hadayt ahaydhaqaale, caafimaad iyo qoysba, sidaa darteed waxa ka muhiimsan  joojinta bacaha in la joojiyo qaadka iyo sigaar oo aynu ognahay khatarta uubulshadeena ku hayo, kuwaas  oo dhamaantood ay dawladdu ay cashuur ka qaadato.

Taa macnaheedu waxa weeyi inay dawladdu iska indho tirayso dhibaatada uu bulshada ku hayo mukhaadaraadka ku habsatay bulshadeena ee halista ah.  Waxa aanu ka hadlaynaa maaha inaanu ka soo horjeedno joojinta bacaha, laakiin waxa  haboon in la keeno  badalkii bacaha, sababtoo ah bulshdeenu waxay u badan tahay danyar.

Sidoo kale sida aynu wada ognahay waxay ku adeegtaan bacaha oo ay waxa ku shubtaan ama ay waxa ku qaataan. Hadaba waxaanu u soo jeedinaynaa dawladda  in bacaha laga joojiyo dekeda, badalkeediina ay dawladdu keento ama ganacsatadu oo ay u soo bandhigto wixii ku haboon ee aan deegaakeena waxba yeelayn.

Waddankeena waxa ka jira si aynu wada ognhay duruufo dhaale  xumo oo aanay dadku awoodi karin inay iska bixiyaan  ganaax.  Waxaanu  u soo jeedinaynaa dawladda gaar ahaan wasaaradda Deegaanka in ay bulshada hoos u eegto.

W.Q Cabdiraxmaan Aadan  Maxamuud