(Aad uuga fiirsada talaaba kasta oo SIYAASI AH oo aad qaadaysaan)
a) DHINACA SIYAASADA.
* Somalidu 1960 kii ayay isu soo hilowday ( waxa tilmaan mudan dadka reer Somaliland in ay ahaayeen kuwa aadka uugu heelanaa midawga somalida), halkaa oo labadii gobol e u horreeyay, dawalad samaysteen.
Dawladaasi looma samayn qaab cadaaladeed, oo laba dawladood oo midoobay ah. Waxa ka sheekeeya MW M.X.I.Cigaal ahun( wuu duubanyahay warkaasi) suugaan badan oo ka waramaysa arinkaa ayay abwaano reer Somaliland ihi ka tiriyeen, waayeelkii goob jooga ahaana wali dad ayaa nool.
Waxyaalaha burburka keenay waxa KOW ka ahaa QABYAALAD iyo SADBURSI. Waxana ay taasi dhashay maamul xumo, musuqmaasuq, cadaalad darro.
( Waxyaalaha iyana burburka qayb ka ahaa, 30 kaa sano, waxaa ka mid ahaa, in aanay caddayn, cidda 2 dii dal ee midoobay jinsiyad ( nationality) xaq u leh. Waxa uu dalkii 2da gobol ahaa noqday mid hoy u ah cid kasta oo afsoomali ku hadasha. Dadkaas oo mararka qaar ka xuquuq badnaa, dadkii 2da dal e midoobay u dhashay)
* Maamulkii Siyaad Barrana QABYAALADAA, ayuu ku dhaqmay, inkasta oo uu horraantii doonay in uu qariyo wajiga qabyaalada ee qaawan.
* Waxa taasi ka dhashay, dagaal lagu riiqday, burbur, xasuuq, iyo barakac.
Waxa xigay in, deegaankii SOMALILAND/SOMALIA isbadal ku yimaad.
*Qabyaaladii 1960kii ay qolooyinkii xukunka hayay ku dhaqmeen , oo somali 30 kaa sanadood ee dawladahaasi jireen, dhaqan u noqday, ayaa maanta deegaanada somalida GOOB KASTA KA HANA QAADAY.
* Isbadal wayn ayaa dhacay, qabaail aan waxba loo ogolayn( oo la gacan bidixeeyay) ayaa baraarugay, somali ayaa isu habar wacatay. Tiro koob reereysan ayaa meel kasta yimid.
* Tirooyinkii qabaailka ee la faafin jiray (baryihii hore) ayay wax badani iska badaleen. Cid kastaa deegaankeedii ayay ku noqotay.
*Is aaminaadii somalida, iyo niyad samidii ayaa meeshii ka baxday ( somali wada muslin ah ayaynu nahay ayaan cidi dhagaysanayn, oo cid kastaa danteeda ayay hoos u eegaysaa).
* Waynu arkaynaa oo maanta labadii dal ee midoobay, way kala baxeen. Gobolkasta reero ayaa u xoogbatay. Somalina dusha ayay iska dhawraysaa.
* Waa halkii abwaan Gaariye eh, maanta ciddi lays amaahin maayo, isla xisaabtan xun ayaa taagan.
* Waxa muuqata in qolooyinkii calanka qabyaalada 1960 kii taagay ay dhaxalkeedii Heleen. Dibna tii 1960 kii dhacday u soo noqon mayso.
* Somalidu guud ahaan waxa ay gashay marxalad cusub, dibna loo laabanmaayo.
Laba ayay u taagantahay maanta somalida
(Is aaminaad iyo niyad sami dhimatay, eh):
1) In dhabta ina hortaal ee adag somalidu ku xisaabtanto. Doonista cid kastana la tixgaliyo.
2) In aynu u dhaqano qaab ah : is muquunin( iyada oo somalida lagu sheego dad dagaal uun u taagan). Markaa ciddii inaga soo hadhaa carra edeg ku noolaato, ama ay dhacdaba in cid kale dhaxasho dhulkan ( SIDII ABWAAN GAARIYE SAADAALIYAY).
Halkan laba sheeko oo taarriikhi ah ayaan xusayaa:
|) Warbixin uu inaga qoray buug deegaankeena ka waramay ( geography) ah oo uu Maraykanku qoray. Waxa buugaasi sheegayaa: “in somalidu dhaqan ahaan yihiin dad dagaal uun u taagan. Markaa haddii aanay iyagu gudahooda isdilayn, in dawladaha jaarka la dagaalamayaan”( waa warka aynu ficil ku beenin kari waynay ee somalida ka muuqda goob kasta).
Waxa uu tusaalo u soo qaadanayaa, dagaaladii, lixdamadii iyo todobaatanadii xabashida lala galay.
||) Mustafe xaji Nuur oo ahaa wariye caan ah oo madax ka noqday kacdoonkii (SSDF)? ayaa inta uu qoryo (hub) soo qaaday yimid Xarshin, dadkii deegaankaa joogay ayuu ku yidhi: qaata qoryahan. Waxa ay ka baqeen in ciidankii Siyaad Barre ogaado, oo Hargaysa, oo ay wax ka soo gadanjireen, aanay dib u tagin. Markaa waxa ay yidhaahdeen, waar Mustafow qoryahaa naga daa. Mustafaa ku yidhi: Haddii aa diideen qoryahaygii, qaata qoryahaa cadawga aanu is-hayno. Qori uun haysta, mar kasta, DEEGANKAN AYNU JOOGNO QOF QORI HAYSTA AYUUN AYAA U HADHAYA, OGSOONAADA TAA.
( waa saadaal aan ina farax galinayn). Allow sahal umuuraha.
b) MAANTA iyo JSL
*JSL dawlad ayay samaysatay, taasi oo yagleelkii hore, sidii madaxwaynihii 2baad ee dalku sheegay xal ahayd ee aan xul ahayn. Qabyo badan ayaana jirta, ilaa maanta.
* Kumaynaan guulaysan in beesha dhexe oo maamulkii gacanta ku dhigtay, ay samayso maamul wanaag, iyo tixgalin gaara ( positive discrimination) oo ay siiso beelaha darafyada, si dadku isu aamino, looga badbaado, sadbursigii dalkii labada somaliyeed ahaa burburiyay. Taasina waa ta aynu arkayno midhaheedii maanta.
*Cabashooyin kale iyo guux kale oo gobolada kale ka jiraana waa uu jiraa.
*Waxa ay JSL u baahantay in ay hesho madax wax dhagaysanaysa oo hoos u eegta tabashooyinka:
1) Deegaamada, oo waxyaalaha burburka keena laga digtoonaado. sida *adeegyadii iyo dhaqaalihii oo magaalo ku soo urura.
*Shaqa la’aanta baahsan ee dhalinyarada dalka haysataa waa dhib wayn oo dalka haysata,
*Waxa iyana soo kordhay mudooyinkan danbe, in meherada badani dhaqaalo xumo xidhmaan.
*Dhibtii suuqii waaheen, oo riiq dheeraatay, oo wali taagan, oo dadkii qorshe xumo ku dhacday. (Suuqaasi waxa uu wehelinayay dakada Barbara, waxana uu ahaa DAKAD QALALAN, oo illaa Ethiopia u adeegta, ganacsato aad u tira badanina ku xidhantahay)
*TALOOYIN
*Taiwan waa dalalka aynu ka faaidaysan karno ee warshado kaluun oo shaqa abuur iyo dhaqaale kobcin sameeya iska kaashan karno.. *Khayraadka dalkeena ee xoolaha, beeraha, macdanta, sibidhka, ayaa u baahan in aqoonyahankeena, wax garadka, ganacsatadeena dawladu kala tashato kuna hagto.
*Caafimaadka oo aan gobolka geeska ka jirin kuna liita ( loona raadsado dalal fog fog) ayaa lagu hagi karaa ganacsatada, si JSL u noqoto goob caafimaadka geeska oo dhan laga soo raadsado, taasi oo dalka dhaqaala badan u soo jiidi karta, lacag adagna soo galin karta.
-Waana in waxqabdka iyo adeegyada gobolada lagu baahiyaa. Si gobol kasta shaqa abuur uuga samaysmo. Waxyaala badan ayay madaxdeenu qaban karaan, si dalku isku filnaan u gaadho.
– Dad badan ayaa saadaaliya, in maadaama aynu nahay dad tira yar haddii aynu maamul wanaag la nimaad, in shaqa la’aan iska daayoo , inaka la inoo soo shaqa tagi doono.
Allow jid u bixi.
*Nabada dalka ka jirta ayaynu kobcin karnaa, waxa aynu dajin karnaa xeerar aad u sahlan oo dadka geeska ku dhaqan ee xoolahooda gashanaya dalal fogfog inay maal gashi ku sameyaan dalkeena.
* Waxbarasho taya saraysa ayaa dalka aynu ka samayn karnaa oo dad badan soo jiidan karta, dalkeenana waxtarta, xag aqooneed iyo xag dhaqaaleba.
* Cashuurta dakadeena ayaynu fududayn karnaa si aynu ganacsatada Afrika u soo jiidano ( inaka oo marinkan strategic) ah ee aynu ku noolnahay ka faaidaysanaya.
wa bilaahi tawfiiq
Sh. Maxamed X. Maxamuud (Xiirey)
Bandhige@gmail.com