Ka xorow uur-ku-taallada (W.Q. Maxamed Cabdikarim“Maxamed-Maarshaal”)

Si aad hore ugu socoto, ummad u hoggaamiso, horumar nafsi ah iyo mid ummaddeedba aad u gaadho, ka xorow urursiga naxliga iyo uur-ku-taallada.

Shakhsi, bulsho ama kooxi waxay hore u socon kartaa, horumar gaadhi kartaa, dadka wax la qaybsan kartaa, bulshadana dhex gali kartaa , dadkana wax tari kartaa, marka ay ka xeroobaan dhaawacyaddii hore ee soo gaadhay ama aanad ahayn qof ku nool dhawacyada nololeed ee qofka sida maalin laha u soo gaadha.

inta aad awood u leedahay in aad dareenka cadhada, xanaaqa, cuqdada iyo calool ku haynta aad u badasho fursad iyo wanaag waxaad ku talaabsan kartaa horumar nololeed iyo mid bulsho oo hiigsi leh,  waxaad dadka wax dheeranaysaa, inta aad dhaleecaymaha uga faa’iidaysanayso fursado nololeed, talo biximahana aad u dhago nugushahay, una dhago furan tahay doodaha, calooshaaduna tahay mid xaadhan, waa hubaal in aad ku dhiiran karto khataro badan oo nololeed, horumarna aad gaadhi karto.

Ogow, talaabo nololeed oo aad hore u qaado, waxay kula kulansiinaysaa, bulsho aanad hore uga mid ahayn, waxay ku abuuraysaa, saaxiibo hor leh, sidoo kalena waxaad ku kasbanaysaa cadaawad iyo in ku jilaafaysa.

Ha u hiilin, inta naxli la yururka ah, ha dhigin siday doonayaan inta horumarka qofka neceb, u hiili dhiiranaanta, dhago furnaanta,, kalsoonida, hanka iyo aragtida hogaamineed ee horaysa.

Haddii aad umad rabto inaad hoggaamiso, saamaxaada badi, waxaad awood u yeelan inaad wax abuurto, wax barato, korto caqli ahaan iyo bulsho ahaanba, naxliga, cuqdada, calool ku haynta iyo gaws ku qabashadu waxay la dagaalantaa, horumarka, waxaad ka sheekayn uun hebel, waxaad xasuusnaan uun boogo, waxaad ku dambayn rife, dadkuna way kaa ordi doonaan, waxanad ahaan qof shakhsiyaad koobani ku wareegsan yihiin noloshiisa, dadkoo ugu kala qaybsan yihiin, qaar ay maalin is dileen, qaar ay maalin is caayeen, qaar aan aragtidiisa ka sooo horjeeda, qaar…….IWM

Haddii aad rabto, inaad bulsho hormood u noqoto, saamaxaadu waxay ku siinaysaa inaad bulshada dhexdeeda ka hesho ixtiraam, qadarin iyo wanaag, waxaad heli tixgalin badan iyo inaad hore u socoto.

Dadka oo dhan ma raali galin kartid, ficilkaaga iyo fikirkaaguna dadka ma wada raali galin karo, mana noqon kartid qof ceeb ka saliim ah, mana waayaysid jalaafooyin nololeed ama siyaasadeed, balse dariiqa kaliya ee aad kaga gudbi kartaa waa adigoo saamaxada, talada iyo dhibirsanaanta badiya, waa dariiqa kaliya ee nolosha aad ugu xaadhi karto wanaag iyo horumar.

Siyaasadu waa huq iyo hawl badan tahay, inta aad xirfad aqooneed, bulsheed iyo deegaan, aad leedahay  ayaad awoodaa inaanad leexada iyo isbad badal geedi socodka siyaasada aanad ka dhicin ee aad ku jiri karto

Nuxur qoraaleedkaygan waxaa si kooban u sheegaya una qeexaya, Abwaankii waynaa ee timacade, alla ha u naxariistee

Wadaadow lama hello

waxaan cidi ku hawshoone

naftaa loo hantaaqaaa

waxaad hiigso leedahaye

Macnuhu wuxuu kujiraa, naftaa loo hantaaqaa, waxaad hiigso leedahay waxaanad u dhib mudan, una guban, una hawshoon, yeelana dhabar adaygeedii, si sahlan, kuma gaadhaysid, curfiga, cayda, iyo cid shakhsi ku necebiba, waxaad ku dhaafi kartaa, adigoo saamaxa, wixii ku anfacana ka qaata weedhahooda, waxa kalena iska xoora, dabadeeto hawshaada aad halkeedii ka sii wadato, tirada yar ee noloshaada isku dayaysa inay caqbad ku noqoto yaanay kugu awoodaysan adigoo naxli la yurur ah, sidaa daraadeed ka xorow uurkutaalada.

Hoos ka akhriso qoraalladii hore ee Maxamed Cabdkariim  Maxamed-Maarshaal Cabdikariim:

Faallo: Jahawareerka siyaasadda hoggaamineed ee xisbiga UCID (W.Q. Maxamed-Maarshaal Cabdikariim)

Ma laga yaabaa doorasho in ay dhacdo 2017-ka? (W.Q. Maxamed Cabdikariim)

Anteennada lacagta

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.3aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.2aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.1aad