Kaadhadhkodii Codbixinta ayay Cunno Siisteen (WQ: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf “Zaciim”)

Maceeshada noloshiisa waxa saamayn xooggan ku leh, Sicir-bararka dabarka goostay ee qorshe iyo hanaan maamul lagu xakameeyaa aanu jirin, Shaqalo la’aanta iyadu waa la olog noloshiisa, intii uu shaqayn jiray masaariifta guriga waaba u soo heli jiray, dhismayaasha guryaha ayuu kashaqaynjiray kana tabcan jiray kuulinimo, iyana in dhawayd, waa isaseegeen, iyada oo ay sabab u tahay, baaxaadagga doorasha iyo siyaasadda dalka een daganayn awgeed, taasoo hakad ku yimid dhismayaasha. dadkii wax dhisanayayna hakiyeen illaa iyo inta dhinac u kala dhacayso xumadda iyo karka bahashadoorashada ah.

Tab iyo xeelad tuu wax kusoo helaba wax hel iyo waxwaaba, suuqa ayuu xaabaa, subax ka mid ah subaxyada isaga oo habeenimadaa ku seexday qadoodi, isaga iyo Ooridiisu oon habeen kaa wax masruuf ah la soo hoyan, walow labada ubadka ah Shuuro yar Caano lagu iidaamo Suuqa uga soo iibshay, iyada oo waliba lacagta uu kusoo gaday nin ay saaxiib ahaan jireen inta suuqa isaga soo hor baxeen is yidhaahdeen saaxiib! hebel iska waran? bari hore ayaa isugu keendanbaysay. haa saaxiib waaruntaa, ma shaqaysaa hadda? Maya saaxiib ma shaqeeyo. qudhaydu maalmahan ma shaqayn e baska aan kaa bixiyo saaxiib. haye saaxiib, intaa saaxiibkii u siiyay ayuu labadii ubadka ahaa habeenkaa casho iyo hadhimo uga dhigay, intii uu dhexda sii lugaynayay ayay kolba Ooridiisu soo wacaysay, illayn ubadkii ayaa macaluulsan e’ albaabka ayuu ka galay isaga bac ku sida woxogaagii Shuurada ahaa gabadhiisii.

Iyana raagsatay ayaa ka qaaday, kijinka inta ay gashay wo’xogaa caano ah daasada ka dhabaandhabtay ayay cadays ugu dhigtay, habeenkaa intaa ayaa cunto u noqotay. waa dhargeen labadoodii ubad ahaa. In kasta aanay iyagu wax cunin.

Waalidku waa adkaysan karaa gaajo iyo darxumo, hase yeeshee ubadku maya! ma dulqaadan karo, mana adkaysan karo, markii ay ubadku aabahood ay lasoo garab fadhiisteen iyagoo cunaya shuurada ayuu farxay gajadii haysayna ka go’day, wuxuuna xasuustay ninkii u siiyay in uu basku raac ka digto in ay casho u noqotay ubadkiisaa, xadiithkii Suubanaha ayaa garaadkiisa ku soo dhacay, “لاتحقرن من المروف شياولوبشق تمر”, noloshiisa marka ay ugu adagtahay, waa marka ubadka u waayo wax uu daasada caanaha ah u siiyo.

Habeenkii sidaa ayay ku jiibsadeen, isaga iyo Ooridiisu habeenkaa waxa ay istusayeen mawjaddo ah in ay samaandoonto noloshu lagana bixi doono noloshan ay maanta kujiraan. Labadoodu laba bog oo laalan ayay hadana dheega dheega iskugu hayeen, sidaa ayuu habeenkaa jawigu ahaa, daaqado janno ah ayay midba mar furanayeen, nolosha adag iyo gaajadu teed iyo xijaab makala dhexdhigto dadka is jecel duruuf iyo waayo kasta kunoolyihiin.

Markii Waagu baryay, daaradda iyada xaadhxaadhaysa, Xafiis ku ag dhawaa dumar kasoo baxay oo leh, “Inaga haday lacag inaga siistaan maxaa inaga galay, waynu iskaqaadan e’ “ ayaa dhagta kaga soo duushay, dumarka hawraartan leh, muuqooda jidheed inta ay eegtay ayay niyadda iska tidhi, maxaa ku kalifay dhabankooda waaban arkaa in aanay inna sarseeran arage?, hadana marlabaad ayay niyadda ku qabatay tolow anigu hadaan iibiyo kaadhkayga iyo kan odaygayga maxay diintu ka qabtaa, inkastuu xaalkaygu Illahay ogyahay? Intaas ayay hoos isku waydiisay, wallow ay muuq baahiyayaasha ay ka arkaysay in la lahaa waa xaaraan iyo waa dambi qaran qofka lagu qabtaa, dambi qaran aa!, calooshana safrad ba’an ayay ka dareemaysaa. Amaintuna waa xiligii qureecda, xaalkoodana xalay waa tii Rabi ogaa.

In ay cid wax u doonato, ama waydiisato, waxa ay uga xishoonaysaa, waydiimahan is xigxiga, odaygaagu ma shaqeeyaa? muddo intee leeg ah ayaad sidan ahaydeen? odaygu muu meel uun madaxa galiyo? malaha labaddii caruur ahaa waa bakhtiyeen?. haddii inta wax la tarro uun laga daynayo Su’aalahan baas ee is-dabasocda wuxuun bay ahaan lahayd, taasoo ku keenaysa nafsiyan in ay dareenta hoosayn nafeed, iyo qalbiga ka dareento in aanay dadkaniba nasteex ahayn ee ay wiirsi ku tahay. Waa dareenkeeda gaarka e’.

Hurdada waaba ku raagi jirey aroorta aanu shaqada lahayn, hase yeeshee xalay illayn waa naf safrad ku seexatee waa jiifi kariwaayay, fooldhaq iyo caday inta uu u fadhiisto basar ama qumaati uma cadayan, inta uu sugi kari waayay ayuu biyo wajiga iska mariyay cadayna jaabka si dhakhsasho ku jirto ugu la soo baxay, ayuu albaaka ka baxay, intii aanay ubadku ku soo kicin, ooridiisii daaradda taagan ayuu ku yidhi: ‘ bal waxbaan meelahaa uga soo raadin wax ay ubadku dayaan esidaa ha inoo ahaato”

Intii uu dariiqa kusii jiray ayaa ishiisu qabat baabuur farabadan laamayda yaacaya, hoonkana xoog u tumaya iyo dad xoog u qaylinaya, heesaha iyo makarafoonada dhawaaaqa sare leh isagu dareen umalaha, xataa isha kuma eegayo, duruufta noosha awgeed, hawaale waranka naftiisa ayuu kolba laamayda iyo dariiq isag oo dareen-maqan baabuur sigayaa naftiisa. waxa uu daal iyo gaajo layara fadhiistay makhaayad shaah, waxa uu ku arakay nin ay bari hore dhismaha kawada shaayn jireen, kana shaahaya makhaayada, koob shaaha ayuu u shubay, koobkii ayaa calool kagshiin iyo tamar u naqday, dib ayuu nololo cusub iyo iftiin u galay gaajo haysay awgeed, Illayn waa nin gabay, hadal iyo socodba, saxiibkii ayaa kolba ka doona in siyaasada ka faalooda
Shaahana ku haasaawaan, xisbiyada keebaa ku awoodbadan ayaad isleedahay kaltanka kaanbaynka? Keebaad aduu saaxiib taageersantahay? caloosha ayaa laga hadlaaye, hadal waa tahli kari waayay, nin fiiro dheer ma ahayn saaxiibkiisa il go’san ee uu hadal iyo haasaawe ka rabo , waana qiimayn kari waayay aan ka ahayn in uu rabay uun in uu haasaawiyo, iyo xaamaasada isaga u haysay kaanbaynka doorashada. way is maca salaameeyeen saaxiibkii.

Isaga oon bartiiba ka kicin ayuu duhurkii qadadii gaadhay, looguna eedaamay, dhawr meelood dhismayaal ku ogaa iyaga istaagay ayuu soo maray, walina wax ma hayo Mobile kiisa ayuu baadh baadhaa, si uu u garaaco, waxna uga helo qof uun, walaw lacagta ku hadalku ku yartahay, tolow hebal ma garaacdaa? bilow aad waxba ka waydaa kuna khashifantaa? Kan isaga iskadaa, waa kii maalintii dhawayd ku hagaajiyee, inta uu mobilekiiski kasoo yara jeedaaday luqunta kor u yara qaaday ayuu arkay nin ay jaar yihiin oo halka uu fadhiyay baabuurkiisa loogu maydhayo , raban in uu dhinicii gurigiisa u koco. Waa soo garab joogsada.hebal iyo hebal ayay is yidhaahdeen, maad sii tagaysaa aan ku sii raace ayuu ku yidhi? haaye inamari, waa sii raacay gurigiisa agtiisa ayuu kagadagay, isagoo faramadhan kala soo laabtay suuqii iyo foofkii, laba qof wax waydiiyayna waxba kama soo helin, ruux danbe in uu la hadlo waa ka calool waydsanyahay.

Markii uu kadinka gurigiisa soo gaadhay ayaa labadii yaryaraa ee uu dhalay dharag iyo dibiro ka muuqato ku soo hor yaaceen, waa gurigii uu saaka ka soo jarmaaday wax li’ida iyo gurigii cunto carfi udgoon ka soo baxay, farax iyo raynraynbaa naftiisa gashay, gaajo xun ayaa haysay, intii aanu waraysan ooridiisa meesha ay wax ka heleen ayay ku tidhi: “horta wax cun, xalay iyo saaka toona waxba oomatigaaga maad galin e.’ anaa kuu waramiye”. Intaa marka ay ku tidhi. ayuu caloosha uga duceeyay, isaga filanayay in la yidhaa: “saaka maxaad wax noogu soo diri wayday”, isaga la yaaban meesha ay maanta wax ka heleen, bidixdiisa ayuu eegay shaw waa haafaf sonkor, daqiiq, bariis iyo caagad Saliid ah, hadan farxadii ayaa ku sii libinlaabtay. si nafis ah ayuu isaga qadeeyay, markii uu dhamaystay ayay gabadhiisii u bilawday meesha ay wax ka hele3 waxa ay tidhi: “horta wax cun”, xalay iyo saaka toona waxba oomatigaaga maad galin anaa kuu waramiye. Intaa marka ay ku tidhi; ayuu caloosha uga duceeyay, isaga filanayay in la yidhaa saaka maxaad wax noogu soo diri wayday?, isaga la yaaban meesha ay maanta wax ka heleen, bidixdiisa ayuu eegay shaw waa haafaf sonkor, daqiiq, bariis iyo caagad Saliid ah, hadana farxadii ayaa ku sii libinlaabtay.si nafis ah ayuu isaga qadeeyay, qadadii markii uu dhamaystay ayay gabadhiis ku tidhi: “Saaka markii aad naga tagtay ogobeey wax la’aan ayaad nagaga tagtaye, haa waa rune, gabdho iyo rag xafiiska inagu garab yaal yimid oo kaadhadhka lacag siisanayay ayaan kaadhkaagii, kaygii iyo kii yaraa eed adeedka u ahayd ayaan ka iibiyay lacagtan aan kiishashka raashinka iyo cunada inoo soo siiyay waa iyada. Inta uu Muusoodah ayuu yidhi: “qushiye waynnu isaga meel gaadhi”, inkasta dantu igu qasabtay xaaji. Tolow ma sida maanta aannu codkayagii cunno u siisatay ayaan Sanadka xigana cuno u siisan?