Kaaf iyo kaladheeri (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi)

Dhawr sano ka hor ayuu dalka ku soo noqday. Waxkale dhaafe aragtidiisii iyo hiigsigiisii wuu is baddalay. Xataa maalintu yimid wuu caddaa. Haddana waa maar…..Hal shay ayaan is baddalin oo ah “dharkiisa”. Dadku waxa ay ku xantaan in maryahiisu noqdeen hun iyo calal . Dhankiisa se’ waxa kaliya ee uga hadhay raadkii qurbuhu waaba magacda shirkadaha sameeyay hu’ga uu xidho. Waxa uu ku kaftamaa “maxaad ka taqanaan?”..GUCCI, G&D Kalvin Klein, Levi’s iyo qaar kaloo badan.

Dadkuna way la yaabaan sumadahan uu la dhacsanyahay. Waxa u muuqda tayada dharka uu xidhanyahay. Isna waxa uu ka seexan la’yahay qiimaha ay ku joogeen, tayada dunta, iyo heerka dadka xidhaa ay ka joogaan halkuu ku dhaqnaa. Maalin uu tagay degaan miyi ahna isaga oo buka ayaa la soo ceshay. Sababtuna waxa ay ahayd in uu arkay goojo (aqal yar) oo ayaydii ku noolayd oo lagu deday dhar leh sumadaha uu ilaashado. Wuu ka muraaqooday kadibna miyir beeli gaadhay haddaan loo caqli celin.

Tiro malahayn inta jeer ee dumarka xafadda ay gacmaha iskula tageen markay isku maan-dhaafeen maydhista iyo kaawiyadaynta dharkiisa. Haatan waxa u go’aan ah in uu noqdo oo uu dib u soo buuxsado shandadahiisa….Maxaad ka qaadi wakaas tigidhka goostaye.