Kaalmadda Caalamka Ee Laagu Taageero S.land iyo Sida Goboladu u Kala Heleen (WQ: Bashir Maxamed Bashir)

Somaliland marka laga tago dakhliga cashuuraha gudaha (domestic  tax revenue), waxa ay xoog ugu tiirsan tahay kaalmadda beesha caalamka (Massively rely on International Community Aid),  si joogto ah waxa ay u heshaa mucaawimada deeq bixiyayaasha, Qarmadda Midoobay iyo ha’yadaha caalamiga ah (Assistance from Donors, UN & INGO) ee loo yaqaan ODA (Official Development Assistance), iyadoo loo soo mariyo hanaan waafaqsan habraacyadda xidhmooyinka kaalmadda Somalia, hanaanka Baanka Adduunka ee wadaagayaasha dhinacyada badan MPF (Multi-partner-fund) iyo sanduuqa SDF. Isku dubaridka kaalmada caalamiga ah waxaa loo maraa hanaanka xidhmada heshiiskii New deal Compact, London 2012 ee sida gaarka ah Somaliland loogu hirgaliyey hanaanka khaaska ee SSA (Somaliland Special Arrangement).

kaalmadda hormarineed iyo maaliyadeed ee ay ka hesho Qaramadda Midoobay (QM) deeq bixiyayaasha (DQ) iyo ha’ayadaha caalamiga ah (HC), waa ku dhawaad nus bilyan dollar $0.5B, isugu jirta kaalmadda gargaarka Aadantinimada (Humanitarian Aid) iyo hormarka (Development Assistance). Deeqda caawimaada dunidu Somalia ugu deeqdo Somaliland waxa ay heshaa saamiga ugu badan oo dhan 11%. Kaalmadda ODA marka la barbardhigo shanti sano ee hore 57% aay ay korodhay, 15% waxa hoos loo dhimay sanadkii 2018 wadarta mucaawimada Aadantinimo, halka wadarta kaalmadda hormarinta la kordhiyay 20%, halka deeq bixiyayaashu kodhiyeen 12% lacagta kaalmadda adeegayadda bulshada (Social Delivery Aid Treasury). (SAFR2018)

Sida lagu xusay warbixintii u dambaysay ee Somaliland Aid Flow report ee la baahiyay December, 2019 waxa lagu sheegay wadarta guud ee kaalmada lacag ahaaneed ee ay ka heshay dhinacyo kala duwan (Multilateral) $278 Milyan. Iyada oo ka kala heshay hay’adaha Qaramadda Midoobay kharash ka badan $140 Milyan, halka hay’adaha caalamiga ah ka heshay $122 Milyan, dalalka deeq bixiyayaashaana aduun dhan $16 Milyan. Sida lagu xusay nuxurka 8 ha’ayadood oo caalami ahi ma aysan soo gudbin (Not reported total disbursement in assistance) wadarta lacageed ee xisaab xidhkoodii iyo hawlqabadkii ba. Tani oo ka dhigan in ha’ayadaha gudaha ka hawl galaa 25% aysan soo gudbin warbixintoodii u dambaysay ee hawl xidhka 2019.

Ha’ayadaha UN iyo INGO Kaalmadda mashaariicaha ay  maalgaliyaan waxa loo qaybiyaa shan tiir (Five Pillar), tiir kastaa uu u sii kala baxo waaxo (Sectors), waafaqasan qorshaha NDP2,  tiir kasta waxa ku cad cadadka maalgalineed ee ku baxday; dowlad wanaaga “Good Governance” waxa ku baxay  lacag ka badan $13.3Milyan, hormarinta kaabayaasha “Infrastructure development” $9.5Milyan, horaminta adeegayadda bulshada “Social delivery development” $156.7 Milyan, ilaalinta deegaanka “Environment protection” $9.5 Milyan, iyo hormarinta arrimaha dhaqaalaha “economic development sectors” $46.1 Milyan iyo mashaariicyo kale “other projects” $27.4Milyan. Taageerada maaliyadeed iyo hormarineed ee Somaliland waxa ugu badan bixiyayaasha kaalmadda (greatest providers of aid) EU, UK, WB, USA iyo Germany.

Macluumaadkaa guud haddii aynu hoos uga soo daadagno, waxa aynu eegaynaa qaabka ha’ayaduhu uga kala fuliyaan mashaariicda iyo xadiyada wadar lacageed eey ku kharash gareeyeen goboladda ay ka hawlgalaan.

Jaantuskan 1aad waxa uu inoo sharaxayaa wadarta guud (total rate) ee ay ku kharash gayeeyeen mashaariicaha gaboladda S.land (total disbursement in regions) ha’ayadaha UN Iyo INGO.

Maroodijeex Awdal Toghdeer Sool Sanaag Saaxil Wax kale Wadarta
UN $30.3M $22.8M $23.7M $17.6M $20.9M $8.1M $16.3 $140M
INGO $41M $24M $26M $11M $12M $8M $ 0.00 $122M
TOTAL $71.4M $45.8M $49.7M 29.6M $33.9M $16.1M $16.3 $262M

 

Taybalka waxa ku cad wadarta lacag ahaan ugu soo kala hagaagay maashaariicdah hawl qabadyada gobolada, Jaantuskani 2aad waxa uu hab Chart Pie ah aynu ugu iftiiminaynaa xadiga kaalmadda mashaariicaha UN-ka iyo INGO-yadu qaabka saami ahaan (percentage rate) ay uga fuliyeen goboladda Somaliland.

Sida jaantuska sare ka muuqata mashaariicaha ay maalgaliyaan ama fuliyaan UN-ka iyo INGO-yadu waxa ay ka fuliyeen gobolka Maroodijeex 29%, Awdal 19%, togdheer 20%, Sanaag 14%, Sool 12% iyo halka gobolka Saaxil 6%.

Waxa isweydiin mudan sidee loogu qaybiyaa mashaariicda kaalmada gobolada (how the way of dividing in regions), xadiga lacageed ee waaxaha hormarinta kaabayaasha iyo waxsoosaarka (amount treasury disbursed on sectors infrastructure and productions), daahfurnaanta iyo waxtarka kaalmada (Aid transparency and effectiveness), iyo sida ay u dhacday in degmooyin yaryari ka saami bataan magaalooyin waaweyn. Inta aynaan waydiimahaas ka jawaabin aynu eegno jaantuskani 3aad ee hoose oo qeexaya qaabka saami ee waaxyaha cadad ahaan ugu soo hagaagay adeeygadda bulshadda (waxbarashada, caafimaadka, biyaha, nadaafada, iyo fayadhowrka), dowlad wanaaga; baahinta xukunka (Decentralization), saraynta sharciga (rule of law), dimuqraadiyada (democracy), doorashada, siyaasad loo dhanyahay (inclusive politics), kaabayaasha dhaqaalaha; jidadka, tamarta, waxsoosaarka, iyo ilaalinta deegaanka.

Waax/Lacagta Maroodijex Awdal Toghdeer Sool Sanaag Saaxil Wax kale Wadarta
GOVERNANCE $6.7M $ 1.2 $ 3.6 $ 297K $ 533K $ 911K 55,424.2 13.1M
Economic $6.9M $ 5.9 $ 8.3 $ 2.5 $ 4.1 $ 1.4 $0.00 29.1M
EDUCATION $13.4 $3.8 $4.8 $0.6 $1.6 $4.0 $0.00 27.9M
HEALTH $19.6 $23.2 $19.6 $14.6 $17.8 $10 $12.0 117M
INFRASTRUCTURE $2 $3.2 $1.7 $0.7 $0.1 $ 0.2 $0.00 7.9M
ENVIRONMENT $1.8 $O.5 $2.6 $2.3 $1.8 $0.7 $2.0 9.6M
WASH $ 5.9 $2.7 $1.8 $3.3 $2.2 $0.7 $0.3 16.9M
PRODUCTION $4.1 $2.0 $4.4 $1.9 $1.9 $2.0 $ 0.00 16.4M
ENERY $0.1 $ 0.00 $ 0.00 $ 0.00 $ 0.00 $ 0.00 $ 0.00 0.1M
OTHER $ 10.9 $2.5 $2.9 $2.9 $3.9 $ 1.8 $ 0.00 24.8M
TOTAL $71.4M $45M $49.7M $29M $33.18M $21.7M $14.3M 262.8M

 

Sida chart-ka kore ka muuqata 44% wadarta xadiga guud ee ha’ayadaha QM iyo HC waxa ay ku bixiyeen waaxda caafimaadka, si toosana waxa qayb u bixisay hay’adda WFP., dowlad wanaaga 4.9%, hormarinta dhaqaalaha 11%, waxbarashada 10.5%, kaabayaasha 3%, deegaanka 3.7%, mashruuca Wash 6.4%, waxsooosaarka 6.2%, tamarta 0.03%, mashaariic kale 9.43%. (SLAFR2019)

 

 

Tixraac

https://slministryofplanning.org/index.php/10-quick-downloads/9-reports

Somaliland Aid Flow Report 2018 SLAFR

Wasaaradda Qorshaynta Somaliland

Waaxda Isku Dabaridka

 

WQ Bashir Maxamed Bashir

Borama, Awdal

13 July 2020

Bashiirmaxamed653@gmail.com