Kacaan Iyo Kacdoon Bulsho (WQ: Mukhtaar Axmed)

 

Marar badan waxa dhagaheenna ku soo dhacay kelmado ay ka mid yihiin kacdoon amma kacaan, kuwaas oo badanaa ay aad u adeegsadaan warbaahinta iyo dadka ka faallooda arrimaha siyaasada. Ereyga kacaan waxa aad uu aad usoo shaac baxay qarnigii 18aad oo badi dunida uu ku yimi is baddal deg-geg ah. Badiba dadku marka ay maqlaan kacaan waxa maskaxdooda kusoo dhacaysa kacaanka caanka ah ee la dhaho ‘’ Kacaanka Warshadaha) kaas oo bilaabay sannadihii 1760 kii. Kacdoonkaasi waxa uu si kedis u baddalay nidaamkii dhaqaalaha waddamada adduunka. Haddaba ereyga kacdoon amma kacaan waxa uu noqonayaa is baddal uu weheli diidmo iyo ka gudbid xaalad markaas taagan. Sidoo kale kacaan waxa la odhan karaa marka loo eegayo siyaasad ahaan diidmo uu weheliyo gacan ka hadal amma diidmo doodo ku sallaysan kaas oo lagaga soo horjeedo qaab maamulka iyo xeerar u dejisan bulsho gaar ah.

Badiba kacdoonnada dunida soo maray waxa ay ku sallaysan yihiin Diin amma Siyaasaad kuwaas oo ah waxa ugu badan ee wax ka baddal ku sameeya noloshada aadamaha, tan iyo abuurka aadamaha siyaasadda iyo diintu waxa ay ahaayeen kuwo isku dhafan oo u adeegaha aadamaha, is baddalo taban amma togan ayaa dunidan soo maray kuwaas oo ay ku sugan yihiin casharo uu aadamaha maantu adeegsado si uu wax uga barto. Haddaba qolyaha ku xeel dheer arrimaha bulshada kacaanka amma kacdoon waxa ay u qaybiyeen laba qaybood oo kala ah “ Kacoon soo jiitama amma gaabis ah iyo kacdoon boobsiis amma kedis ah” oo afka qalaad ku noqonaysaa ( Evolution iyo Revolution) micne ahaanna waxa uu noqonayaa kacdoon bulsho oo ka dhan nidaam siyaasadeed iyo mid diimeed. Haddii aynu dib u milicsanno ambiyadii kale duwanaa ee Eebbe aadamah usoo direy waxa ay noqon karaan kacaan diimeed maaddaama diimuhu ay kow ka yihiin ilbaxnimada bulshooyinka.

Kacdoonnada bulsheed ee dunida ugu caansan waxa ka mid kacdoonkii Faransiiska( Frech Revolution 1789-1799) kaas oo loo aaneeyo inuu kacaankii Faransiiska ka dhigey sida uu maanta yahay, kacdoonkaas waxa uu ku salaysnaa in meesha laga tuuro nidaamka boqortooyo isla markaana looga gudbo nidaamka dimuquraaddiyadda. Guud ahaanna qarnigaa 18aad waxa uu is baddal xooggan ku yimi waddama reer galbeedka, taas oo awoodda laga xayuubiyay nidaamka boqortooyada iyo kaniisadaha kuwaas oo dhibaato baahsan ku hayay dadka. Kacdoonna aynu ku kusoo xusnay ee ka midka yihiin kacaanka warshadaha waxa uu ku bilaabmay si kedis halka kacaanka siyaasadeed ee meesha lagag tuurayo boqortooyadu uu muddo jiitamayay tani waxa ay macnaynaysaa labada nooc ee kacaanka ee kala ah kacaan kedis ah iyo kacaaan jiitama. Bilowgii kacaannada ka dib waxa jirey dawlado badan oo la baxay Jamhuuriyadda Kacaanka ah ee heblaayo, waaddama ugu caansan ee magacan adeegsan waxa ku jirey kacaanka millatariga ah ee Soomaaliya oo isku magacaabay Kacaanka Barakaysan. Sidoo kale waddanaka Eeraan ayaa isna ku jira oo isku magacaabay Kacaanka Islaamiga ah ee Eeraan.

Haddaba akhriste aynu is wayddiino waxyaabaha keena kadoonnada ha ahaadaan kuwo taban amma kuwo togan, waxa jirta maah maah carbeed oo odhanaysaa “ Baahidu waa hooyada hal-abuurka amma ikhtiraaca” maah maahdan waxa ay sheegaysa in baahiyadu ay tahay shayga kugu riixaya inaad wax abuurto, shay cusub aad samayso, tusaale fudud, aadamuhu si u daboolo baahiyasiisa xadka dhaafka ah waxa uu allifay boqol shay oo wax wayn ka baddalay qaab nololeedkoodo oo ay ugu horreeyaan sayniska iyo tignoolajiyaddu. Mar kasta baahida aadumuhu maaha mid dhammaystiran taas oo u baahan naash-naash badan. Haddaba bilowga xaddaradda aadamaha si caqabad looga gudbo waxa loo baahnaa in bulshadu ay ka midaysan tahay hal dareen kaaso ah in la suuliyo wax ay u arkaan in uu noloshooda caqabad ku yahay.

Kacdoon aad u baahsan ayaa sannadkii 2011 ka curtay waddama carabta oo la magac baxay “Gugii Carabta” kacdoonkan waxa uu ka dhashay dhibaato baahsan oo ay dalka iyo dadkaba ku hayeen niman keli taliyayaal ah oo dalalka haystay muddo ku siman 20 sanno iyo wax ka badanba. Nuxurka uu daaran yahay kacdoonkan aya salka ku haya nolosha dadka iyo dalka oo hoos martay xarriiqa fakhriga. Maxaa yeelay nidaamka boqortoooyadu waxa uu ku sallaysan yahay gaajaysiin, cabudhin, xadhig joogto ah, isku dirka dadka iyo kala qaybintooda. Kuwan iyo kuwo kale oo badan ayaa keensanaya in bulshadu kacdo si ay u suuliyaan dhibaatada ku gadaaman. Kacdoonku mar kale wuxuu noqon karaa kacdoon siyaasadeen oo waxa dhacda in ay koox gaar ah is abaabusho oo halkii dadku ay kici lahayaen ay iyagu is xilqaameen kuwaaas oo siyaasadda dalkooda u arka inay tahay mid aan la jaanqaadi karin waddanka, tusaale wanaagsan, dalka  Turkiga 2000 wixii ka horreeyay wuxuu ku jiray dhibaatooyin laga dayriyay ka dib 2002 oo uu xukunka qabtay xisbiga hadda dalka ka taliya ayaa waxa u suuro gaashay in 18 sano qudha uu Turkigu noqdo quwad kaalmaha hore kaga jirtay kaalmaha adduunka ee siyaasad iyo dhaqaale ahaanba.

Waxa iyana dunida badankeeda ka dhacay afgambiyo millatari iyo shacab, Soomaaliya waxa ka mid ahayd  waddamada uu ka hirgalay kacdoonka siyaasadeed kaas oo ciidanku talada dalka ku qabsadeen afgabmbi aan dhiig ku daadan kuwaaas oo waxqabad la taaban karo dalka hirgalay haddana nasiib xumo wixi ay dhiseen wuxuu ku burburay gacmahooda ka dib markii uu xukunku la macaanaaday. Si kastaba dunida badankeeda waa laga gudbay in ay ka dhacaan kacdoono ka dib markii badi umadaha horumaray ay fahmeen sirta horumarka iyo suulinta duruufaha nolosha taas oo keensatay in waddama qaarkooda ay haystaan 20 sano waxa ay cuni lahaayeen haddi ayna waxba beeran amma wax qabsan.

Haddaba bulshada Soomaaliyeed muddo dhan qarni waxa ay la daalla dacayaan dhibaato dabo dheeraatay, guud ahaan nolosha Soomaalidu waxa ay kusoo ururaysaa wakhti ay ahaayeen xoola dhaqato reer guuraa ah kuwaas oo isku layn jirey kala dhicista xoolaha iyo dagaalo beelaysan, waxa jirey wakhti uu gumaystayaashu ay kala qoqobeen oo qaarba meel ku ooteen iyo wakhti ay ku hoos jireen nidaam dawladeed aan bislaan oo ku dhisan saami qaybsi beeleed. Wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuurey Maxamed Siyaad Barre guud ahaan geyiga Soomaalida waxa ka bilaabmay dagaalo sokeeya oo galaaftay kumanaan qof noloshooda iyo hantidooda. Soomaalidu waxa ku safka hore kaga jiraan waddama ka hoseeya xarriiqa fakhriga iyadoo ay ugu wacantahay dawlad la’aanta iyo nidaamka beelaha.

Sannadkii 1991 gobolada waqooyi ee Soomaaliya oo la baxay Soomaalilaan ayaa waxa y ku dhawaaqeen inay si iskood ah uga go’aan Soomaaliya inteeda kale, wixii intaa ka dambeeyay gobolada waqooyi waxa ay kasoo kabteen burbur iyo dagaalo sokeeye kuwaas oo laga soo bilaabo sannadkii 1997 ay ku jiraan ammaan badan iyo horumar dhinacyo badan taabanay walow aan la odhan karin waa horumarkii loo baahnaa iyadoo dadka dega dhulkan aad u yar yihiin isla markaana khayraadka dhulkan aan lasoo saariin kaas oo ka badnaan kara 10 jibbaar inta looga baahan yahay.

Si kastba ha ahaatee, Maamulka Soomaalilaan kumay guuleysan inay dhisaan nidaam dadka oo dhan u samaynayaa caddalaad. Kasoo kabashadii burburka ka dib bulshada Soomaalilaan waxa ay ka cabanayaan uu kusoo noq noqda abaaro, shaqo la’aan baahsan iyo laamaha dawladda oo isku qasmay. Aqoon yahannada ku xeel dheer arrimaha dawladnimada iyo siyaasadda waxa ay aamisan yihiin in 5 oo qudha lagaga bixi karo fakhriga iyo sad bursiga siyaasadeed ee hadheeyay gayiga Soomaalida iyagoo adeegsanaya caddaymo iyo cilmi baadhisyo.

Ugu dambeyn bulshadu haddii ay waydo waxa ay u heellan tahay oo ah horumar, caddaalad, shaqo abuur, kala dambayn iyo wax wada lahaashiyo waxa ay khatar ugu jiraan inay ka dashaan kacdoono taban oo keena dhibaato ka badan ta ay ku nool yihiin. Soomaalilaan waxa ku imanayay hoos u dhac aad u baahsan oo dhinacyo badan taabanaya kaas o u baahan in deg deg wax looga qabto. Waxa ugu wayn ee Soomaalilaan haysta ayaa ah in bulshadii is nacday ka dib markii dadku u kala safteen xisbiyo beelaysay.

Gunaanadkii, kacdoonnada waxa ka dasha dhibaato badan waxaana ku daata dhiig badan, sidoo kale kacaanka togan waxa ka dhalan kara horumar, caddaalad iyo sinnaan, haddii la doonayo horumar baahsan waxa iinala gudboon in aynu ka korno sad bursiga iyo is kooxaysiga beelaysan, bulsho kasta waxa ay horumar ku gaadhaysa inay ka tanaasulaan danahooda gaar ah isla markaana ay wadaagaan waxa ka dhexeeyaa oo ah khayraad, maamul iyo wax wada lahaanshiyo.

 

Waxa Qoray: Mukhtaar Axmed.