Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q2aad (WQ: Xasan Cabdi Shire )

  • Curashadii iyo biloowgii hoggaamintii Recep Tayyip Erdoğan.

Sannadii 1976 waxa loo doortay inuu madax ka noqdo isutaggii ardayda waddanka Turkiga kajiray gaar ahaan qaaybtii magaaladii Beyoğlu, xilkaas  waxaa lagu magacaabi jiray madaxa Waaxda dhanlinyarada ee Beyoğlu  (Beyoğlu Youth Branch), muddo kooban kabaci waxa uu madax ka noqday  qaaybta Istanbuul ee ururkaas, xasaanadaas u  ardayda uhayay waxaay ku ekaayd ilaa sannadkii 1980kii. Markii albaabada loolaabay xisbiyadda waddanka Turkiga iyo dhaq-dhaqaaqyadii ururada dhalinyarada/ardayda sannadkaas 19080aadkii waxa uu noqday agaasime fulineed  iyo lataliye qaaybta ganacsiga xorta ah ee waddanka Trukiga  .

Mr. Erdoğan waxa dib ugu soo laabtay saaxadda siyaasadda  sannadii 1983 markii la asaasay xisbigii caddaalada iyo daryeelka (Welfare Party) isagoo madax ka noqday sannadii 1984kii, degmada Beyoğlu.

1985,  waxa loo doortay madaxa xisbigaas ee degmada Istanbuul waxana uu isla sanadkaas ku biiray hogaanta fulinta iyo golaha dhexe xisbiga Welfare party.

  • Doorashadii Erdoğan ee maayarkii Istanbuul.

Doorashadii dhacday 1994,  waxa Erdoğan loo doortay Maayarka magaalad Istanbuul, xulashadii Erdoğan ee Istanbuul waxaay noqotay xalka iyo daawo muddo dheer aay naawilayeen dadka Turkiga ah, gaar ahaan kuwa degan magaaladaasi Istanbuul.  Erdoğan waxa u si-toos ah waxa uga qabtay dhinacyada dhaqaalaha, madaama  Istanbuul la ciir-ciiraysay dhaqaalo xumi ragaadisay muddooyinkii aay haasyteen ciidamadii militariga ee waddankaas inqilaabay, muddo yar oo kooban markii uu xilka hayay Erdoğan waxaay Istanbuul noqotay mid ka mid ah magaalooyinka lagusoo hirto ee dunida ugu dhaq-dhaqaaqa badan dhinacyada horumarka iyo amniga, waxaa sidoo kale uu markuu ugu horeeysay ka saaray biyo la’aantii ragaadisay magaalada Istanbuul, isagoo sameeyay marino biyood (pibe) dhaadheer kuwasoo kasoo gudbinaaya meelo fogfog,  waxa sidoo kale magaalada Istanbuul waqtigaas halakeeyay qashin iyo alaabta la tuuro kabacdi isticmaalkooda,  meelaha waddooyinka, xaafadaha iyo goobaha bulshadu isugu timaado ee magaalada Istanbuul waxa maardheeyay qaab xumi iyo waddooyin aay cidhiidhiyeen dhismayaal gaar looleyahay, qashinkii waxa  loo rogay in dib looga faa’iideeysto (recycling),  sidoo kale waxa uu hagaajiyay hanaanka magaalada Istanbuul, dhanka cimilada iyo hawadu maay ahaayn mid loo bogay dalxiisayaashuna  kusoo dhiiradaan, waxa dhibay hawo washakheeysan taasoo uu joojiyay asbaabtii, waxaana lagu bedelay isticmaalka gaaska.

Istanbuul oo ahaayd magaalo aanay fududeeyn in si fudud loo dhex mushaaxo marka laga eego dhanka waddooyinka iyo isu socodka gaadiidka, imaanshiyihii Erdoğan ee maayarnimada magaalada Istanbuul waxa uu dhisay inkabadan konton biriij oo dhexmara magaalada Istanbuul tasoo waxka bedeshay isu-gooshkii dadka Trukiga ah  iyo isu-gooshkii dadka Turkiga a ah iyo dunuda kale gaar ahaan dalxiisayaashii ka imanayay waddamada ku dhoow sida: Yurub iyo Aasiya.

Curashadii xulashadii Erdoğan ee magaalada Istanbuul waxaay ahaayd caqabad kale iyo imtixaan horyaalay maayarkaas, gaar ahaan dhanka dhaqaalo xumida iyo  qaanta daayn badan oo lagu lahaa Istanbuul,  taasoo u dhigmaysay  labo bilyan  oo doolar,  xilwarejintii iyo xulashaddii Erdogan waxa uu qorsheeyay sidii lagu  bixinlahaa daayntaas, waxa uu xilka ka tagay isagoo aay sanadkiiba Istanbuul haaaysato lacag dhan oo  afar bilyan  oo doolar ah  looguna talogalay mashaariic horumarineed iyo  kobaca dhaqaalaha ee magaaladaas, daayn in-lagu-lahaadaa  haba joogtee.

1.3. Dhammaadkii Xilkii  Erdoğan iyo sababtii kaliftay.

1997, Erdoğan waxa meel fagaare ah ka akhriyay qudbad aay ku jirtay gabay  dhiirigalin ah gaar ahaan wasaaradda waxbarashada iyo ubaxa kacaanka ee waddankaas, gabaygaas waxa daabacay dhamaan qaaybaha saxaafadda ee kala duwan. Gabaygaasi waxa uu meesha kasaaray xorriyaddii Erdoğan iyo xilkii cuslaa ee ummadiisa u hayay kaasoo ahaa Maayarka magaaladaIstanbuul, daawladdii markaas maamulaysay dalka waxaay go’aamisay in loo taxaabo jeelka. Awooddii ciidanka iyo amarkii daawladdu waxaa uu noqday mid shaqeeyay,  waxaana lagu xidhay midka mid ah jeelashaas waddanka Turkiga, halkaas lagagama hadhin ee waa la xukumay muddo xanibaad ah iyo xilkii oo laga xayuubiyay. Xukunkaas iyo xadhigaasi waxaa uu sabab u noqday dhamaadkii Maayarnimadii Erdoğan  ee  magaalada Istanbuul.

Gabaygii, Erdogan galaaftay waxa uu ahaa sidan, waxaan ku turjumay afka Somaaliga:

“kuwa  habsaamay ee aan macnaha badnaayn,  waxay joogayaan xaggeena dambe, Iimaanka ayaa inoo ah amni  iyo ilaalo, Alle ayaa sareeya , Alle ayaa sareeya”

 Halkan hoose ka akhriso qaybtii koowaad:

Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q1aad

Lasoco qaaybta saddexaad.

Email: shire202@gmail.com