Aasaaskii Xixbiga Cadaaladda iyo Horumarka. (Justice and Development Party)
Afar sanno iyo dhoowr bilood markii laga joogo waqtigii uu jeelka ku jiray mudane Erdoğan, afar iyo tobankii bishii sideedaad, 2001 waxa la asaasay xisbigii la oran-jiray “Xisbiga cadaaladda iyo horumarka (Justice and Development Party, AK Party)”. Aasaaska iyo abuurka xisbiga AK waxa qaayb laxaadleh ka qaatay hogaamiyaha waddanka Turkiga ee Erdoğan iyo saaxiibadiisii kale ee ku lamaana fikradii lagu meel-mariyay nidaamkii xisbiga AK. fikradda xisbigaas waxaay ku timi baahi shacabku u qabeen in lahelo daawlad xor ah kana madax banaan daawladihii hore ee Turkiga soo-maray muddadii sideetanka sanno ahaayd, daawladahaas oo tahli kari waayay inaay daboolaan baahidii dadwaaynaha Turkiga. Erdoğan waxaa loo doortay gudoomiyihii gudidii aasasastay xisbigaas AK.
Markii dhidibbada loo taagay xisibiga AK, waxa muddo yar kabacdi ku guuleeysteen aqlabiyadii aqalka hoose ee barlamaanka waddanka Turkiga, doorashadii qabsoomtay sannadkii 2002, doorashadaas taariikhiiga ah waxa Xisbigii AK ku guuleeystay tirada ugu badan ee barlamaanka oo u dhigmaysay labo meelood marka saddex loo qaaybsho barlamaanka Turkiga, waxaayna noqdeen hogaankii golaha Barlamaanka ee Turkiga. Guddiga doorashooyinka ee waddanka Turkiga ayaa sheegay in 46% dadka Turkiga u codeeyeen xisbiga AK, halka 26% ay u codeeyeen xisbiga Jamhuuriga Dimuquraadiga ah, inta kale soo hadhay na waxay u kala codeeyaan dhowr xisbi oo dalka turkiga ka jiray.
Waqtigaas Erdoğan kama mid ahaayn xildhibaanadii u tartamaaysay baralmaakana waddanka Turkiga, sababtoo ah waxa jiray ganaaxyo iyo caqabado aay kamid yihiin xukunkii sharciyadda maxakamaddu ku riday waqtigii loo xidhay gabaygii galaaftay inuu sii ahaado maayarkii magaalada Istanbuul, ganaaxaas oo ku saabsana inaanu Erdoğan ka qaaybgali Karin tartamada siyaasadda ee kasocda gudaha waddanka Turkiga lagana xakameeyay ka qaayb qaadashada!. Sagaalkii bishii sadexaad, 2003 ayaa waxa barlamaank cusub ee waddanaka Turkigu laaleen oo meesha kasaareen sharciyadaas qalafsanaayd ee ganaaxa ku ahaayd hogaamiyahaaas, waxaana barlamaanku cod u qaadeen doodaas iyagoo ku ansixiyay codkii ugu badnaa una dhigmaaysay 85%.
Sideey ku timi cugashadii iyo xulashadii Erdoğan, inuu noqdo Raaysal-wasaare.
Shan iyo tobankii bishii sadexaad, 2003, waxa uu Erdoğan noqday loona doortay Raaysal Wasaaraha waddanka Turkiga. Hoigaamiyaha fulinta ee Turkiga Erdoğan, waxa uu soo dhisay daawlad tayo iyo karti leh, waxaay daawladaashi lasoo baxay karaankii lagu yaqaanay hogaamiyaha waddanka Turkiga ee Erdoğan, isago ku talaabsaday guulo badan oo la taaban karo waxaana uu isbedl ku sameeyay hay’addaha daawliga ah iyo siyaasadaha aay ku dhaqamayeen, gaar ahaan waaxda fulinta iyo hogaamada ciidamada.
Waddanaka Turkiga waqtigaas waxa halakeeyay dhaqaalo xummi aay sababtay daaymo/amaah badan oo dunidu ku lahaayd waddanka Turkiga, tasoo lasoo amaahday waqtigii ka horeeyay xisbiga AK, sidoo kale waxa hadheeyay waddankaas dhac lacageed, xatooyo xoolo dadwaayne iyo qiimo hoos u dhac ku yimi lacagta waddankaas, waxaana ka mid ahaayd in waddankaas lacagtiisu u dhigmaaysay lix siiro marka lagu sarifaayo lacagaha kale ee dunidu leedahay sida doolarka Maraaykanka. Sannadahaas uu ahaa raaysal wasaaraha Turkiga waxa uu dhisay briijyadii ugu badnaa ee gudaha waddankaas, goobo waxbarasho, kuwa caafimaad, waddooyin, isgaadhsiin, korontada iyo dhamaan kabayashii dhaqaalaha waxaana lagu magacaabi jiray hogaaminta iyo fulinta xisbigaas AK “kacdoonkii aamusnaa (silence revolutionary)”.
Markii uu noqdey Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta waxaa uu saddex jeer ku guuleystay in Wadankaas uu ka noqdo Raiisul Wasaaraha Turkiga, waxaa uu isbedel uu ku sameeyey Dhaqaalihi Wadankaas oo uu kor u qaadey Boqolkii koow iyo Toban marka laga hadlaayo waxsoo-saarka (GDP) sannadkiiba. Erdoğan wuxa u yeeshey Taageeradii ugu Badnaayd ee gudaha Turkiga iyo wadamada Islaaamka badankooda, waxaa uu sumacad ku dhex yeeshay wadamada Yurub,Aasiya , Carabta iyo Afrika , waxa uu u ololeeyaa sidii Falastiiniyiintu u yeelan lahaayeen Dowlad u gaar ah, arintaasi waa sababta keentey in dhowr jeer uu Cambaareeyo falalka Guracan ee Israaiil kula kacayday Falastiiniyiinta.
Halkan hoose ka akhriso qaybihii hore:
Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q2aad
Kacaankii qunyar-socodka ahaa “silence revolutionary” Q1aad
Lasoco qaaybta afarraad.
Email: shire202@gmail.com