Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 6aad (W.Q. Xasan Ciise)

Xukunkii Milatariga Masar 1952-2011kii

Kacaankaas milatari ee wadankii Masar la wareegey afganbiyeyna boqorkii waxaa isna laba sano ka dib ka dhex dhacay af ganbe kale oo Maxamed Najiib lagu khaarijiey lama diline waxaa lagu xidhay gurigiisa oo ilaa sanadkii 1981kii oo uu geeriyooday ku jiray.

Fadeexado badan iyo dhib balaadhan ay kooxdii kalidii taliska ahayd ee uu hor kacaayey Jamaal kula kacdey dalkii Masar, dhibaatooyinka dhacay waxaa ka mid ahaa jabkii weynaa ee ciidanka Masar ku dhacay dagaalkii ku magac dheeraa dagaalkii lixda maalmood ee Israa’iil ku qabsatey Qasa,Siinay,Buuralayda Goolan Hights Daanta galbeed iyo Bariga Qudus.

Markii uu geeridooy Cabdinaasir 1970kii waxaa si ku meel gaadh ah u badalay Anwar Al-saadaad kaasi oo xukunka iska balaadhsaday inkasata oo uu mucaaradkii xabsiyada ku raagay sii daayey hadana ma badalin dabeecadii kali talisnimo iyo xisbigii kali ahaa ee wadanka ka talinaayey, markii uu gaadhay guushii kala badhka ahayd ee dagaalkii 1973kii bishii Oktoobar lixdeediina waxa uu xidhiidh toos ah la yeeshay Israa’iil uuna noqdey hogaamiyihii Carbeed ee aqoonsada jiritaanka dawlada Yuhuuda ah isla markaana booqashao laga yaabay xataa golihiisa wasiirada ka dagi wayday ku tagay magaalada Qudus kuna qaabilay Manaahiim Beeygan oo aha Ra’isal wasaaraha Israa’iil, taasian waxa ay soo dedejisay in shir qool dil ah ciidanka dhexdiisa kooxo ugu maleegto dabaal dagii Oktoobarna lagu toogto 1981kii.

Waxaa badalay oo xukunkii sidii kuwa hore oo kale ku soo fuulay Maxamed Xusni Mubaarak oo Janaraal ciidanka Cirka ah ka tirsanaa, askarigan afraad ee xukunka gacanta ku dhigay waxa uu bara dheereeyey saaxiibadiisii hore oo dhan waxaanu isku darsaday kali talisnimo iyo musuq maasuq waxaana la sheegey in isaga iyo qoyskiisu ay urursadeen xoolo ka badan 71 bilyan ma ah milyan ee waa bilyan oo doolar, gaaska dabiicaga ah ee ay Masar soo saarto badanaa waxaa iibsada sadex dal kaliya waa Masar.Joordan iyo Israa’iil waxaana foostata la siin jiray marka loo eego suuqa caalamiga ah 25 doolar laakiin waxaa Israa’iil laga siinaayey sadex doolar kaliya.

Ugu danbeyntiina waxa uu bilaabay in uu xukunka ka dhigo mid dhaxal ah waxaanu diyaariyey in uu inankiisa Jamaal ku wareejiyo, qabanqaabada arintaasina way dhamaatey oo xisbiga wadaniga oo ahaan jiray kan kaliya ee doorasho walba ku shubta waa laga dhameeyey hawshaas.

Ugu danbeyntii waxaa isaga oo aan si fiican uga diyaar garoobin qaaday daadkii ka soo buraday kacdoonkii Carabta ee sanadkii 2011kii isaga iyo qoyskiisiiba laakiin ma halkaas ayuu xaalkoodii ku dhamaadey?

Bal aan kaga bogano qaybta danbe ee soo socota.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Xasan Ciise

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 4aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 3aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad

Gabadh quruxdeeda darteed ku seegtay in ay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Tahraan!

Islaan caqli badan

raagesom@gmail.com