Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 7aad W.Qorey: Xasan Ciise

 

Kacdoonkii 2011kii

Shacabka reer Masar in ay kacaan oo ay ka ho yimaadaan xukunka milatariga ee soo taxnaa tan iyo 1952kii waxa ay ahayd mid la filaayey goor walba, waxaanad moodaa waqtigii ugu haboonaa in ay ahayd markii uu Mubaarak xukunka hayey sodon sano uun damcay in uu dhaxal ka dhigo.

Markaa iyaga oo raba in ay si uun u cabiraan diidmadooda diktaatooriyada ku dul raagtey ayuu kacdoonkii Tuunisiya ka dhacay siiyey rajo waxanay bilaabay 25koo bishii Jeenawari 2011kii kacdoonkii uhu horeeyey kaasi oo dad aan tiro badnayn isugu soo baxeen suuqyada Qaahira waxaana lagu haleeyey Booliska Masaarida oo sumcad xumo iyo naxariis daro lagu yaqaan in ay kala kaxayn karaan laakiin way sii bateen ilaa ay aakhirkii maalinkii labaad ee mudaharaadkooda xarun ka dhigteen Miidaanu Taxriir oo ah fagaare weyn oo  kala badha caasimada khadadka Tareemada iyo jidadka baabuurtuna ku kulmaan.

Wuxuu noqday Mudaharaadku mid kulul oo xanuun badan qaybaha shacabkuna uma kala hadhin oo cid walba way ka qayb qaadatey lamana odhan karayn urur ama xisbi gaar ah ayaa sheegan kara kacdoonkaas, hadii ay doonaan ururada qaarkood yaanay u kala hadhin oo si wacan ha uga qayb qaataane.

Inkasta oo uu xanuun badnaa dhiig badana ku daatey kacdoon wadayaashii waxa ay diideen wax kasta oo uu Mubaarak is yidhi ku sabab waxaa ka mid aha sababayaashiisii in uu madax weyne ku xigeen sameeyo kana dhigo Cumar Sulaymaan isaga oo aan 30ki sano ee la soo dhaafay yeelan ku xigeen waa laga diiday, wuxuu kala diray dawladii waxaanu magacaabay xukuumad cusub iyana waa laga diiday, aakhrikii waxa ay ka fursan wayday in uu wadankii laba erey oo kaliya ku fasaxo oo uu yidhaado madaxweynihii waxa uu ka dagey xilkii madaxnimada waxaanu awoodii dalk aku wareejiyey ciidanka Qalabka sida.

Ciidanka Masar halkaa waxa ay ciyaareen khiyaamadii ugu weyneyd dhinac waxa ay iska dhigeen in aanay la socon Mubaarak dhinacna waxa ay iska ilaaliyeen cida ay is leeyihin xukunka ka qaadan karimaysaan waxaanay amaamudeen gole sare oo hogaamiyaha dalka iyo xukuumad rayid ah oo ay magacaabeen awood buuranse aan lahayn, kacdoon wadayaashiina way kala hoydeen iyaga oo is yidhi malaha guushii waad gaadheen.

Ciidanka Masar waxa ay intaas abaabuleen in ay dalka fawdo ka dhacdo oo iyaga loo baahdo waxaa maalmo la waayey Boolis nabada ilaaliya waxaa haawadey xabsiaydii dalka oo qof kastaa ka soo baxay waxa ay ciidanku heshiisyo hoose la galeen dad dibjiriin ah oo Masaaridu u taqaano ( Baldajiya) waxa ay nimankaasi dhib iyo fawdo ka abuureen meelo badan oo dalka ah, ciidanku waxa uu bilaabay cidii ka hor timaada in u si naxariis daro ah ula dhaqmo, dhinaca kale waxa uu diktooni badan ciidanku ka muujiyey waxa alla wixii qawaaniin cusub ah ee la sameynayo in aanay ka fogayn ciidanka saaxada siyaasada.