Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 8aad (W.Qorey: Xasan Ciise)

 

Ciidanka oo is daad raaciyey

Ciidanka Masaaridu waxa uu ku dadaalay in uu ilaashado saameyntii uu ku lahaa 50 kii sano ee la soo dhaafay saaxada siyaasada dalkaas oo aan soo loo daba marin si kastaba ha ahaatee waxa ay is daad raaciyeen oo ay isku muujiyeen in ay qayb ka yihiin isbadalka dhacaya ama socdaba, hoostana waxay ay ka maleegayeen sidii ay xukunka ugu soo celin lahaayeen gacanta milatariga waxaanay markiiba abaabuleen in ay dhisaan dawla rayid ah waxa u eg waxaanay magacaabeen xukuumad uu madax ka yahay Saami Sharaf wasiirka gaashaan dhigana waxaa waxaa ka noqday taliyihii ciidamada markaa Janaraal Xuseen Dandaawi kan ayaana ahaa midka sida rasmiga ah dalka u xukuma isaga oo madax hadana ka ahaa golaha sare ee milatariga.

Ciidanku waxa ay bilaabeen sidii ay u fulin lahaayeen qorshayaal iskugu jira dhinacyo kala duwan  qaarkood waxa ay u muuqdeen in ay fulinayaan in ay ku socdaan qorshaha kacdoonka oo ay u muuqatey isbadal in dalku galay, dhinac kale waxa ay maleegeen shirqoolo khatar ah oo dalka galin karaayey dagaal sokeeye waxaana ka mid ahaa dhacdadii ay ka sameeyeen goobta lagu magacaabo Masbeero oo ah xarunta idaacadaha iyo telefishinada Masar waxaanay ku dileen dad aad u tiro badan oo Masiixiin u badan ama Kiristaan, waxaa kale oo ay waxba ka qaban waayeen in ay kala ilaaliyaan taageerayaashii isku laayeen garoonka kubada cagta ee magaalada Ismaaciiliya  halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan todobaatan qof aakhirkiina waxaa baadhitaan lag ogaaday in ciidanku qayb weyn ku lahaayeen dilkaas.

Dhinaca u muuqday in ay isbadalka la jaan qaadayaan waxaa ka mid ahaa waxa ay ogolaadeen in doorasho Baarlamaan la qabto taasi oo ay ku guulaysteen ururka Ikhwaanka waxaana taasi ay u ekayd in ay tijaabinayeen in ay ogaadaan sida xisbiyadu u kala taageero badan yihiin waxaana taasi cadeynayaa markii doorshada madaxweynaha la qabtey ee Maxamed Mursi ku guulaystey waxa ay kala direen Baarlamaankii la soo doortay taasi oo ka dhignayd in aan Baarlamaan Islaami ah iyo madaxweyne Islaami ah in aanay jagada sharci dajinta iyo fulinta wada qaadan oo caqabad ku nqon kari lahayd