Kadiyihii Guusha Rayidka Tuunis. Q.2aad (WQ: Axmad Cali Kaahin)

Isbadaladda is daba socda, degdegana ah ee dhinaca hogaaminta dalkaasi ku jiray sagaalkii sanadood ee u dambeeyay, waxay qaabaysay fahamka dadka dalkaasi iyo sida ay u wajahayaan siyaasiyiinta kala duwan kuna loo lama xukuna iyo hogaaminta mudada dheer ee qadiimka ah.

Xaalad kasta oo dalkaasi maro waxay bislaysay fahamka iyo garaadka bulshadaa oo markii hore ba ahayd bulsho xaga aqoonta marka la eego ka yar saraysa dunida carabta intooda badan. Taasina waa ta keentay in musharax bulshada rayidka kasoo jeedaa ka soo dhex mudho dhamaan tartamayaashii xisbiyada waawayni soo sharaxeen kuwaas oo saaxada mudo madaxa kaga duubnaa.

Isbadalka maskaxeed ee bulshada Tuunis is kama iman oo may ahayn dhacdo is ka dhacday, sidii kacaankii madaxwaynihii dalkaa xukunka lagaga tuuray. balse waddo dheer iyo marxalado kala duwan bay u soo mareen oo qalafsanaa, kuwaas oo khatar galiyay dadka iyo dalkaasi.

Khataraha dalkaasi waajahay waxa udub dhexaad u ahaa xukun maroorsi iyo xafiiltan siyaasadeed oo rogay waddamadii carbeed ee dabayshii kacaanku martay. loolamada ka dhex jiray dhinacyada ka baayac mushtareeya siyaasada waa masiibooyinka halaaga bulshooyinka, haddii aan si xikmad iyo caqliya loo xalin jaanisna lasiiyo Caadifada jahligu hogaamiyo. Xibiyada qaarkood waxay danahooda ka raadinayay arrimo halis ku ah qarankaasi. Iyo dilaalista dhiiga umadaha waxa socdana waa markhaati.

Balse dadka reer tuunis jaanis bay siiyeen badi kooxahaas, dhawr jeer na hogaaminta waxa qabtay dhinacyo kala duwan oo ka soo kala jeeda xisbiyo kala duwan oo kali ku ahaa masraxa siyaasada dalkaasi, iyo qaar badan oo qurbo joog dibad wareeg ahaan jiray dawladii hore.

Bulshadani waxay la soo noolaatay xaaladahaas oo dhan marna may keenin in dhiigooda uu dilaalo nin dan lihi.

wixii xaalado soo mareen sideedaa sanadood, waxay ahayd waxbarasho iyo odoros miisaaman iyo duruus iyo waxbarasho iyo tijaabooyin nolosha ah mustaqbalkana lagu waajaho

Halka ay muujiyeen qaangaadhnimo iyo bisayl nololeed, halka ay god dheer ku aaseen caafada madhan ee jahligu hogaamiyo siyaasi danlihina ku gabraarto. waxa umadaha dila sida, kooxaysi, qof jeclaysi, qaybsanaanta madaahibta, is riix dhinaca qoomiyadaha iyo qabiilooyinka. taasi oo siyaasiyiintu istaadhaan markay kursiga rabaan. Marka dambana dambarsato kuwii u gumoobay una godoboobay.

Tijaabadan siyaasadeed waxay dhashay in qof bulsahadooda kamid ahi ugu dambayntii doortaan kana fogaadaan isku dhacyo siyaasadeed oo daba dheeraada. Waana guusha ugu wayn ee bulshadaasi gaadhay.

Hubka kaliya ee ay kaga adkaadeen waa aqoonta bulshadaasi lahayd taasi oo u suurta galin waydya in sida waddamada Carbeed ee kale is cunaan dadkii walaalaha ahaa mudada dheer taasi oo wax dhibaato ahi hore u dhex oolin, kaliya nin dan lihi awrkiisa ku kicistay meel kasta ha joogee.

Guusha kale ee ay reer Tuunis gaadheen waa in qamaamuurtii ku gaamurtay siyaasada intay jaanis hogaamineed siiyeen tuseen awoodooda wax ka qabashada adeegyada bulshada, taasi oo badi lagu hungoobay. Waxayna taasi keentay in laga ilbaxo harawsigii siyaasiyiinta guunka ah loona guuro garoomo kale oo ka hawo fiican kuwaasi lagu hungoobay.

Guusha labaad ay gaadheen waxa ay tahay in bulshada iyo siyaasiyiintu is barteen, xalkiina aakhirkii uu noqday in qof caadiya uu wareegii 2aad ee saddexda musharax uu 70%  codadkii dadka ree Tuunis uu helay Qays Saciid oo qof caadiya shacabku doortaan.

Guusha saddexaad waa in saaxada siyaasadeed laga saaray siyasiyiintii qadiimka ahaa si xikmad iyo ilbaxnimo leh. Waayo ma doodi karaan siyaasiyiintii hore, jaanis baa la siiayay wax bana may soo kordhin, hadda bulshada reer tuunis way ka koreen harawsiga siyaasiyiinta,

Maanta kuwii wax harawsan jiray baa hadda haa waddada laga saaray, oo awoodii ay lahaayeen arkay. In shacabkii oo midiysan  go’aamiyeen masiirkooda nololeed halkay ku aaminayaan, Shacabka reer Tuunis way hadleen.

In madaxwaynaha la doortay ee Qays saciid uu mucjiso noqdaa muhim maaha, ta ugu wayni waa in dhabihii siyaasadeed ee hore dalku ka baydhay, jiho cusuna cagta saaray taasi oo dariiq cusub oo siyaasadeeda u jeexi doonta dalkaasi ama halgu barwaaqoobo ama ha lagu hungoobee waa tijaabo ka duwan qaaciidooyinkii hore.

Faaiidada ugu wayni waa in bulshadu wakhti nasasho ah maskaxahoodu ka galayaan siyaasiyiintii hore ee shaashadaha mudada dheer haystay. Guusha ugu wayni waa taa iyo in rajo cusub shacabka iyo qaaciido cusub oo dabka saran.

Waxa xiga qaybta 3aad idamka Alle Subxaanah.
Qalinkii: Axmed Cali Kaahin