Kaftanka Maanta: Ninka suulka taagga , subaxaa la sheegaa (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi beribaa nin inan laayala oo xididkii la degenaa ayaa wuxuu dhaqan u lahaa in habeenkii markuu xaajo gudanayo uu suulka taago , dabeeto odaygii wuxuu saqda dhexe suulka taagaba , subaxdii danbe ayaa sodohdii caruurtiisii  ugu yeedhay , ayeeyo ilma suul-taagoow kaalaya , dabeeto ninki wuu yaabay , waar tolow yaa ku sheegay ,Ibraahin gadhle oo arrintaa sawirayaana waakii lahaa

” Saqda dhexe habeenkii , marka aan siraad jirin , ninka suulka taagana , subaxaa la sheegaa .

 

Imika waa halkaase , dhalinyaradda kasoo jeedda , qolyihii waagii samsam odhan jirtay waxbay xulifo ahaayeen , waxaan saaka kula kaftamayaa , waaa halkii , Ibraahin gadhlee , saqda dhexe habeenkii,ninkii suulka taaga ,subaxaa la sheegaaye , sidii warkii samsamba waagii horre noosoo gaadhay , warka dhalinyarada habeenkii dhawayd  sheekaysatayna waa nasoo gaadhay .