Kaftanka siyaasadda: Mujaahid Muuse Biixi inta aan ka aqaan (W.Q. Axmed Nuur Guruuje)

Habeen sii horraysay baynu golaha kaftanka ku soo qaadnay Garaad Cali Garaad Jaamac iyo faalladii uu ka bixiyey Maxame Siyaad Barre ee uu yidhi Maxamed Siyaad Barre Aadan Cadde waxa uu ka metelaa gacan-adayga,  Cabdirashiid-na qabyaaladda, Cabdirashiid-na qabyaaladda, Cabdirisaaq-na hadal-badnaanta , Maxamed I. Cigaal-na shakiga .

Imika Muuse, sida aan ku helay xog uruurin ama aan ka maqlay:

Maxamed Siyaad Barre wuxuu la wadaagaa xasuusta iyo hadalka. Muuse waa nin xasuus badan oo aan weligii wax soo maray ilaabin ilaa carruurnimadiisii, waana nin hadal-aqoon ah oo suugaanta iyo gabayada wax badan ka yaqaan.

Cabdillaahi Yuusuf wuxuu la wadaagaa xirfadda iyo abaalka. Muuse waa nin abaalka ku wanaagsan oo ciddii maalin uun wax tartay u abaal guda, xirfad ahaana waa mileteri.

Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu la wadaagaa aqoonta bulshadda iyo shakiga. Muuse Biixi dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan reer Somaliland si aad u xeel-dheer buu u kala yaqaanaa, raas-raas iyo juffo. Wuxu yaqaanaa taariikhdooda, deegaankooda, suugaantooda iyo dhaqankooda. Muuse dadka looma sheego, isagaa sheega. Dhinaca kale Muuse waa nin feejigan, qofka ay is qabtaan kama hadho ilaa ay dhan u kala dhacaan, saaxiibadana iskuma aamino ilaa ay aad isugu dhaadhacaan .

Axmed Maxamed “Siilaanyo” wuxuu la wadaagaa, gacanta iyo codkarnimadda. Muuse cid ku majeeranaysa deeq maan arkin, dhinaca kale waa nin cod kar ah oo hadli og.

Ugu dambayn, Muuse waa ninka kaliya ee tolkii iyo Somaliland wax u qaybin kara iskuna wadi kara.

Axmed Nuur Guruuje

Hargeysa