Kaftankii Xildhibaanka Iyo Oday ee Gacan-qaadka Dhaliyey. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Iyada oo aanu joogo mid ka mid ah hudheellada waaweyn ee Hargaysa oo ay ku sugnaayeen tiro xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalilaan, oo ay taagtaagan yihiin barxadda hudheelka. Ayuu oday caan ku ah kaftanka siyaasiyiinta oo ah dadkan aan afka isku darin haddii aanu cid dacaayadeyn, uu xildhibaankii hadal ku bilaabay. Odaygu wuxuu hadal ku bilaabay mid ka mid ah xildhibaannadii goobta taagnida ku wada sheekaysanayey.  Odayga iyo Xildhibaanka magacyadooda waan qariyey, waayo baahinta ayaanan ogolaansho u haysan. nuxurka sheekada ayeynu qaadanaynaa, waxa aanay u dhacday sidan hoose:

= Odaygii: Waar xidhilbaan hebel adigu saddexda kooxood ee Baarlamaanka Soomaalilaan u kala qaybsan yahay keebaad tahay?

= Xildhibaankii: Oday annagu saddex qaybood ma nihin ee adiga ayey sheekadaasi kugu kooban tahay.

= Odaygii: xaqiiqada la isma diidsiiyo xildhibaan ee kaa tahay noo sheeg?

= Xidhilbaankii: Bal saddexda kooxood ee aad sheegayso adigu sheeg?

= Odaygii: waxa ay kala yihiin: Xildhibaanno mucaarad ah, Xildhibaano muxaafid ah iyo Xildhibaanno nin leeyahay. Markaa adigu kuwee baad tahay?

= Xildhibaankii: Oday deg deg ayaa kugu jira, malaha waad soo asaasaqaysaa ee hawlahaaga qabso.

= Odaygii: kol haddii aad xanaaqday kuwa ninku leeyahay ayaad ku jirtaa ee iska qiro, waxba qiiqa ha isku qarane.

= Xildhibaankii: Adeer naga tag malaha waa naloo kaa soo diraye, gacan ayaan kuu qaadaye. Odaygii maa adigaa ku dhaca, waar bal joog oo odayga ha ku dhaqaaqane. La kala kaxee. Show xildhibaanku waaba kooxda Maxamuud Xaashi waana ta uu odaygu ugu duurxulayey.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com