Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.2aad (WQ: Dr Cabdikariim D Xasan)

 

Astaamaha Unugyada Kansaraka:

Unugyada kansarka ee ku fufaya jidhku waxay leeyihiih astaamo  . Astaamahaas ayaa laga dheehan karaa hadba nooca uu yahay Kansarkaasi iyo inta ay gaadhi karto khatartiisu. Astaamahaas waxaa ka midd ah:

  • Unugyada kansarku way ka madax –banaan yihiin fariimaha saxda ah ee jidhku ku nidaamiyo taranka unugyada, taas oo kadhigan in kansarku tarmi karo, fidi karo xataa hadii jidhku rabo inuu xakameeyo tarankiisa.
  • Unugyada kansarku uma hogaansamaan hayaan-nololeedka aynu soo sharaxnay ee ay maraan Unugyada jidhka ee caafimaadka qabaa.
  • Unugyada Kansarku waxay samaystaan xidhido cusub oo u gaar ah, waxaanay weecsadaan dhiiga si ay u daboolaan baahida ay u qabaan nafaqo iyo oksajiin dheeraad ah oo ku filan tarankooda xad-dhaafka ah ( angiogenesis)
  • Unugyada Kansarku waxay weeraraan nudaha jidhka ee caafimaadka qaba, way faliidhmaan, kadib dhiiga ayay raacaan, waxay ku beermaan oo degelo cusub ka samaystaan xubno ka durugsan xubintii ay ka bilaabmeen( Invasion and Metastasis).

Halkuu ka yimaadaa Kansarku?

Marka lasoo koobo, dhamaan culimada ku xeel-dheer cilmiga Kansarku(Oncologists) waxay isku waafaqsan yihiin in  Mushkilada kansarku ku sal-leedahay hide-sidayaasha qofka(genes) waana xannuun la hide-raaco(hereditory).

Khalkhalka hide-sidayaasha qofka ku dhacay  wuxuu ku Iman karaa laba dariiq midd-kood:

  • Mid uu qofku ka dhaxlo waalidkii; tusaale waxa noocan u ah;  Kansarka Naasaha iyo Ugxan-sidayaasha dumarka (Breasts and Ovaries) oo ka dhasha khalkhal ku dhaca hide sidayaasha loo yaqaan BRCA1 iyo BRCA2.

Dumarka dhaxla hide-sidahaa khalkhalay 65% ayay suuro gal tahay in kansar ku dhaco. Waxaa isagana la hide-raacaa  Kansarka qanjidhka Borostayt-ka loo yaqaan( Prostate) iyo kansarka mindhicirka buuran iyo malawadka (Colorectal cancer).

  • Khalkhal ama dhaawac uu sababay  khataro la xidhiidha deegaanka uu qofku ku noolyahay  iyo hab-nololeedkiisa. Waxa jira walxo kala duwan oo dhaawaca DNA-da Unugyada, kuwaas oo laga yaabo in ay jidhka qofka soo galaan iyagoo u raacaya cuntooyinka la farsameeyay, dawooyinka qaar, iyo waxyaalo badan oo aynu si baraad li’i ah u adeegsano  (Enironmental carcinogenes).

Qofkasta oo dhaxlay Hide-sidayaal dhaawacan (genetic disorder),  qaddar go’an maaha in Kansar ku dhaco, dad badan ayaa noloshooda dhamaysta iyagoo aan wax kansar ah u jiroon, laakin waxay hide-sidayaashii dhaawacnaa usii gudbiyaan ubadkooda, kuwaas oo laga yaabo in isbedel kuyimid duruufaha noloshooda iyo saameeyayaal kale dartood,  uu kusoo maaxo, oo ay u jiroodaan Kansar.

Maxaa Kordhiya Khatarta Kansarka:

Arimaha aadka loo darsay ee la xaqiijiyay in ay ka qayb qaataan dhaawacida DNA-da qofka, isla markaana keeni kara Kansarada kala duwan waxaa ka mid ah:

  1. da’da qofka markasta oo qofku sii waynaado waxaa sii kordha fursada ah inuu kansar ku dhaco.
  2. Sigaarku waa sababta ugu muhiimsan uguna wayn ee keenta in ka badan konton nooc oo kansar ah, sida kansarka sambabka, mindhicirka, naasaha dumarka, afka iyo hunguriga.
  3. khamriga ayaa isna meel sare kaga jira sababaha keena Kansarka, sida kansarka beerka, caloosha, iyo kaadi haysta.
  4. Falaadha cadceeda(Kansarka maqaarka), raajada, iyo qaar ka midd ah daawooyinka cuntada lagaga ilaaliyo inay xumaato ayaa iyaguna ah sababo lahubo oo keena noocyo ka mid ah kansarka.
  5. Infakshanada dabadheerada sida TB-da, nabarada aan muddada dheer bogsan(chronic Ulcers).
  6. fayras-yada qaarkood Human Papilloma Virus(HPV) kansarka xubnaha taranka ee dumarka)  iyo Herpes Zoster Virus(HZV) kansarka dibnaha iyo dalqada iyo neerfayaasha.
  7. Xannuunada ama dawooyinka liciifiya difaaca jidhka (Immunosuppression) sida Aids-ka ayaa keena noocyo kansar ah.
  8. Kimikooyinka ku jira baansiinka ee ay hawada kusii daayaan baabuurta iyo wershaduhu ayaa si wayn uga qayb-qaata dhaawicida DNA-ga, isla markaana dhaliya Kansarka qaarkiis.
  9. Maadado mudooyin hore wax lagu dhisi jiray sida Asbestos, Silicon iyo nickel.

Halkan hoose ka akhri qormadii koowaad: 

Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.1aad

Waxa Qoray: Dr Cabdikariim D Xasan