Dhaqanku waa qodob muhiim ah oo saamayn taban iyo mid toganba ku leh nolosha shakhsiga ah iyo nolosha bulshadaba, sida aynnu kaga soo hadalnay qormo hore oo hal ku dhiggeedu ahaa “ Dhaqanka iyo bulshada” waxa aynu xusnay in dhaqan ku yahay “ Waxa qaabeeya sida aynu wax u aragno, sida aynu u fikirno,sida uynu u dhaqanno,sida aynu u qiimaynno,sida aynu u hadalno,ururka aynu samaynno,hiddaha aynu haysanno,xeerarka aynu samaysanno,waxa aynu caabudno,waxa aynu cunno, waxa aynu xidhanno, waxa aynu u naqaanno quruxda iyo foolxumada iyo guud ahaan sida aynu adduunkan iyo noloshan u aragno. Dhaqanku waa astaan iyo sifo ay bulsho gaar ahi leedahay oo ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee adduunka.”
Wakhtigan casriga ah, culimada cilmiga bulshadu iyagoo adeegsanayaa daraasadaha cilmiga bulshada ee la sameeyay wakhtiyadan dambe ayaa waxa ay bulshooyinka u qaybiyeen laba qaybood oo kale ah “ Bulshada xidhan iyo bulshada furan” amma sidoo kale bulshada wada nool iyo bulshada kala nool” hab dhaqanka ay bulshe leedahay amma uu qof leeyahay badiba waxa saamayn taban iyo mid toganba ku leh deegaanka uu qofkaas ku bar baaray. Deegaanka oo badi loo fahmo goobta amma magaalada ay bulsho deggantahay amma uu qof degan tahay ayaan ahayn sidaas, culimada cilmiga bulshada ayaa waxa ay xuseen in deegaanku uu yahay wax kasta oo qofka saamayn ku leh noloshiisa.
Ilbaxnimada ka hor, deegaanku waxa uu ahaa mid kooban oo si isku mid ah saamayn ugu wada wada guud ahaan bulshada, tusaale ahaan waddama carabtu iyo soomaalidu waxa ay ka simnayaeen xoolo raacnimada, qabyaaladda, gabayada iyo suugaanta iyo xoolo kala dhicista, iyadoo ay ugu wacan tahay isku dhawaanshaha deegannadooda iyo isu socodkooda, sidaas oo kale bulshada reer Yurub waxa ay ka wada nimnaayeen beerashada iyo ku xidhnaanta boqortooyada iyo kiniisadaha. Haddaba wakhtigan casriga ah deegaanku waxa uu noqday mid ka ballaadhan deegaankii hore, culimadu waxa ay xuseen in deegaanku uu yahay, guriga aad deggan tahay, goobta aad wax ka barato, bulshada aad la nooshahay, aaladaha aad isticmaasho ee ay ka midka yihiin Tv yada, Moobillada iyo Koombiyuutarrada iyo guud ahaan wax innagu xeeran ee aynu la falgalnno.
Saas awgeed is dhallanrogga waayaha ayaa saamayn badan ku yeeshay hab dhaqanka iyo qaab nololeedka aadanaha, maxaaa yeelay nolosha ayaa ah mid ku dhisan is baddal iyo is dhallanrog, meel fog innagoon ka raadin wax ka yar 30 sano, qaab nololeedka Soomaalidu waxa ku yimi is baddal 360 digrii ah, marka loo fiiriyo sida dhaqanku ahaa, cibaadadu ahayd, guurka iyo noloshu ahaayeen.
Keli noolaanshaha (Collectivism) oo qolyaha dhaleeceeyaa ay ku tilmaamaan dhaqanka danaystada taban ayaa ah dhaqan aad uga caan ah badiba waddama galbeedka oo ay ugu horreeyaan Marakaykanka iyo waddama galbeedka qaaradda Yurub. Dhaqanka ah ayaa ah in danaha shakhsiga ah laga doorbibo danaha guud ammaba in sakhsigu uu badax bannaan yahay arrimihiisa oo dhan. Daraasadaha laga sameeyay dhaqanka ayaa waxa ay xusayaan aftaamo amma sifooyin u gaar ah dhaqanka ayaa waxa ay kusoo koobeen sidan hoose..
- Ku tiirsanaanta cid kale oo loo aqoonsan yahay doqoniimo
- Badax bannaanida oo aad loo qiimeeyo
- Xuquuqda shakhsiga oo lama taabtaan ah
- Gaar ahaanshiyaha oo astaan togan ah
Sida ay qabaan culimada arrimaha bulshada, inaad kelidaa noolaato amma aanad cid ku tiirsanayn baa loo aqoonsan yahay astaan wanaag ah, qof adag isla markaana ah qof mustaqbal fiican leh. Qolyaha la dhacsan fikraddan ayaa tilmaamaya in baahida qofnimo amma shakhsinimo ay ka muhiimsan tahay baahida kooxda amma wadarta iyagoo u sababaeeyay in aanu qofku hal abuur yeelanayn haddii uu cid ku tiirsanaado. Qarnigii 19aad oo loo tiiriyo qarniga kala guurka khayaalka iyo xaqiiqda ayaa loo tiiranayaa inuu dhaqanka keli ahaanshuhu lasoo bilaabmay, wakhtigaas oo aad loo hadal hayn jiray maduuca xasaasiga ah ee xorriyadda.
Faylasuufkii reer Iswiisarlan ee (Jean Jacques Rousseau 1712-1778) ayaa waxa uu qoray maqaal uu ciwaan uga dhigay “saamaynta taban ee horumarka cilmiga iyo fanku ay akhlaaqda iyo dhaqanka ku leeyihiin” ayaa waxa uu ku xusayaa in horumarku aanu keliya lahayn tognaan, balse sidaas oo kale uu leeyahay tabnaan badan oo kaba badan tognaanta, waxa uuna tusaale usoo qaadanayaa sida caddaanku u kharribeen dhaqanada wananagsan ee cawaanka keymaha ku nool ay lahaayeen, isagoo ku sifeeyay inay bareen beenta, khiyaanada iyo dambiyada.
Saas ageed keli ahaanshaha aadka looga tix geliyo waddama galbeedka waxa uu leeyahay saamayn taban, walow badibba waxyaalaha badankood ay leeyihiin dhan taban iyo dhan toganba ammba loo garan og yahay seef laba af leh. Sida daraasado badan lagu xusay inaad la noolaato bulsho oo aad dadka ku dhex jirto waa mid ka mid ah baahiyaha aas-aasiga ah ee bani aadamku leeyahay, qolyaha cilmiga aqoonta nafta iyo dabeecadaha aadanaha ayaa waxa ay xusayaan in la noolaasha dadku ay tahay qayb wayn oo ka mid ah caafimaadkeenna maskaxda, haddii aad muddo bil ah la noolaan waydo dad waxa hubaal ah inaad waayayso qayb dhan oo ah erayada la isticmaalo iyo suuraynta xaaladaha kugu xeeran.
Kasmo nafeed yaqaankii reer maraykan ee (Abrahma Maslow 1908-1970) ayaa ragatidiisa “Saddex galka baahiyaha aadana” ku xusay in la noolaanshaha ehelka, asxaabta iyo bulshadu ay tahay baahida 3aad ee qofku u baahan yahay ee aanuu la’aanteed loolan karin. Isagoo qofka aan xaaladdan ku suganyn ku tilmaamay qayb ka mid ah dugaagga keli noolaha ah.
Dhanka kale, warbixnaha badan ee laga sameeyay naftood halligayasha amma kuwa is dila ayaa xusaya in keliya waddama galbeedka iyo jabbaan ay ka badan yihiin guud ahaan dunida oo dhan. Iyadoo lagu sababeeyay waxyaabaha fududeeya is dilka inay kow ka tahay in qofku dadka ka dhex baxo, sidoo kale waxa la xusayaa in badiba dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee qofka soo wajaha ay ugu wacan tahay inuu qofku ka dhex baxo bulshada iyo asxaabta. Sidoo kale saamaynta taban ee dhaqankani leeyahay ayaa ah inuu qofku noqdo mid takooran oo bila rejo ah, maxaa yeelay ku dhex jira bulshada iyo asxaabta ayaa ah inaad noqonayso qof leh rejo iyo yididiilo, iyadoo ay ugu wacan tahay is xog waraysiga iyo dhiiri gelinta aad ka helayso ehellada iyo asxaabta.
Qolyahaha isku sheega dhiiri geliyayasha nafta amma tababarayaasha ayaa iyaguna buun buuniya aragtidan keli noolaanshaha, waxyaabaha la yaabka leh ee u badan qiirada iyo xamaashada ayaa ay ku cel celiyaan deedna waxa ay dhaheen “ Adduunka kelidaa ayaad timi, kelida adigoo ah ayaad ka tagaysaa markaasna kelidaa noolow” waxa kale oo ay xusaan in ku tiirsanaanta cid gaar ah ay kharash dhac ku tah jiritaanka qofka” warkaan ayaa ka qayb qaatay la fal galka aragtidan.
Waxa iyana xusid mudan, in qolyaha la dhacsan fikirkan ay ku doodayaan in horumarka badan ee ay sameeyeen badiba waddama galbeedka ay ugu wacan tahay dhaqanka keli noolaanshaha, iyagoo ku sababaynaya in marka qofku keligiii uu nool yahay aannu cidba waxba ka sugayn ee uu kelidii samaynayo waxa uu maago. Rejada amma sugitaanka wax aan la ogayn inuu imanayo ayaa ay ku sheegayaan inay tahay wakhti lumis. Si kastaba dhaqanka keli ahaanshaha si buuxda looma odhan karo wuu taban yahay amma waa uu wananagsan yahay, dhaqanka waxa uu leeyhay waxbyaabo badan oo taban iyo waxyaabo badan oo togan, saasa awgeed waxa aynu odhan karnaa “ Arrimaha waxa ugu khayr badan kuwa dhex dhexaadka ah”
Tabnaanta uu dhaqankani leeyahay ayaa ka saamayn badan tognaanta uu leeyahay oo waxa xusid mudan in keli ahaanshuhu uu u dhaxalsiinayo dabci xumo, waalli iyo takoornaan, halka togaantiisa oo kaa maqan amma kula joogta aanad waxba u noqonayn. Sida aynnu horey usoo xusnayn saamayntiisa taban iyo saamayntiisa togan waxa aynu ka arki karnaa sida bulshooyinku kala yihiin, u fiirso badi waddama horumarka ka arradan waxa aynu arkay in qaranka iyo qofkuba ka arradan yihiin horumar. Dhanka kale waddama horumaray waxa ay u badan yihiin in isku filnaansho qofeed ay gaadheen, taasoo keentay inay isku filnaansho qarrana ku suntan yihiin.
Ugu dabyn, akhristow keebaa kula wanaagsan inaad kelidaa noolaata iyo inaad bulshada iyo ehela la noolaato adiga oo aan isku indho tirayn xaqiiqada keli ahaanshiyaha ? se maxaad ka odhanaysaa tababarayasha nolosha ee kugu dhiirri gelinaya “ Inaad kelidaa adduunkan timi, kelida aad ka tagayso” so sax maaha inaad kelidaa noolaato?
Wadar noolaanshaha ( Collectivism) halkan baahaiyaha iyo u jeeddooyinka kooxda ayaa ka muhiimsan baahiyaha iyo u jeeddooyinka shakhsiga ah. Halkan waxa aynu ku haysannaa daliil dharaarta ka cad oo muujinaya in wadar loo noolaado inay muqaddas tahay saas awgeed soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahday “ Tolkaa iyo kabtaa midna lagama dhex baxo” maah maahdan ayaa loo adeegsadaa waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsan tahay in wada noolaanshuu waa uu wajib yahay. Waxa in badan lasoo arooriyaa sheekooyin badan oo dadka loogu sheegayo inu ku dhex noolaanshuhu uu wayahay lama taabtaan. Waxa jiro astaamo iyo sifooyin uu dhaqankai leeyahay oo ay ugu caansan yihiin kuwan hoose..
- Danta gaarka oo laga horraysiiyo danta guud
- In loo shaqeeyo koox-koox waa arrin waajib ah
- Dadka waxa lagu dhiirri geliyaa ka shaqaynta danta bulshada
- Qoysaska iyo bulshada waa inay u midoobaan danahooda
- Danaysashadu waa arrin laysku ceebeeyo
Qodobadan kor ku xusan waxa ay ku tusinayaan in wadartu ay tahay wax la mahadiyo, guud ahaanna dunidu waxa ay isku raacsan yihiin in isku duubnida oo loo adeegsado dhanka taban ay ku dhaxalsiinayso liibaan badan, meesha u baahan in la iftiimiyo ah ayaa ah in wadar noolaansha oo dhanka macquulka ah loo adeegsado ay keenayso horumar badan, tusaale wanaagsa, bulshada shiinaha oo u badan kuwo u nool wadar ahaa ayaa ah bulshada ugu badan ee horumar baahsan ka sameeyay qaybaha nolosha, daraasado badan oo sameeyaya ayaa lagu xaqiijiyay heerka is dilka shiinaha uu hoos u dhac dhan 10% uu ahaa sannadkii 2010 iyo wixii ka dambeeyay.
Waxyaabaha la mahadiyo ee dhaqankani leeyahay ayaa ah in bulshadu iska kaashato dhibaatooyinka baahsan ee nolosha ka yimaadda, tusaale ahaan dunida muslimka ah waxa waajib ku ah in lays caawiyo oo laysku caawiyo wanaagga iyo horumarka, dhacdooyinka waawayn ee la diwaan geliyo waxa ugu muhiimsan in dadka muslimka ah ay si qarsoodi ah wax u bixiyaan taasoo la aaminsanyahay in haddii qofku sidaas falo uu maalinta qiyaamaha hadhsanayo hadhka cashriga Eebbaha raxmaanka ah.
Dhaliilaha uu dhaqankan leeyahay ayaa in qofku is dhiganayo oo aanu wax is baddal ah samaynayn maaddaama uu rejo ka qabo in aanu waxba u noqonayn haddii uu isku joogo, sidoo kale dhaliilalaha uu dhaqan leeyahay ayaa in qofku badiba ka tanaasulayo arrimiisa gaarka ah, tusaale ahaan qofka soomaaliga ah amma badiba bulshooyinka wadarta u nool waxa khasab ku ah haddii uu guursanayo inuu waalidkiisa kala tashado oo haddii ay u diidaan iyo haddii ay ku raacaanba ay waajib tahay inuu aqbalo go’aanka waalidkiisa.
Si kastaba dhaqanka wadar noolaanshaha iyo dhaqanka keli ahaanshaha mid kasta waxa uu leeyahay tabnaantiisa iyo tognanatiisa, waxaana muhiim ah in mar kata la raaco waxyaaaha taban ee labadan dhaqan ay leeyihiin.
WQ: Mukhtaar Axmed.
28-feebarweri-2021