KENYA & ITOOBIYA : TALADU WAA MAR AAD GARAN WAYDO IYO MAR AAD GAADHI WAYDO. W/Q: (Cabdiraxman Cadami)

KENYA & ITOOBIYA : TALADU WAA MAR AAD GARAN WAYDO IYO MAR AAD GAADHI WAYDO.

Laga soo bilaabo 1960 Somaliya waxay dagaal kula jirtay dalalka Itoobiya & Kenya. Seddexda dalba dhaqaalaha ugu badan waxay u qoondayn jireen dhismaha ciidamada iyo saanadooda waana sababta keentay Itoobiya & Somaliya in ay noqdaan kuwa ugu saboolsan dalalka Geeska Afrika , isla colaadu waxay saamaysay xasiloonidii iyo amnigii wadamada Gobolka oo dhan. Gardarada iyo taageerada jabhadaha ka dhanka Itoobiya & Kenya awgood Somaliya waxa lagu tilmaami jiray dawlada ugu jaarnimada xun Afrika. Xaalkuse wuxuu isbedelay markii ururkii SNM fadhiisimo laga siiyay gudaha Itoobiya iyo waliba markii Distoorka JSL lagu cadeeyay xuduudaha dalka iyo in colaadii raagtay lagu bedelo xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi hor leh. Hase ahaate Somaaliya oo shalay ka soo horjeeday baadi goobkii shanta ayaa maanta waxay dhiiri galinayaan soo noolaynta riyadii Somali Wayn . Xidigta shanta gees leh ee calanka Somaliya oo u taagan N.F.D , Somali Galbeed, Jibuuti, Somaliya & Somaliland ka sakaw madaxda Somaliya ma qarsadaan sheegashada dhul kaga maqan Itoobiya & Kenya tusaalihii u dambeeyay, xaflad lagu xusayay sanad guuradii 63 ee 26 June, gudoomiyaha Aqal Sare ee Somaliya wuxuu si aan gabasho lahayn ugu tiraabay in uu ku rajo wayn yahay in la arki doono shanta oo ku midoobay calankan blue -ga ah. Si kastaba ha ahaate astaamaha qaranka Somaliya iyo guubaabada siyaasiintu waa digniin iyo fariin ku socota madaxda dawladaha jaarka ah , digniino la mid ah waxa dawladahooda u soo jeediyay aqoon yahano u dhashay Itoobiya & Kenya iyo xarumo Think Tank ah oo si dhaw ula socda arrimaha siyaasada & amniga ee Gobolka hase yeeshe madaxda labada dal ma ay garan taladii ama xalkii lagaga hortagi laha colaadihii oo soo noqda oo ah in la aqoonsado JSL waana sida kaliye ee Gobolku ku gaadhi xasilooni waarta laakiin waxay ka doorbideen in ay Somaliya kula macaamilaan siyaasad ah in aanay dagin, kuma ay xisaabtamin in ay ka bixi karto xaalada ay maanta ku sugan tahay.
Taladu waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo .
” Bad luck comes when you have a bad decision “. ( Richard Nixon )

Cabdiraxman Cadami

Abdirahmanadami33@ yahoo.com