Khaladka 11aad: Qiimee maxsuulka
Madaxweynihii Maraykan ee Obama ayaa waraysi uu siiyey TV-ga Fox News ku qirtay in Khaladkii ugu weynaa ee uu sameeyey intii uu madaxweynaha ahaa ay ahayd in aanu qorsheba ka lahayn Libya marka Qaddaafi la rido kaddib, taas oo horseedday aafadii iyo qaran-jabkii ka dhacay Liibiya.
Khaladka 12aad: Intaanad fali aad uga fiirso
Raiisal Wasaarihii Ingiriiska ee 1997kii illaa 2007 ayaa lagu majeertaa in uu ahaa hoggaamiyihii ugu waxqabadka badnaa qarniyadan laakiin wax kasta oo uu qabtay waxa baabi’iyey hal khalad oo uu galay kaas oo ahaa in uu weeraray Ciraaq. Aad baa loogala taliyey laakiin uma muuqan. Khaladkaas lama illaawaanka ahi weli wuu la’nool yahay Mr Blair oo habeenkii kama seexdo.
Meesha baas maxaa kuu geeyey! Dee faduul!
Khaladka 13aad: Marka Hoggaamiyuhu noqdo Keligii Saxane
Sidii aynu qaybihii hore ku soo aragnay madaxdu khalad way sameeyaan laakiin waxa ugu liita ka ku sii adkaysta khaladkiisa. Marka Hoggaamiyuhu khaldamo dadku markiiba waranka uma soo qaataan ee fursad bay siiyaan, waaba kuwa yidhaahda; Kaadi badane waa loo gogol badiyaa: Kaddibna wuxu galaa khaladkii hore mid ka sii weyn oo ah in uu dadka yaraysto ama u fahmo in aanay dhaadayn khaladkiisa amaba aanay waxbaba ku samayn karin.
Abwaankii reer Togdheer ee Faarax Laanjeer baa todobatanaadkii dareemay in Maxamed Siyaad wax ka qalloocanayaan oo uu u dhego nuglaaday dad aan danta dalka dan ka lahayn. Markaas buu mariyey gabaygiisii caanka ahaa ee Abwaan Dhoodaan ku siiyey billadda Gabayga Geela.
Laanjeer isaga oo la’ hadlaya Maxamed Siyaad wuxu is barbar dhigay Geela iyo Dowladnimada. Wuxu u sheegayaa labadaba haddii la dayaco in raadintooda dambe meel-fog laga doono:
Wuxu yidhi:
Geelu Waa Dhibaato iyo Taws laysu Dhaqayaaye
Iyadoo Dhammayseey la furay Toomo dhinaceeda
Ayuunbaa col loo soo dhuraa booli-Dhaadhiyahe
Wax ka Dhigan Dhismaa Dowladnimo Sidigta Dhoor-wiile
Dar horoy la’ Dheelidayba waa Dhaxal xumeysteene
Dhudhun lagaga qaad iyo wedkii lagu Dhaweeyaaba
Nin Dharaara haystaba Saldanad loogu soo Dhigaye
Dhammow Maxamed Dhaan raagay buu Dhawrayaa shacabe
Ku Dhakhsada Distoorkiyo sharciga Dhaharay jiilaale.
Odaygii Alla ma waafajin taladaas; kaddibna fawaqa maa waqac. Wixii dhacay baa dhacay.
Khaladka 14aad: U ogolow dadku in ay Noolaadaan, haddii kale adiguna keligaa ma noolaan doontid.
Madaxweyne Putin muxuu ka bartay Jiirkii ama Dooligii qolka kula noolaa?
Sida uu isaga laftiisu ka sheekeeyey isla markaana ay qortay taariikh-qoraha Natalia Gevorkyan, Madaxweyne Vladimir Putinka Ruushka ayaa markii uu yaraa waxa uu Guri hal qol ah kula noolaa waalidkii, ila-xidhka (corridor)ka uu guriga ka seexan jirey ayaa waxa marmar soo geli jirey Jiir ama Doolli, jiirkaas xaafadda kula noolaa Putin wuxu ka bartay khibrad-nololeed illaa hadda uu isticmaalo oo ah jiirka ama doolliga haddii aan u diido buu yidhi meel uu ka baxo ugu dambaynta igama ordi jirin ee aniga ayuu si ba’an ii soo weerari jirey, sidaa darteed waxan ka bartay buu yidhi: fursad bixi! qofka meel walba ha ka soo xidhin.
Haddii aad sidaas samayso sidii Dooligaasi ama Jiirkaasi samayn jirey naf la caariga adiga ayuu isku kaa soo qaadayaa. Xikmadduna waxa weeye qofka ha u diidin in uu noolaado, haddii aanu kugu soo maqnayna adigu dirirtiisa ha raadsan, Haddii aad raadsatana meel walba ha ka soo xidhin, Haddii aad sidaa samayso ogow adiga uun baa ku khasaari.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Waraabe daalay dirirtiisaa loo tagaa
La soco qaybaha dambe
W/Q: Cismaan Abokor Dubbe